HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 19-KA JUUN 2019-KA

0
Wednesday June 19, 2019 - 09:52:05 in Wararka by
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 19-KA JUUN 2019-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAGACAABIS SAMEEYAY Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loogu magacaabay Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf in uu noqdo Ku Xigeenka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAGACAABIS SAMEEYAY Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loogu magacaabay Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf in uu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaran ka. Waxaan Eebe uga baryaynaa inuu u fududeeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Madaxweyne Farmaajo ayaa bilihii ugu dambeeyay waday isbe dello uu ku sameeyay maamulka Madaxtooyadda Soomaaliya.

 


Farmaajo-630x420

Dhawaan ayay aheyd markii xilka ka qaaday Agaasimihii Madaxtooyada islam-arkaana uu Magacaabay mid cusub.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYAD EEYAY GEERIDA ABWAAN SINGUB

farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Md. Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan umma dda Soomaaliy eed ee uu ka baxay Abwa an Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo Shalay ku geeriyo odey magaalada Addis Ababa.

"Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicu un. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soom aaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraa badii uu ka baxay Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo ku geeriyoo day magaalada Addis Ababa.”

"Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise waxa uu ahaa abwaan iyo jilaa Soomaali yeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fan ka iyo wacyigelinta bulshada Soomaali yeed. Abwaanku waxa uu sidoo kale no qday askari ka tirsan Ciidanka Xoogga oo naftiisa u huray difaaca qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Abwaan Singub waxa lagu xasuustaa ru waayadihii iyo heesihii waddaniga ahaa ee uu sameeyay kuwaas oo uu ku wacyi gelin jiray shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan qa ranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoode yna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

AGAASIMAHA MADAXTOOYADA QARANKA OO LA KULMAY DANJIREYAAL

fuursade Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursa de) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeen ka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soo maaliya Mr.Raisedon Zenenga iyo Danji reyaasha dalalka Ingiriiska Mr.Ben Fender iyo Talyaaniga Mr. Carlo Campanile.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah Lataliyaasha Madaxweynaha ayaa laga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo mid eynta dadaallada wax ku oolka ah ee ku qotoma dowlad dhisidda iyo dib u dhis ka dalka.Agaasimaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Danjireyaasha dadaalla da joogtada ah ee Dowladdu ay ku bixinay so kobcinta dhaqaalaha, amniga iyo dib u heshiisiinta, isagoona tilmaamay in ay mu hiim tahay in lagu gacan siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku xeeran.

Ku Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoo bay ee Soomaaliya ayaa uga warbxiyey A gaasimaha Madaxtooyada doorka ay ku leeyihiin taageeridda iyo hirgelinta barnaa mijyada bani’aadamnimada, mashaariicda iyo adeegga horumarineed ee ay gacanta ka geysanayaan.

kenya-640x446KENYA OO BEENISAY IN CUDURKA EBOLA UU KA JIRO DALKEEDA

Kenya ayaa xaqiijisay in kiis looga shak isanaa cudurka Ebola baaritaan lagu sam eeyey lagu ogaaday inuusan dalkeeda ka jirin cudurkaas, xilli wadamada Uganda iyo Dr Conco ay la tacaalayaan cudur ka asi halsita ah. Wasiirka Caafimaadka ee Kenya Sicily Kariuki ayaa sheegtay in Ken ya ay hadda xor ka tahay Ebola, balse ay san yaraysan doonin halista cudurkaasi ku hayo wadamada gobolka.

Gobolka Kericho ee xiga dhinaca Uga nda ayaa hooraantiii todobaadkan lagu ar kay kiis looga shakiyey astaamaha cudur ka Ebola, balse baaritaanada ayaa xaqiiji yey in jirada haweeneyda 36-sano jirka ah aysan la xiriirin cudurkaas.

Dulucda cudurkan ayaa ah dalka DR Co ncog oo dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ugu dhinteen dad ka badan 1,400 oo qof.Talaal tijaabo ah oo ay samaysay hay’ adda caafimaadka aduunka ee WHO ay aa ka dalka Uganda, si loo yareeyo halista cudurka, kaas oo sidoo kale laga fuliyey deegaanada halista ugu jira Ebola ee dal ka Congo.

SOOMAALILAND OO ALBAABADA U LAABTAY XARUMAHA LABA TV

Wararka laga helayo Magalada Hargey sa ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland ay saa kay Albaabada u laabeen Xarumaha laba da Tv ee Horyaal iyo Eryal ay ku leeyihiin Magalada Hargeysa. Amarkaan lagu xiray Xarumaha Tv-yada ayaa lagu sheegay in uu kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland,isla markaana la sheegay in lagala laabtay Ruqsadii ogolaansho ee la badaasi Telefishin ku Shaqeynayeen.

tv-yada Sababta ka dambeysa arrintaan ayaa la gu sheegay in Wasaaradda warfaafinta Soomaaliland ay Tv-yadaan ku eedeysay Inay faraha la galeen arrimo ku saabsan Ciidamada kala duwan ee Maamulka Soo maaliland .

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaa si ku darayaan in Mas’uuliyiinta Xarumaha tv-yada Horyaal iyo eryal ee Magalada Ha rgeysa looga yeeray Xarunta CIDA-da ee Magalada Hargeysa.Si kastaba qaar ka m id ah wariyeyaasha Madaxa banana ee ka howlgalla Magalada Hargeysa iyo guud ahaan soomaaliland ayaa aad u cambaa reeyay tallaabadaan Shalay albaabada la isugu laabay Xarumaha tv-yada Horyaal iyo eryal ay ku leeyihiin Magalada Harge ysa.

GUDOOMIYE MURSAL OO QAABILAY XUBNO KA SOCDA BEESHA CAALAMKA

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_08AF77-E89C76-107412-919CF3-A9273A-50F70C.jpg Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baar lamaanka FS. Md.Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan a yaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay masuu liyiin ka socday hay’adda UNDP iyo UNS OM.

Guddoomiye Mursal ayaa ugu horeyn la kulmay wakiilka hay’adda UNDP ee Soo maaliya H.E. Jocelyn Mason iyo madaxa arrimaha doorashooyinka ee hay’adda UN DP Mary Cummins.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa la kulm ay sii hayaha madaxa xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soo maaliya (UNSOM) H.E. Raisedon Zenen ga.Dhamaan masuuliyiintii uu la kulmay guddoomiye Mursal waxa ay ka wada ha dleen shuruucda muhiimka u ah doorash ooyinka Qaranka, xoojinta wada shaqey nta dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.Waxa ay sidoo kale ka wada had leen arrimaha deyn cafinta Soomaaliya, taageerada dhaqaale iyo midka nabadgal yo oo ay Soomaaliya u baahan tahay.

Masuuliyiintan ka socday hay’adda UN DP iyo UNSOM ayaa guddoomiyaha gola ha shacabka la wadaagay barnaamijyada hormarineed oo ay ka wadaan guud ah aan dalka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin taageerida iyo hormarinta xafiisyada kala

duwan ee golaha shacabka

SOOMAALIYA OO 33 SANNO KADIB DIB ULA SOO LAABATAY CODKII AY KU LAHEYD URUR-WEYNAHA SHAQALAHA ADUUNKA

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_12C939-C0FDDE-68A428-9BA303-7B7A25-B4B66C.png Soomaaliya oo muddo dheer xubin ka ahayd ururka shaqaalaha adduunka ayaa waxaa xayiraad ay ka saarneyd coday nta,balse hadda wuxuu dalka awood buu xa u leeyahay inuu tago goobaha wada-hadalka iyo shirarka caalamiga ah ee sha qaalaha adduunka, halkaa oo uu cod ka dhiban karo.

Shirweynaha shaqada adduunka ee ka socda Geneva ayaa isku raacay in Soo maaliya loo ogolaado inay soo ceshato xu quuqdii ay u lahayd inay codayso,taasoo sidoo kalena ay u codeeyeen 191 xub nood,iyadoo arrintan uu si weyn usoo dha weeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bul shada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa.

"Arrintaan muddo ayaa laga shaqeynayay, muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan dib u helno codkii aan ku lahayn urur ka shaqaalaha adduunka ee xayiraadda naga saarnaa tan iyo markii dowladdii dhe xe ay meesha ka baxday.” ayuu yiri wasiir ka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa oo magaalada Geneva kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduu nka.

Wasiir Sadiiq Wafaa, ayaa muujiyay siyaasadda xukuumadda ee ku dhisan dib u gaajinta shaqaalaha iyo shaqa abuurka inay arrintan gacan-weyn ka geysan doon to, isagoo marka tilmaamay waxa ugu we yn ee uu dhiniciisa dadaalka galiyay inay ahayd sidii sannadkan loogu guuleysan la haa dib u helidda codkii ay Soomaaliya ku lahayd ururka shaqaalaha adduunka.

"Si la mid ah dalalka xubnaha ka ah ee haddana codka leh ayaan tagi doonaa mii ska wada-hadalka halkaa oo aan fursad u heleyno in codkeenna la dhageysanayo… run ahaantii waa guul weyn in 33 sanno ka dib ay arrintan suragal noqotay.” ayuu ku daray wasiir Warfaa.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulsha da, Sadiiq Warfaa ayaa dhinaca kala cad deeyay dowladda Soomaaliya sida ay uga go’antahay horumarinta shaqaalaha iyo sidii shaqooyin loogu heli lahaa muwaa diniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhallin yarada iyo haweenka, isagoo marka tilm aamay inay waxyaabo badan ka dhax-lidoonaan xayiraaddii laga qaaday coday nta ee ka saarnayd hay’adda shaqada ad duunka ee ILO muddadii 33ka sanno aha yd ee la soo dhaafay.

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_60D65F-07E0D4-F1C6DF-7B5626-D20377-E9F3A5.png&h=210&w=210MADAXWEYNIHII HORE EE MASAR MAXAMED MURSI OO LAGU AASAY QAAHIRA

Meydka madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi ayaa deg deg loo gu Aasay Magaalada Qaahira saacado yar ka dib markii uu si lama filaan ah ugu dhintay maxkamad qaadeysay dacwado loo heystay.

Qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa aya a Aaska ka qaybgalay.

Waxaa loo diiday inay maydka qaataan si ay ugu Aasaan deegaankii uu ku dhash ay bulshaduna uga qayb qaadato Aaski isa.

Madaxweynahan hore oo diinta Islaam ka ku dhagganaa ayaa xabsi ku jiray lix sa nno ka dib markii ay milatarigu xilka ka tuu reen sannadkii 2013.

Telefeshinka dawladda ayaa sheegay in uu wadnuhu istaagay, balse hay’adaha xu quuqda Aadanaha u doodda ayaa ku baa qay baaritaan dhexdhexaad ah lagu same eyo Geeridiisa, waxayna intaas ku dareen in Su’aalo badan ay ka taagan yihiin sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray.

Madaxweyne Mursi ayaa waxaa Habe en Hore salaad Janaaso ah loogu tukaday Masaajidka barakeysan ee Al-aqsaa oo ay is ugu soo baxeen falastiiniyiin badan oo ka murugeysnaa Geeridiisa.

CIIDANKA LIYUU BOOLIS OO SHACAB KU LAAYAY QABRIDAHAR

liyuu boolis Ciidanka Dowlad degaanka Soomaa lida ee dalka Itoobiya ee Liyuu Boolis ay aa dad Shacab ah ku dilay degaanka Qab ridahar.

Dilalka Shacabka ayaa ee Ciidanka ay geysanayaan ayaa xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay. Dad uu ku jiro Gana csa de Sayid Daahir Sheekh ayaa Ciidanka Liyuu boolisku ku dileen Deeg aanka Qabridahar.

Wali lama aasin Marxuumka waxaana Ar inkiisana soo dhexgashay Safaarada Nor way maadaama uu dhalasho Norway wa tay.

Qabridahare waxaa sidoo kale gaaray Hogaanka Nabadgelyada Cabdi Caadil iy o wasiiro Dowlad Deegaanka ka socda.

TOOGASHO CAWADA KA DHACDAY KISMAAYO

Askari ka tirsan Ciidamada Jubaland a yaa Cawada lagu toogtay gudaha magaa lada Kismaayo, sida ay xaqiijiyeen Goobj oogayaal ku sugan Kismaayo.

Kooxaha hubeysan ayaa toogtay Askari ga oo la sheegay in uu ku sugnaa Bar Kon torool oo ay leeyihiin Ciidanka Bool iska Jubbaland.

Askariga ayaa la sheegay in uu ka tirsa naa Ciidanka Booliska Jubbaland, islamar kaana uu shaqo ku jiray xilliga la dilayay.

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay , waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo lagu ba adi goobaayo Kooxihii dilka geystay oo goob ta ka baxsaday.

GOLIHII DEEGAANKA DEGMO KA TIRSAN PUNTLAND OO IS WADA-CASILAY

Burtinle-696x390 (1) Waxaa inta badan iswada casilay Goli hii deegaanka degmada Burdinle ee Gob olka Nugaal Maamulka Puntland,kadib ma rkii Dorraad kulan ay yeesheen la hor kee nay mooshin,waxaana Xildhibaanda gola ha deegaanka ay ka kooban yihiin 23 Mu dane.

16 xubnood oo kamid ah golaha Dega anka degmada Buurtinle ayaa is casilay , waxaana mooshinka laga keenay guddoo miyaha degmada Burtinle Maxamed Max amuud Axmed (Buur-dibi), kadib markii Xi ldhibaanada Golaha deegaanka ay ku ee deeyay xil gudasho la’aan.

Xeerka Golayaasha deeganka Puntland ee Law 7 ayaa qaba in hadii Saddex mee lood laba ka mid ah ay is casilaan sidaasi lagu kala dirayo dhamaan Golaha dee gaanka,isla markaana mudda 45 cisho gu dahooda lagu soo dhiso gole cusub, had dii uu meesha ka baxo gole Degaan.

Ugu dambeyn Mas’uuliyiinta wasaarad daarrimaha gudaha Puntland oo haatan ku sugan D/Buurtinle ayaa laga sugayaa inay soo dhisaan gole Degaan Cusub

GUDDIGA GANACSIGA EE BAARLAMAANKA IYO WASIIRKA GANACSIGA OO KULMAY

Guddiga ganacsiga, warshadaha iyo dhaqaalaha ee GSh ayaa Shalay la kul may xubno uu hogaami naa yay wasiirka wasaarada ganacsiga ee Xu kuumadda Soomaaliya C/llaahi Cali Xa san.

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_B518E8-AC5C45-2B54B7-9D5868-F996F4-CE140F.jpg&h=210&w=210 Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddiga oo ku yaalla xarunta Villa Hargeysa ee Mu qdisho ayaa waxaa shir guddoominaayay G/guddiga Xildhibaan Maxamuud C/rax maan Beene Beene.

Kulanka ayaa ahaa mid isbarasho gu d diga iyo wasiirka, xog wareysi ku saa bsa naa shaqada iyo su’aalo weydiin.

Guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aa lo ku saabsanaa shaqada wasaarada, sha rciyada ay isla diyaarinayaan labada dhi nac, culeysyada jira, howlaha u qabsoo may wasaarada iyo kuwa ay hada ku howlan tahay.

Guddiga iyo wasaaradda ayaa ku balam ay in la dardar geliyo sharciga jaangoynta tayadhowrka iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Wasiirka wasaarada ganacsiga ee Xuk uumadda Soomaaliya Md.C/llaahi Cali Xa san ayaa u mahad celiyay guddiga oo uu ku amaanay sida ay diyaarka ugu yi hiin wada shaqeynta wasaarada iyo dard ar gelinta shaqooyinka ka dhaxeeya.

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga, war shadaha iyo dhaqaalaha ee Golaha Shac abka BFS.Xildhibaan Md. Beene Beene ayaa sheegay in guddigooda iyo wasaara da sharciyo muhiim ah ay isla diyaarina yaan, laguna balamay in la dardar geliyo shaqada.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO AMAR-SIIYAY HAY’ADAHA AMNIGA MAAMULKAAS

Madaxweynaha Dowlad G/Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dilka Habeen Hore ay kooxo hubeysan ay M/Kismaa yo ee G/ Jub bada Hoose ugu geysteen Nabado on Ca bdiqaadir Ibraahim Xasan oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanada Jubb aland.

Madaxweynaha ayaa ayaa tacsi u diray qoyskii iyo ehela dii uu ka baxay Alla ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo uu sheegay in ay Al-S habaab ay ku dileenM/Kismaayo.

Md.a.Madoobe wuxuu Alle uga baryay Nabadoonka in Janadii fardowso uu ka wa raabiyo isagoo dhinaca kalana Hay’adaha ammaanka faray in baaritaan deg deg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhig aan kuwii ka danbeeyay falka lagu dilay Al le ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaad ir Ibraahim Xasan.

Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xas an ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee ku howlan soo xulista xildhibaannda Jub baland,hayeeshee uu ksoo horjeeday sida lagu soo xulayo Xildhibanada.

IS RASAASEYN KA DHACDAY HARGEYSA & QASARE KA DHASHAY

Laba askari oo ka wada tirsan Ciida mada Soomaaliland ayaa isku rasaaseey ay Xaafada Maxamed Mooge oo ka tirsan Magalada hargeysa,waxaana ay is rasaa seynta sababtay in mid ka mid ah askarta uu geeriyoodo. Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in labada askari ay isku hey steen dhul ay xukuumadda siisay ciidama da oo ku yaalla meel u dhow Xarunta xa n naanada TB-da ee Xaafada Maxamed Mo oge ee M/Hargeysa, kadib markii ay dhul kaasi isku qabsadeen. Mid ka mid ah Ask arta dagaallantay oo Magaciisa lagu soo koobay ina Daadeeys ayaa u geeriyoo day dhaawac kasoo gaaray rasaastii ay is ku rideen, isaga iyo askariga kale ee la dagaalamay.

Askariga dilka geystay ayaa magaciisa lagu soo koobay Dacar,waxaana uu isaga baxsaday halkii uu ku dilay Askariga kale ee ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka Boo liska Somaliland,sida ay sheegeen Wari yeyaal ku sugan Magalada Hargeysa.

Laamaha Amniga iyo saraakiisha Ciida mada Soomaaliland ee Magalada Hargey sa weli kama hadlin askarta isku rasaase ysay Magalada hargeysa ee sababta in mid ka mid ah askartaas uu geeriyoodo, waxaana Shalay aad u hadal haaya Sha cabka ku nool Magalada Hargeysa.

MAREYKANKA OO BAAHIYEY CADDEYMO CUSUB OO KA DHAN AH IRAN

mareykanka-696x391 Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa baahisay sawirro cusub oo ay shee gtay inay caddeymo dheeraad ah u yihiin in Iran ay ka dmabeysay weerar toddob aadkii tagay lagu qaaday laba markab oo saliid siday, kuwaas oo marayey Gacanka Cuman. Sawirrada ayaa muujinaya wax Mareykanka uu ku sheegay inay yihiin ciid amada Ilaaada Kacaanka Iran oo miino aan qa rxin dejinaya markabka Kokuka Co urageous oo laga leeyahay dalka Japan.

Mid ka mid ah sawirrada ayaa muuji na ya halka miinada looga dhejiyey markab ka. Sawirro kale ayaa sidoo kale muuj ina ya dalool weyn oo ka muuqda markabka Ko kuka Courageous, kaasi oo Pentagon-ka uu sheegay inuu ka dhashay qarax ka le."Iraan ayaa mas’uul ka ah weerar ka, si da ay muujinayaan caddeymaha muuqaal iyodeg degta iyo diyaar garowga miina da aan qarxin looga saaray markabka” ay aa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaar adda gaashaandhigga Mareykanka Iraan waa ay beenisay inay wax lug ah ku lee dahay weerarada lagu qaaday maraa kii bta, waxayna eedeymaha noocaas ah ugu yeertay "nacasnimo” iyo "halis.”

Sii-hayaha xoghayaha gaashaandhig ga Mareykanka, Patrick Shanahan ay aa isniintii ku dhowaaqay inuu 1,000 aska ri oo dheeraad ah u diray Bariga Dhexe, sabab la xiriira waxuu ugu yaaray "ujeedo difaac

JUBBALAND OO WAR CUSUB KASOO SAART AY NABADOONKII LAGU DILAY KISMAAYO

Wasaaradda Amniga Dowlad gobolee dka Jubbaland ayaa Shalay M/Kismaayo ku qabatay shir looga hadlayay dhinaca Amniga sigaar ah dilkii Habeen Hore loo geystay mid ka mid ah Nabadoonada ugu caansan Jubbaland.Kulanka waxaa shir guddoom iyaya Wasiirka Amniga Jubbalan d Cabdi Rashiid Xasan Cabdi nuur Janan, waxaa na goobjoog ka ahaa Taliyaha Boo liska gobolka Jubbada Hoose Gaashanle Sare Maxamed Naasir Guuleed Xassan, Sara akiil sare oo ka socotay hogaanka Na bad-sugidda iyo dambi baarista Jubbaland iyo Taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland Generaal Aadan ibraahim Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda ammaanka Jub baland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ay aa ku dheeraaday ka hadalka ahimiyadda ammaanka iyo adkeynta nabadgelya da, waxaana uu sheegay in loo baahan ya hay in masuuliyad adag la iska saaro ilaa linta nabadgelyada isagoo tacsi u diray eh eladii uu ka geeriyoday Alle ha u naxa riis tee Nabadoon Ibraahim Cabdiqaadir Xa san.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Jubbala nd Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa seegay inay jirto marin habaabin bulshad da iyo wararka been abuur ah ee ammaan ka lidka ku ah ee lagu daabaco baraha bul shadda, wuxuuna sharraxaad dheer ka bi xiyey muhiimada ay leedahay fahamka nid aamka amniga.

TAARIIKH NOLOLEEDKII ABWAAN SANGUB(1944-2019)

sangub Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Singub Alle ha janneeyo , sannnadkii 1944 ayuu ku dhashay deegaanka Dhagaxbuur , go bolka Jarar ee dhulka Soomaali galbeed , halkaasi ayuu muddo ka ahaa Geeljire markii uu kacaamay sidoo kalena wuxuu bartay isla waqtigaasi Quraanka Kariimka ah oo uu dhammeeyey. Waxa jirtay in yaraantiisii mar uu dab ku dhacay ka dibna Sinta midig uu ka gubtay sidaasina ay dhallinyaradii deegaanku ugu bi xiyeen magaca Singub wallow markii dambe dadku ay ugu ye edheen Sangub oo uu magacaasi u caan baxay .

Waayihii uu Geelijiraha ahaa Singub wuxuu caan ku ahaa ci yaar dhaqameedka Dhaantada loo yaqaanno , sidoo kalena goo baha la iskugu yimaado ayuu ka gabyi jiray .

Bilawga sannadkii 1961 ayuu yimi magaalada Hargeysa oo ay markaasi ka jiraan kooxdii walaalaha Hargeysa oo xarunto odu tahay Raadyaw Hargeysa muddo kooban ayuu la joogay , isla sannadkaasi ayuu u soo wareegay magaalada Muqdisho , waxaana markii koowaad uu tartan faneed ka galay Raadyaw Muqdisho , iyada oo loogu sheegay macnaha Tartanka oo ku cu sbayd inay tahay Baratan oo uu isagu fahmi karaayey .

21 Qof ayey tartanka ku galeen waxaana ka soo baxay isaga (Singub) iyo nin Quraan ku tartamayey oo loo qaatay Raadyaw Muqdisho.

Cismaan Kaahin , Fiqi Buraale , Cali Afyare rag ay ka mid ahaayeen ayaa tartanka qaadayey .

Isla sannadkaasi ayuu Abwaan Cali Sugule Duncarbeed ku daray inuu wax ka tamale Singub riwaayad uu lahaa oo la odhan jiray "Hooseeye Saroow Hanuunintaa " waxaana riwaayadda wa xa ka jilaayey Maxamed Cabdulaahi Gujis, Habboon Cabdulaahi Faarax iyo Cabdulle Raage . dhammaantood Alle ha janneeyee.

Sannadkii 1964 ayuu Abwaan Singub uu ku biiray ciidamada xoogga Soomaaliya isaga oo weli Gabyaa uun ah, amar uu bix iyey taliyihii ciidamada xoogga dalka General Daa’uud Cabdulle Xirsi waxa loo qaaday Singub iyo dad kale dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida , waxaanu ka dagaalamay deegaanka Ina –gu uxaa oo u dhexeeya Daroor iyo Sallaxley halkaasi oo uu ku dha awacmay.

Markii dagaalka laga soo laabtay waxa kooxdii fanka ee cii damada ka tirsanayd loo bixiyey kooxda xoogga dalka , wax aana guddoomiye u noqday Cismaan Aadan Xuseen "Cismaan Askari”. sidoo kale waxa ka mid noqday Cabdi Salaad Beerdila acshe , Habboon Cabdulaahi Faarax , Saynab Xaaji Cali Baxsan Maxamuud Cabdullaahi Singub iyo dad kale .

Abwaan Singub sida uu ku sheegay taariikhdiisa Abwaan Cismaan Askari ayaa gacan ka siiyey inuu fankiisu sii horumaro , waxaanu baray sida heesaha Baydadkooda la iskugu jaangooyo iyo sida loo allifo geeraaro kooban oo dhexgeli kara riwaayad aha .

Kooxda ayaa dhigtay markii koowaad riwaayaddii u horreys ay oo la odhan jiray "Ma Shalayna” oo ka hadlaysay dagaalka Soomaalida iyo xabashida u dhexeeya, waxaana ku jirtay heesta Shicibyahow wanaagsani oo ay markii koowaad qaaday Faadu mo Cali Jaamac (Nakruuma).

Sannadkii 1965 ayuu Abwaan Singub allifay riwaayaddii u hor reysay oo magaceedu ahaa (Naga guur ) oo uu kaga hadlaayey in Ingiriisku weli faragelin ku sii hayo Soomaalidii uu xornimada siiyey, waxaana riwaayaddaasi la qurxiyey Abwaan Cismaan As kari oo macallinkiisa ahaa, Baxsan , Dhagjar, Beerdilaachse, Me ecaad Miigane ayaa ka mid ahaa dadkii jilay.

Suugaanta Abwaan Singub waxa bulshadu aad u aqoons atay markii uu isla sannadkaasi 1965 uu mar kale soo bandhigay riwaayadda " la mood noqonse weyday " oo uu kaga hadlaayey dhulka NFD oo uu sheegayey in uu filanayey markii hore inay soo raacayaan Soomaaliya balse ayna u muuqanin saansaante edii, waxaana riwaayddaasi ku jiray heesta Sabaalo oo ay wad aqaadeen markii koowaad Cali Diiriye Cali gab oo ka tirsanaa ko oxda xoogga dalka iyo Saynab Baxsan.

Sidoo kale isla sannadkaasi ayuu allifay Abwaan Singub hees aad loo jeclaystay oo la yidhaahdo” Cirro Iyo Jacaylkii kala caaganaan jiray ,anaa Habeen Hore labadaba la caweysimaaya’ taasi oo ay qaadday Baxnsan oo iyaduna ahayd jacaylkii koowaad ee ay ka heestay.

markii ay dhalatay dowladdii kacaanku ee la isku daray sadd exdii Kooxood ee labada idaacadood ee Muqdisho iyo Hargeysa iyo weliba kooxdii xoogga dalka oo ay isku noqdeen tiradoodu 63 qof oo dhinacyada kala duwan ee fanka isugu jira . Abwaan Maxamed Cali Kaariye iyo Abwaan Singub waxay isku raaceen in magaca Waaberi kooxda loo bixiyo , waxaana la sheegaa in magaca uu markii hore keenay Kaariye ka dibna uu kala tasha day Singub sidaasi yeyna kooxdii ku qaadatay magaca Hobol ada Waaberi..

Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise wuxuu allifay heeso iyo riwaayado kala duwan kuwaasi oo ay ka mid ayayd silsiladii ja caylada ee saddexda riwaayadood ka koobnayd ee Qabrigii Jac aylka , Xuskii Jacaylka , iyo Xuudbaa liqay Jacaylka , sida ku jir tay taariikhda riwaayadda Qabrigii Jacaylka oo ka hadlaysay qi sadii Cilmi Boodhari se uu magaca ka bedelay si ay xiiso u yee lato waxa la dhigay 282 habeen ilaa markii dambe loo bixiyey magaca Qabrigii lacagta ,

Sidoo kale riwaayadaha Xorriyo , Maadays , Gari makaa bax daa (Ninba Tacabkii Talooy Kaa Maal) , iskuma Qaddo , Xaajo Ugub, Geedigaa Kaa lumay, Yaxaas Dhagaduub, Geel Xero ka Didis , Halkay Qoontu Taal Takhtarkii Qali Waa , Ummad Wada Qorqodo ah baan Wax u Qeybi Leeyahay iyo kuwa kale sida Afrikaay Hurudooy.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub sidoo kale wu xuu noqday Maamulaha tiyaatarka Hargeysa ,labadii riwaayad eed ee u dambeeyey ee caanbaxay waxay ahaayeen Qaybyo 1 iyo Qaybyo 2, oo allifay burburkii Soomaaliya ka dib

Waxaana la sheegaa inuu ahaa Abwaanka labaad ee Soom aali ugu riwaayadaha badan isaga oo uu ka horreeyo uun keliya Axmed Saleebaan Bidde. Abwaanka Alle Ha U Naxariistee Wuxuu Ahaa Abwaan Si Weyn Looga Qadariyo Dalka Iyo Dibadda Waxaana Uu Ahaa Mid Madaale Ah Oo Ilaa Iyo Haatan Howlaha Farka Si Dardar Leh Ugu Dhex Muuqday Oo Aad Loo Jecel Yahay

GUDDIGII LABAAD OO LOO MAGACAABAY DILALKII KA DHACAY DEEGAANADA GALMUDUG

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_9BC446-D8912F-2EC67A-B102F0-820CDB-4F0532.jpg&h=210&w=210 Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mada xweynaha Dowlad goboledka Koonfur Gal beed ayaa waxaa lagu Magacaabay guddi qiimeyn ku soo sameeya dhacdooyinkii ka dhacay Magaalooyinka dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee lagu dilay dadkii Shaca bka ahaa ee kasoo jeeday deegaanada K oonfur albeed.

Guddiga oo ka kooban 6 xubnood ayaa laga soo xulay Xildhibaanada Baarlamaan ka Koonfur Galbeed,waxana ay bilaabi do onaan baaritaano ku aadan sababaha ka dambeeysay dilalkaas iyo cida dishay.

Waa guddigii labaad ee xaqiiqo radin ah oo loo magacabo sameeya dilalkii ka dhacay Magaaloyinka dhuusamareeb, wa xaana Habeen Hore guddigan mid la mid ah Maga caabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

g 1 Hoos Ka Akhriso Guddiga uu Maga caabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

WADAHADALLO LAGU XALIN LAHAA XIISADA BALADWEYNE OO FASHILMAY

Magalada Baladweyne ee Xarunta Go bolka Hiiraan waxaa Habeen Hore kulan uu ku dhexmaray Xildhibaano iyo Wasiiro ka so cda Maamulka Hir-Shabeelle iyo guddoo miyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaa day balse ka horyimid xilka qaadistaas ee Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Kulanka ayaa intiisa badan waxaa diira da lagu saarayay sidii xal buuxa looga ga ari lahaa khilaafka ka dhashay xilka qaa distii Yuusuf Dabageed,isla markaana xii sad ka abuurtay Magalada Baladweyne, hayeeshee la sheegay in kulankaas uu fashil ku dhamaaday.

g 2 Wararka ay heleyso Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Xildhibaanada iyo Wasiirada Hir-Shabeelle ay Yuusuf Da bageed ka dalbadeen in uu wareejo xilka, hayeeshee uu taasi ka biyo diiday, wa xaana fashil kusoo dhamaaday kulankii la bada dhinac.

Xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii gud doomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa weli ka taagan Magalada Baladweyne,waxana Yu usuf Axmed Hagar (Dabageed) uu shee gay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu san xilka ka qaadi Karin, isaga oo dalka di badiisa ku maqan,waxaana waare xiligaas uu ku maqnaa dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale jira wadahadallo uu hormuud u yahay Ugaas Ugaas Xasan Ug aas Khaliif Ugaas Rooble,isla markaana lagu doonayo in xiisadaas la dejiyo,sidoo kale xal laga gaaro dilkii taliyihii qeybta Bo oliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane,kaas oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee duleedka Baladweyne.

TALIYAHA GUUD EE AMISOM OO BOOQDAY BARIIRRE LANA KULMAY SARAAKIISHA CIIDAMADA

ciidan Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM So omaaliya Jenaraal Tigabu Yilma Wondim hunegn iyo saraakiil kale ayaa booqasho aa`n horay loo shaacin waxa ay ku tageen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabee llaha Hoose,halkaas oo 1dii Bishii May ee sanadkaanCiidanka Dowladda ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Booqashadaas ayaa aheyd mid Taliya ha guud iyo saraakiisha la socotay ay ku qiimeynayeen sida ay u wada Shaqee yaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowla dda Federaalka ee ku wada sugan dee gaanka Bariire.

Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM a yaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay taliy eyaasha AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ee Aaga Bariire,isaga oo kala hadlay sidii ugafeejignaan lahaayeen weerarada Al-Shabaab iyo sidii ay u xoojin lahaayeen la -dhaqanka Bulshada deegaanka bariire.

Sidoo kale Taliyaha ayaa saraakiisha A MISOM iyo kuwa xoogga dalka ee Aaga Bariira kula dardaarmay inay xoojiyaan wa dashaqeynt kala dhaxeysa Shacabka ku nool deegaanka,isla markaana adkeeyaan sugida dhinaca Amniga.

Ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soo maaliya ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab iyo sugida Amni ga Xarumaha muhiimka ah ee Dowladda.

AKHRISO:-QODOBADA LOOGA HADLAYO KULANKA MAANTA EE GOLAHA SHACABKA

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 19/6/2019 waxaa ay Xaruntooda ku yeelanayaan Kulankoodii caadiga ahaa ee Kal-fadhiga Shanaad.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay aqrinta 3-aad hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda,wax-aaana kulanka goobjoog ka noqon doona Xubno ka socda Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro Maanta kulanka Golaha,isla markaana looga baahan yahay inay soo xaadiraan,waqtigana dhamaantood wada ilaaliyaan.

Kulankii ugu dambeeyay ee Isniintii ay yeesheen Xildhibaanada ayaa Akrinta koowaad waxa ay marsiiyeen wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, iyada oo xildhibaanada sidoo kale loo qeybiyay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maas-uqa.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa inta ay ku guda jiraan Kal-fadhiga 5aad ayaa waxaa weli horya-alla Ajandayaal dhowr ah oo la doonayo inay meel mariyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip