Taliska Booliiska Oo Ka Hadlay Toogasho Ka Dhacday Muqdisho

0
Friday June 28, 2019 - 17:53:51 in Wararka by
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliiska Oo Ka Hadlay Toogasho Ka Dhacday Muqdisho

    Fiidnimadii hore xalay ayaa ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxa degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ay ku toogteen nin la sheegay in uu hubaysnaa damcnaana dilka askari ka tirsan ciidamada oo ku sugnaa koontorool ku yaalla isgooyska Boondhe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fiidnimadii hore xalay ayaa ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxa degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ay ku toogteen nin la sheegay in uu hubaysnaa damcnaana dilka askari ka tirsan ciidamada oo ku sugnaa koontorool ku yaalla isgooyska Boondheere.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Gen: Sakiya ayaa barteeda facebook qoraal ay soo dhigtay waxa ay kaga hadashay toogashadaas iyada oo sheegtay in la bartilmaameedsaday xubin ka tirsaneed Alshabaab.

Ciidanka amniga ee Degmada Boondhere ayaa caawa abbaaro 7:15 fiidnimo waxay iska hor imadeen shaqsi ka tirsan kooxda argagixisada Al Shabaab, kaas oo ku hubeysnaa Bistoolad, una dan lahaa inuu dilo askari howl u taagnaa.

Israsaaseyn keddib waxay ciidamada amniga toogteen dhagar qabahii watay Bistoolada, isla meeshuu ayuuna ku dhintay. Nasiib wanaag ma jiro qof kale oo wax ka soo gaaray howlgalkaas sidaa waxaa yiri Sakiya Xuseen oo ah taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip