Kenya oo dalbatay in garsoore Cabdi Qawi laga saaro dhageysiga kiiska Badda ICJ

0
Tuesday September 03, 2019 - 14:56:33 in Wararka by
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo dalbatay in garsoore Cabdi Qawi laga saaro dhageysiga kiiska Badda ICJ

    Dowladda Kenya ayaa war cusub ka soo saartay kiiska Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya, kaas oo ay haatan dacwaddiisu hortaallo maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ. Kenya ayaa dalbatay in dhageysiga kiiska Badda labada dal laga saaro garsoore Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa war cusub ka soo saartay kiiska Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya, kaas oo ay haatan dacwaddiisu hortaallo maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ. Kenya ayaa dalbatay in dhageysiga kiiska Badda labada dal laga saaro garsoore Cabdi Qawi Axmed Yuusuf oo ah madaxweynaha ICJ, sidoo kalena ah Soomaali. David Matsanga oo ah guddoomiyaha hay'ad la ma

gac baxday PAF, islamarkaana sheegata inay u doodo arrimaha Geeska iyo Bariga Afrika ayaa tilmaamay in Kenya ay dooneyso in dhageysiga kiiska Badda laga reebo garsoore Cabdi Qawi.

Hay’addan oo ay hoggaamiyaan koox Kenyaan ah ayaa sheegtay in Madaxweynaha maxkamadda ICJ uusan si dhex dhexaad ah u geli karin kiiskan, islamarkaana niyaddiisu ay la jirto Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigtay.

 

Sidoo kale waxa ay hay’addu ku eedeysay Cabdi Qawi in marar badan uu fagaare ka sheegay sida uu jecelyahay oo ah in Soomaaliya ay guuleysato..

Ugu dambeyn David Matsanga ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in aysan ka qeyb gelin dhegeysiga kiiskan, islamarkaana ay banaanka ka joogto.

9-ka illaa 13-ka bishan September ayaa lagu wadaa in ICJ ay dib u bilowdo dhageysiga dacwadda Badda, waxaana dooda ku horreyn doonto Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip