Xildhibaan Dhalxa: "Waa Runtaa Iyaad Calaawi waa nin Shiico ah balse Dalka ku yimid Magaca Dowladda Ciraaq"

0
Thursday February 11, 2016 - 22:41:21 in Wararka by
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Dhalxa: "Waa Runtaa Iyaad Calaawi waa nin Shiico ah balse Dalka ku yimid Magaca Dowladda Ciraaq"

    Iyadoo maalintii Doraad ahayd uu dalka yimid Madaxweyne Ku xigeenkii Hore ee Dalka Ciraaq Iyad Calaawi kaasoo kulamo goon gooni ah la qaatey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xubnaha Baarlamaanka sidoo kalena waxaa uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo maalintii Doraad ahayd uu dalka yimid Madaxweyne Ku xigeenkii Hore ee Dalka Ciraaq Iyad Calaawi kaasoo kulamo goon gooni ah la qaatey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xubnaha Baarlamaanka sidoo kalena waxaa uu Kulamo la yeesheey Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid hase yeeshee Dad badan ayaa isweydiinyaa sababta dalka loogu soo dhaweeyey Iyad Calaawi oo nin Shiico ah maadaama Dowlada Federaalka ay Xiriirka u jartey Dowlada Iiraan oo Shiico lagu tirinayey waxaa arrintaas ka jawaabaya Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa waxaa uu yiri

"Marka  ugu  Horeysa  Go’aan  Baarlamaan ku ma  imaan  ee  waxaa  uu  ku  yimid  Ogolaansho  Dhinaca  Xukuumada  sidaa  Darteed  Iyad  Calaawi  waa  nin  Ciraaqi  ah  isla markaana  Magac  Dowladnimo  Dalka  ku  yimid  sidaa  ayuu  Baarlamaanka  Federaalka  uu  ku  soo  dhaweeyey  waxaana  la  socdey  nin  Dhigeyga  ah oo Baarlamaanka  Xilka aan  ka  hayo  isna  ka  hayo  Baarlamaanka  Ciraaq ” waxaaa  uu  sii  raaciyey

" Dowladda Ciraaq waa Suni iyo Shiico sido kale Dowaldaha Carbeed ayaa iyana sidaa ah Sucuuduga waxaa degen Suni iyo Shiico, Yaman waxaa degen Suni iyo Shiico , Baxreyn sidoo kale waa shiico iyo Sunni iyo Wadamo badan oo sidaa ah marka Iyaad Calaawi waa nin Ciraaqi wuxuuna la mid yahay Wadamada faraha badan ee Maalin waliba Imaanaya Dalka "

"Qadiyada Suni iyo Shiico iyo dagaalka laga dhex abuurey Wadamada Carbeed iy kuwa Islaamka waxaa lagu hilaamey Qadiydo fara badan waxaana arrintaas ka dambeeyey Israaiil oo waliged ku hamineysey sidii ay isaga horkeeni lahayd Wadamada Carabta iyo islaamka oo aad maanta indhihiina ku aragtaan waxaka dhacaya” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dhallxa

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip