
Munaasabad Sagootin Ah Oo Loo Sameeyay U Qeybsanaha Ciidanka Turkiga Ee Somalia
Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye ku-xiggeenka XDS Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Safiirka Ku-xiggeenka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale ayaa maanta ka qeyb galay Munasabadaan oo lagu sagootinayey u Qeybsanaha Ciidanka Milaratiga Turkiga ee Soomaaliya.
Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye ku-xiggeenka XDS Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, ayaa uga mahadceliyey u Qeybsanaha Ciidanka Xoogga Turkiga ee Soomaaliya wada-shaqeyntii uu lalahaa Taliska XDS, ayna ku faraxsan yahay in maanta ay ku saggootiyaan.U Qeybsanaha Ciidanka Xoogga Turkiga ee Soomaaliya oo Muddo Xileedkiisa shaqo uu dhammaaday ayaa sheegay in Soomaaliya muddadii uu joogay ay aad ula shaqeeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka, waxaana uu uga mahad celiyey wada-shaqeyntii dhex martay intii dalka uu joogay.


0 



Munaasabad Sagootin Ah Oo Loo Sameeyay U Qeybsanaha Ciidanka Turkiga Ee Somalia
Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye ku-xiggeenka XDS Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Safiirka Ku-xiggeenka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale ayaa maanta ka qeyb galay Munasabadaan oo lagu sagootinayey u Qeybsanaha