Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
Friday August 02, 2019 - 22:21:56 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

    Jugta Qarax Xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir. Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso,isla markaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta Qarax Xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir. Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa lala Eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa CID-da xili ay marayeen wadada Afisyooni. Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxii Caawa ka dhacay Wadada Afisyooni.Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in qarax ay maqleen rasaas xoogan,taasi oo la ogeyn Khasaaraha ay geystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip