Xulista xubnaha baarlamaanka Jubbalaan oo ka billaabatay Kismaayo

0
Saturday June 29, 2019 - 15:04:08 in Wararka by
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulista xubnaha baarlamaanka Jubbalaan oo ka billaabatay Kismaayo

    Iyada oo ay dhowr todobaad oo kaliya ka harsan tahay doorashada xildhibaanad iyo madaxda fulinta ee dowlad goboleedka Jubbalaan ayaa waxaa magaalada Kismaayo ee ee xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland ku sii qulqulaya odayaasha dhaqanka Jubalaan si a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyada oo ay dhowr todobaad oo kaliya ka harsan tahay doorashada xildhibaanad iyo madaxda fulinta ee dowlad goboleedka Jubbalaan ayaa waxaa magaalada Kismaayo ee ee xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland ku sii qulqulaya odayaasha dhaqanka Jubalaan si ay u soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka Jubbalaan.

Odoyaasha ayaa waxaa uu dowlad goboleedka u diyaariyey xarun gaar ah duqeydan iyagoo toddobaadkan soo xuli doona xildhibaanada baarlamaanka Jubbalanan.

Illaa iyo haatan ma jiro hannaan si buuxda loogu mideysanyahay oo tilmaamaya qaabka lagu soo xulayo xildhibaannada soo dooran doona madaxweynaha Jubalaan.

Qaar kamid ah murashixiinta u tartamaya madaxtinimada Jubalaan ayaa ku eedeyay madaxweyne Axmed Madoobe inuu doonayo in saddex xubnood beel walba ay soo sharaxato kadibna hal xubin laga dhex doorto.

Msharaxiinta Jubalaand ayaa soo jeediyay in duqeyda dhaqanka ay soo xulaan xubintii ku meteli lahayd baarlamaanka.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan lagu arkayo wadooyinka magaalada.

Doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubalaan ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto Bisha Agoosto ee sanadkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip