
Wasiir Cawad iyo Danjire Swan oo Muqdisho ku kulmay
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad ayaa shalay oo Isniin aheyd magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay siyaabaha kala duwan loo sii xoojin karo wadashaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Sidoo kale Axmed Cawad iyo James Swan ayaa ka wada sheekeystay horumaradii u danbeeyay ee Soomaaliya ay ka sameysay dhanka siyaasadda iyo amniga.
Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa wakiilka Qaramada Midoobay uga mahad celiyay kaalmada ay Qaramada Midoobay la garab taagan tahay Soomaaliya.
Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa bilowgii sanadkan dalka ka ceyrisay Wakiilkii hore Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya iyada oo ku eedeysay in uu soo faragashaday arrimo u gaar ah Soomaaliya.
Wasiir Cawad iyo Danjire Swan oo Muqdisho ku kulmay
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad ayaa shalay oo Isniin aheyd magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Labada masuul ayaa ka wada hadl