Messi oo 3 bilood laga mamnuucay ka qeyb galka cayaaraha caalamiga ah

0
Saturday August 03, 2019 - 15:03:05 in Wararka by
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Messi oo 3 bilood laga mamnuucay ka qeyb galka cayaaraha caalamiga ah

    Weeraryahankan Barcelona u dheela ayaa kaarka casaanka loo taagay cayaartii dhexmartay iyaga Chile, taas oo 2-1 ay Argentina ku guuleysatay, balse Messi ayaa markii dambe yiri " koobka Brazil ayaa iska leh". 32 jirkan ayaa waxaa sidoo kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahankan Barcelona u dheela ayaa kaarka casaanka loo taagay cayaartii dhexmartay iyaga Chile, taas oo 2-1 ay Argentina ku guuleysatay, balse Messi ayaa markii dambe yiri " koobka Brazil ayaa iska leh". 32 jirkan ayaa waxaa sidoo kale xiriirka kubadda cagta ee koonfurta Amerika ay dul dhigeen lacag ganaax ah oo gaareysa konton kun oo doolarka Mareykanka ah.
Messi ayaa haatan muddo todobaad ah oo uu racfaan kaga qaadan karo go’aanka looga mamnuucay cayaaraha.

Go’aan kan ayaa sababaya in Messi uusan ka qeyb galin cayaaraha saaxibtimimada ee ay Argentina la yeelan doonto Chile, Mexico iyo Jarmalka, kuwaas oo la dheeli doono bilaha Sebteembar iyo Oktoobar ee sanadkan.

Kaddib kulankii nus-dhamaadka ee Brazil 2-0 kaga badisay Argentina, ayay Xiriirka Kubadda Cagta ee Argentina ku andacoodeen khaladaad dhanka garsoorka ah.

Messi ayaa sheegay in koobku yahay mid ay hareeyeen musuq iyo wax isdaba marin baahsan isaga sheegay in aan loo muujinin xushaddii ay kooxdiisu mudneyd intii uu socday tartanku.

Messi ayaa xilliyo badan ka mid ahaa ciyaartooyda heer caalami ee dalka Argentina uu ku faano, isaga oo marar badan ku guuleystay abaalmarino caalami ah.

Messi oo 3 bilood laga mamnuucay ka qeyb galka cayaaraha caalamiga ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip