HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 26-KA AGOOSTO 2019-KA

0
Monday August 26, 2019 - 10:21:30 in Wararka by
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 26-KA AGOOSTO 2019-KA

    Farmaajo oo la kulmay qorayaashii ka qeyb-galay Carwada Buugaagta Muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda ee ka qayb gashay Carwada Buugaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo oo la kulmay qorayaashii ka qeyb-galay Carwada Buugaagta Muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda ee ka qayb gashay Carwada Buugaagta ee Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta ay ka geysanayaan ilaalinta afka, dhaqanka iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa qabanqaabiyeya asha carwadan sannadlaha ah iyo ka qayb galayaashaba ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay wadaan, ayna si qoto dheer baaritaan ugu sameeyaan dhacdooyinka dalka si ay taariikh kaydsan ugu noqoto jiilalka dambe. Madaxweynaha ayaa sidoo kale qalin leyda Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qayb qaataan sare u qaadidda wac yiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dowladnimada iyo doorkoo da dib u dhiska dalka.

Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug Oo Dhuusamareeb Ka Furmaya maalmaha soo socda

   Odayaasha dhaqanka iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa maa nta Dhuusamareeb qado sharaf ugu sa meeyay guddiga dib-u-heshiisiinta Gal mudug iyo ergada magaalada u timid in ay ka qeyb galaan shir-weyna ha loogu diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

  Ugaas Cabdi daahir Ugaas Nuur oo ka hadlay qadada reer Dhuusamareeb u sameeyeen guddiga iyo ergada ayaa sheegay in kulanku ahaa is barasho iyo soo dhaweyn, waxa uuna ku dhiirri geliyay reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka hadlay afka ergada kulanka ka qayb galay ayaa uga mahad celiyay reer Dhuusamare eb soo dhaweynta waxa uuna dhankii sa sheegay in reer Galmudug ay ka faa’iideystaan fursadda dahabiga ee la siiyay oo ay ka wada shaqeeyaan adk eynta midnimada.Xubno ka socday Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ayaa dhankooda sheegay in dhawaan uu furmi doono Shirka dib u heshiisiinta Galmudug, islamarkaana ay kasoo qeyb gali doonaa Madaxda Qaranka.

Somaliland oo sheegtay in Korneyl Caare mudan yahay in la toogto

    Taliyaha guud ee Ciidamada Millat eriga Somaliland  Nuux Ismaaciil Taani ay aa weerar afka ah waxa uu ku qaa day Korneyl Caare oo ka mid ahaa Sar aakiisha

    Ciidamada Soomaaliland,hayees hee ka goostay,isla markaana dhowr mar la dagaalamay Ciidamada Soomaaliland.

Shir Jaraa’id uu Maanta Warbaahinta ugu qabtay Magalada Hargeysa ayaa sheegay in korneyl Caare uu ahaa Korneyl ka tirsanaa Ciidamada,hayee shee uu yahay Nin loo heysto dilal badan uu u geystay dad ku nool deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Waxa uu taliye  Nuux Taani hadalkiisa intaasi ku daray in sidoo kale uu yahay Nin lunsaday Mushaar ay lahaayeen Ciidamada Soomaaliland,isla markaana uu mudan yahay in Maxkamad la saaro loona qisaaso dadkii uu dilay oo ka badan 10 ruux sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaan leeyahay Korneyl Caare waa dambiile dadkii uu laayay ayaa weli kiiskooda Maxkamada horyaalla,waxaana jira dad u doodaya,waxaana leeyahay Ninkasi waa dambiile,waxaana uu mudan in la toogto ayuu yiri Taliyaha Guud ee Ciidamada Soomaaliland”.

Kornayl Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo horay uga mid ahaa Ciidamada Soomaaliland balse ka goostay ayaa dhowr mar waxa uu dagaal kula galay deegaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag Ciidamada Soomaaliland, isaga oo ku hanjabay in uu weerari doono Magalada Hargeysa.

Deni oo ku baaqay in wada-hadalka DF iyo Somaliland lagu qabto Garoowe

   Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay Munaasabad lagu qabtay Mag alada Garoowe ayaa dalbaday in wada-hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland & Maqaamka Magalada Muqdisho

 lagu qabto Magalada Garoowe.Waxaa uu sheegay in Wada-hadallada Soomaaliya iyo soomalailand ay tahay caqabad kale oo hortaagan Dastuurka Soomaaliya,waxaana uu sheegay in uu ka codsanayo Soomaaliland inay wada xaajood iyo wada-hadal u yimaadaan Garoowe.

Dadka Reer Puntland ayuu ugu baaqay inaysan noqon kuwa doodaha iyo xaaqa ay leeyihiin aysan ka baqin,isla markaana Maamulka Puntland uu diyaar u yahay martigelinta shirar looga hadlayo maqaamka Muqdisho iyo wada-hadallada Soomalaiya iyo Soomaaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday Arrimo la xiriira Maqaamka Muqdisho oo uu sheegay in in badan ay soo noq noqatay doodiisa,waxaana uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in Garoowe looga dodo sidii Magalada Muqdisho ay u yeelan laheyd Maqam u gaara ah.

Guddoomiye Ibraahim Dheere oo la kulmay Xubnaha Guddiga Xil wareejinta

  Kusimaha Guddoomiyaha Gobolkan Ba naadir ahna Guddoomiye kuxigeenka Dh inaca Maamulka iyo Maaliyadda Gobol ka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle ayaa Maanta waxaa uu kulan la qaatay xubnaha loo Magacaabay xil wareeji nta Maamulka Gobolka Banaadir.

Xubnaha oo ka kooban 9 Xubnood ayaa laga sugayaa inay diyaariyaan munaasabada ay xilalka kula wareegayaan Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Filish oo bedelay guddoomiyihii qaraxa ku geeriyooday ee Eng Cabadiraxmaan Yariisow & kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Ibraahim Mahdalle.

 "Kulan Muhiim ah ayaan la qaatay Guddiga qaban qaabda munaasabad da xil la wareegidda iyo soo dhaweyn ta Duqa Cusub ee Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayuu yiri Ibraahim dheere”.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xubnaha Guddiga uu kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha u dhiman Guddiga eek u saaban sidii ay u qabsoomi lahayd munaasabad qurux badan.

Guddoomiyaha Cusub ee G/Bana adir oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

    Guddoomiyaha Cusub ee Gobolkan Banaadir ahna Duqa Magalada Mu qdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Fi nish) ee dhawaan xilkaasi loo Maga caabay ayaa Magalada Muqdisho waxaa uu ka wadaa kulamo uu la yeelano Madax & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

   Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed,kuwaas oo Hoygiisa ugu tegay Hambalyo iyo hambalyo ku aadan xilka loo Magacaabay, iyaga oo dardaaran u jeediyay.

 "Waxaa xalay ilaa iyo shalay kulamo kala duwan laqaatay qaar kamid ah waxgaradka soomaaliyeed kuwaa oo iigu yimid hambalyo iyo bogaadin ku adan xilka la’iimagacaabay . Hambalyo kadib waxay isoo jeediyeen dar daaran iyo duco waxaana kadalbaday in maamulka cusub ee aan hogaanka u ahay ay nala shaqeeyaan ayuu yiri Guddoomiye Cumar Finish”.

Sido kale Guddoomiyaha ayaa ka dalbaday Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed inay Maamulka la Shaqeeyaan,isaga oo balan qaaday inay xooga saari doonan sidii muqdisho ay ula tartami lahayd caasimadaha wadamada Caalamka.

Xoghayihii hore ee gobolka Banaadir Amiin Sheekh Cilmi oo Qarax lagu dilay

   Qarax loogu xiray gaarigiisa ayaa lagu waramayaa in goor dhaw lagu dilay xogh ayihii hore ee gobolka Banaadir Amiin Sheekh Cilmi.

   Qarax Gaari ayaa ka dhacay Bar lagu Baaro Gaadiidka galaya Airport-ka Muqdisho. waxaana la sheegay in uu ku qarxay Kontoroolka koowaad ee waddada gasha Airportka ,taas oo u dhaw Isgooska KM4 ee Muqdisho.

Dad Goobjoogayaal ah oo aan goordhaw la hadlaynay ayaa sheegay in Amiin uu wade ka ahaa gaariga, mana jirto cid kale oo wax ku noqotay qaraxan.

Allaha u naxariistee Amiin Sheekh Cilmi ayaa sanadkii 2014 waxaa uu bedelay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan,

Horaantii  sanadkii 2015 waxaa sidan oo kale qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay C/kaafi xili uu marayay Isgoyska KM4.

Madaxweyne Xaaf oo xilkii ka qaad ay Wasiir dhaliilay Guddiga Shirka dib u heshiisiinta

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xa af) ayaa xil-kaqaadis ku sameeyay Wasi irka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Ee Maamulka Galmudug.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip