Xoogag hubeysan oo weeraray kaawada Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir

0
Monday September 28, 2015 - 09:57:34 in Wararka by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogag hubeysan oo weeraray kaawada Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir

    Xoogag hubeysan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa xilli dambe oo xalay ahayd weerar xoogan ku qaaday kaawada Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir, xilli Dowladda Turkiga ay dhismo ka wado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa xilli dambe oo xalay ahayd weerar xoogan ku qaaday kaawada Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir, xilli Dowladda Turkiga ay dhismo ka wado. Ciidanka Dowladda ee ilaaliya Shaqaalaha Turkiga, ayaa iska caabin xoogan ugala hortagey Xoogagii weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad in muddo ah socday.

Iska horimaadkan, ayaa ku bilowday gantaalaha garbaha laga gano, oo sida la sheegay qabsaday haamo iyo kunteenaro, iyadoona uu dab qabsaday haamaha iyo kunteenarada.

Xoogagii weerarka soo qaaday, ayaa dib kaga gurtay halkaasi, waxaana adag in faah faahin sax ah laga helo, haddii ay jiraan waxyeelo ka soo kala gaartay labada dhinac.

Rasaastii leesku adeegsaday iska horimaadkaasi, ayaa si weyn looga maqlaayay Magaalada Muqdisho, iyadoona ay dadku kaga soo tooseen hurdada, rasaasta oo ahayd mid xoogan.

Weerarkan, ayaa noqonayo noociisii ugu horeeyay oo lagu qaado kaawada Degmada Wadajir, oo ay soo baxayan warar sheegaya in Dowladda Turkigu, ay ka dhisanayso xero militari.

Turkiga waa isha ugu muhiimsan ee taageerada tooska ihi ka hesho Dowladda Federalka Somaliya. Turkigu waxa uu Somaliya ka caawinaya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

iyadoo warar kalena ay sheegayaan in iska hor imaadkaasi ay qeyb ka yihiin maamul goboleedka koonfur galbeed oo isagan deegaankaas sheegta inuu maamulkiisa hoos yimaado taasoo weli wax faahfaahin ah laga helin hase yeeshee dadweynaha deegaankaa ayaa sheegaya in ay xalay qeybihii dhexe ay rasaas xoogga oo argagax gelisay halkaa la isugu adeegsay ,walow  looga bartay xilliyada habeenkii ah in weerarro gaadmo ah  ay soo qaadaan xoogga  al shabaab oo ilaa maalin dhan rasaastu iska socoto  goobta ay bartilmaameedsadaan  in badan oo loo arkay horey.


 wararkeena danbe ayaan idinkugu sheegi doonaan wixii ka soo kordha dagaalkii xalay ee aan hadda cadeyn cidda sida tooska ah uu ugu dhexeeyo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip