
Dagaal Ciidamo Ka Tirsan Puntland Iyo Somaliland Ku Dhexmaray G/Sanaag
Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwa Somaliland uu dagaal kooban ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolkaas.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay weerar kusoo qaadeen Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobalka Sanaag ee Somaliland xili uu marayay duleedka deegaan lagu magacaabo Hadaaftimo.
Ilaa iyo hada lama og Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag,hayeeshee wararka qaar ayaa sheegayaa in khasaaro uu soo kala gaaray labada dhinac.Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen Jugta rasaas Culus oo ay isdhaafsanayeen Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland,waxaana dagaalka uu socday mudo kooban Wallow markii dambe uu uu istaagay.
Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa isku heysta Gobolka Sanaag,waxaana labada Maamul dhowr jeer dhexmaray dagaalo geystay Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac.
Dagaal Ciidamo Ka Tirsan Puntland Iyo Somaliland Ku Dhexmaray G/Sanaag
Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwa Somaliland uu dagaal kooban ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolkaas. Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsa