Mareykanka oo ku dhawaaqay dhex dhexaadinta Somalia iyo Kenya

0
Wednesday June 26, 2019 - 18:22:11 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo ku dhawaaqay dhex dhexaadinta Somalia iyo Kenya

    Dowladda Mareykanka ayaa sirasmi ah waxaa ay ugu dhawaaqday inay dhex dhexaadineyso dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo xilligaan uu ka dhaxeeyo khilaaf ka dhashay sheegashada Kenya ee qeyb ka mid ah dhul Badeedka dalka Soomaaliya. Safiirka Mareykanka e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa sirasmi ah waxaa ay ugu dhawaaqday inay dhex dhexaadineyso dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo xilligaan uu ka dhaxeeyo khilaaf ka dhashay sheegashada Kenya ee qeyb ka mid ah dhul Badeedka dalka Soomaaliya. Safiirka Mareykanka ee Dalka Kenya Amb, Kyle McCarter ayaa xaqiijiyay in dowladiisu ay wado xilligaan dhex dhexaadinta labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya,isla markaaana uu sheegay in labada dal ay yihiin kuwo aan sina u kala maarmin.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Citizen ee Kenya laga laayahay ayaa Amb, Kyle McCarter  wax laga weeydiiyay hadii  meelo kale  lagu xaliyo muranka Badda,sida Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ, isaga oo ku jawaabay

"Waxaa hubaal ah in labada dal ay yihiin kuwo wax wadaag ah oo uu dagaal kala dhaxeeyo Ururka Al-Shabaab, anaga waxaan sitoos ah ugu jirnmaa xalintooda waayo waa ay wanagsan tahay in la wada ilaaliyo deris wanaagsa ayuu yiri  Amb, Kyle McCarter.

Safiirka Mareykanka ee Dalka Kenya  Amb, Kyle McCarter macadeyn in labada dowladooda ay ku qanacsan yihiin dhex dhexaadinta Mareykanka,waxaana horay u jirtay in Madaxda Dowladda Federaalka ay sheegeen in marnaba aysan ogolaan doonin inay Kenya qaadato Taako ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Hadalkaan kazso yeeray dowladda Mareykanka ee ku aadan inay dhex dhexaadineyso Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhinaca Badda ah ayaa kusoo aadaya xilli shalay Maxkamada Cadaaladda Aduunka ay shaacisay in  9 Bisha September ee sanadkaan 2019 markale dib u bilaaban doonto qaadista Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip