Meuxuu Macalin Massimiliano Allegri Ka Yiri Guushii Muhiimka Ahyd Ee Ay Kooxdiisa Ka Gaartay Hogaamiyeyaashii Horyaalka Ee Napoli ?

0
Sunday February 14, 2016 - 18:41:30 in Sports News by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meuxuu Macalin Massimiliano Allegri Ka Yiri Guushii Muhiimka Ahyd Ee Ay Kooxdiisa Ka Gaartay Hogaamiyeyaashii Horyaalka Ee Napoli ?

    Massimiliano Allegri ayaa ka hadlay guushii dahabiga aheyd ee ay kooxdiisa ka gaartay kooxdaJuventus hogaamiyeyaashii horyaalka Seria A ee Napoli oo ku garaaceen1-0 si ay ugu fariistaan hogaanka sare ee Serie A wuxuuna sheegay inuu guushaai u tahay n

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Massimiliano Allegri ayaa ka hadlay guushii dahabiga aheyd ee ay kooxdiisa ka gaartay kooxdaJuventus hogaamiyeyaashii horyaalka Seria A ee Napoli oo ku garaaceen1-0 si ay ugu fariistaan hogaanka sare ee Serie A wuxuuna sheegay inuu guushaai u tahay niyada dhis weyn.

Gool dirqi ah oo ka yimid Simone Zaza ayaa marwada da’da ah ka saaciday iney garaaceenPartenopei kuna fariistaan hogaanka horyaalka oo ay si rasmi ah markoodi ugu horeysay ay u qabtaan, ku darsoo waxay xalay u dabaal dageen sida iney hanteen horyaalka oo kale.

Allegri ayaa yiri "Wuxuu ahaa kulan aad u farsamo badnaa oo u dhexeeyay labo koox oo aad u abaabulnaa una qalma iney halkaan joogaan, Napoli waxay u ciyaartay si aana caadi aheyn waxayna sidoo kale PauloDybala ayeey aheyd inuu gool dhaliyo, si kasto waan u dulqaadanay cadaadiska ay na saareen iyo orodkoodii”.

Allegri-433x300


"Ma aheyn kulan sahlan, waxay aheyd guul muhiim ah, aad ayaan ugu baahneyn inaan kaalinta koowaad ku fariisano laakin wali waxaa haray 13 kulan”.

"Waxaan hogaanka ku fadhinaaa maadaama aan adkaanay 15 kulan oo xiriir ah ciyaartooydana waxay u qalmaan in lagu abaamariyo dadaalkooda”.

"Waxan muujinay inaan u qalano inaan ku guuleysano horyaalka, wiilashana waxay cadeeyeen iney yihiin kuwo aad u shaqo badan, laakin wey ogyihiin in wali ay kulamo badna harsan yihiin laakin guushaan waxay aheyd mid aad niyada ugu fiican”.

"Waan ogeyn iney nagu adkeyn doonaa xaalada oo ay na dhibaateyn doonaa, waxaan siinay fursado aad u badan waxaana siinay boosas badan, laakin kooxda waxay muujisay iney koritaan sameeyeen waana aaminsanahay inaan hanan karno horyaalka, niyadeena wey kortay”. k

Juventus ayaa hal dhibic hogaanka horyaalka kaga heyso Napoli waxayna jimcada la ciyaari doonaan kulanka xiga ee Serie A kooxda Bologna.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip