EX-Ciyaaryahan Iskootwuxuu mudan yahay Macalinka Xulka Soomaaliya….

0
Tuesday February 16, 2016 - 12:59:41 in Sports News by
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    EX-Ciyaaryahan Iskootwuxuu mudan yahay Macalinka Xulka Soomaaliya….

    Magaciisa oo dhameystiran waa Cismaan xaaji Maye waxa lagu Naynaasaa Iskoot waa mid ka mdia difaacayadii ugu Adkaa Xulka Soomaaliya Sanadihii 80meeyadii iyo Kooxdii Cawo iyo Maalin Horseed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaciisa oo dhameystiran waa Cismaan xaaji Maye waxa lagu Naynaasaa Iskoot waa mid ka mdia difaacayadii ugu Adkaa Xulka Soomaaliya Sanadihii 80meeyadii iyo Kooxdii Cawo iyo Maalin Horseed Mar aan Hargeysa kula kulmay kal hore Difaacii Hore ee Naadiga Horseed iyo Xulka Qaranka Soomaaliya ka dib 2010kii waxa uu i sheegay in uu ahaa Difaac ay ka baqi jireen Raacidiisa Weeraryahanadii ka soo horjeeday isla amrkaana uu ku caan baxay Ciyaar farsamo iyo adkeysi ku dhisan.
‘Marka saaxiibkeey 4 Shaash kubada lala soo dhaafo sida Gantaalkii ayaan u soo gal jiray Weerarka iga soo horjeeda,waxaana anigu si gaara u dhibsan jiray raacidiisa AUN Weraryahankii Maxamed Xuseen Cali’ Sheekhaaloow’ oo u u ciyaari jiray Kooxdii Muqdisho’ ayuu yiri iskoot oo intaasi ku daray in neynaasta iskoot ay ka soo jeedo kalmad carabi ah sidaana ugu baxday.
Cismaan Xaaji Maye iskoot waxa uu hoosta ka xariiqay inuu aad u jeclaa lambarka 14 ee uu qaadan jiray isla markaana Kooxdiisa Horseed Mudadii uu u ciyaarayay uu la qeybsaday Koobaba kala duwan una badnaa Horyaalka Soomaaliya.
14 iskoot oo Baryahaan aad hadal heyntiisu u badneyd ayaa waxa uu ahaa Macalinki watay da,yarta Soomaaliya ee da,da 11 jirada ee wacdaraha ka dhigay Koobkii 11 jirada e eka dhacay Wadanka Qadar.waxaana Macalin Iskoot uu soo xushay da,yar mustaqbal wanaagsan ku leh kubada Cagta Soomaaliya.
Ugu Dambeyntii Tababare Cismaan Xaaji Maxamed Iskoot Difaacii hore ee Soomaaliya waxa uu mudan yahay in loo dhiibo Xulak Qaranka Soomaaliya oo mudooyinkii la sood ahafay u muuqday mid wehel ua aha guuldarooyinka isla markaana XSKC u soo xulayay Tababare Ajnabi ahkaasoo waxba aan gaarsiin Xulka Kubada Cagta Soomaaliya
iskot212742413_1323386977675393_3801861042325361227_n-2-660x660
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip