WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 11-KA FEBARAAYO 2016-KA

0
Thursday February 11, 2016 - 10:42:21 in Wararka by
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 11-KA FEBARAAYO 2016-KA

    MADAXWEYNE XASAN OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA DALKA CIRAAQ. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Ciraaq, kaasi oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA DALKA CIRAAQ. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Ciraaq, kaasi oo socdaal ku yimid Muqdisho markii ugu horeysay.

 

 

 

Madaxweyne Xasan iyo wafdiga ka socday dalka Ciraaq waxa ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal iyo sidii Soomaaliya iyo Ciraaq ay s iskaga kaashan lahayeen dagaalka ka dhacanka ah kooxda Argaxisada Calaamka dhibaatada ku haya iyo sidii ay ku xoojin lahayd dowladda Ciraaq kaalmada ay Soomaaliya siiso.

Ra’iisal wasaraha xukumadda Soomaaliya , xubno ka tirsan golayaasha Wasiirada iyo Barlamaanka Soomaaliya waxa ay wafdigan ka socday dowladda Ciraaq ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyadoo soo dhaweynta ay qeyb ka ahayd safiirka dowladda Soomallya u fadhisa Ciraaq

Iyaad Calaawi Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Ciraaq oo Warbaahinta kula hadlay garoonka ayaaa shegay in uu aad ugu faraxsan yahay in markii ugu horaysay uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, isla markaana ay ka go’antahay in uu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada dal.

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa tilmaamay in ay muhiim u tahay Soomaaliya booqashadan uu manta ku yimid wafdigaan ka socda dalka Ciraaq, isla markaana is dhaafsan donan qibradaha la xariir la dagallanka argaxisada iyo xariirka tariiqiga ah ee labada dal ka dhexeeya.

BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO SHALAY AKHRINTA SEDEXAAD MARIYAY SHARCIGA MAAREYNTA MUSIIBOOYINKA

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa bilowga kulanka Baarlamaanka waxa uu sheegay in mooshinka Baarlamaanka ay soo gudbiyeen ee ahaa dhowrista Xasaanadda baarlamaanka ay Wali Diyaar u yihiin guddoonka Barlamaanka.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa intaasi kaddib waxa uu Akhrinta saddexaad mariyay Sharciga Maareynta Musiibooyinka iyadoo baarlamaanka uu sharcigaan dib ugu soo celiyay guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka.

Guddoomiye kuxigeenka guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Daahir Amiin jeesow ayaa sheegay in sharcigaan uu ka kooban yahay 12 qodob isla markaana qodobadiisa badanaa uu ka hadlayo ahmiyadda in la helo sharciga maareynta musiibooyinka.

khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegtay in Haweeka xildhibannada ay ka mideysan yihiin Hanaanka geeddi socodka siyaasadda Dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Doorka haweenka ee Dhanka Siyaasadda uu ku qeexan yahay Dastuurka.

RA’IISUL WASAARE CUMAR OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDAY JAAMACADDA CARABTA .

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo weheliyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Maxamed Cali " Kediye”, ayaa gelinkii dambe la kulmay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo hoggaaminayo Danjire Zaid Al Sabban Madaxa Isutaga Wadamada Carabta ee Afrika ahna Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Isutaga Wadamada Arabta, waxana ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo taageerada ay Jaamacadda Carabtu siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Muqdisho ay soo booqdaan wafdigan ka socda jaamacadda Carabta, waxaana si gaar ah uga mahad celiyey Jaamacadda Carabta taageerada ay mar walba Soomaaliya la garab taagan tahay, isagoo intaa ku darey in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga labada dhinac ka dhexeeya.

"Kulankeenna wuxuu qayb ka ahaa wadashaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo dawladaha Carabta, waxaan iska wareysanay xaaladdo badan inagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo kamid yihiin doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona sanadkan 2016 iyo doorkooda ku aadan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen” ayuu yiri R.Wasaare Cumar.

Wafdiga Jaamacadda Carabta ee Hoggaaminayey Danjire Zaid Al Sabban ayaa iyaguna sheegay in Jaamacadda Carabta ay kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si gaar ahna ay gacan uga geysaneyso hirgelinta hiigsiga 2016, oo ay ka mid tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo.

XEERILAALIYAHA QARANKA OO SHEEGTAY INAY KENYA ISKU DAYAYSO INAY HORISTAAGTO DACWADDA BADDA

Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Dahir ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay qorsheynaysay inay ishortaagto dacwaddii muranka Badda ee ay u gudbiyeen mxkamadda cadaaladda adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.

Axmed Daahir ayaa sheegay in Kenya ay gudbisay cabasho ah in Muranka kala dhaxeeya Somalia ee dhanka badda lagu dhameeyo wadahadal, isagoo xusay in Dacwadda haatan ay hortaallo Maxkamadda, isla markaana aanu jirayn wax wadahadal ah.

"Ummadda Soomaaliyeed waxay gudbiyeen dacwad khuseysa Muranka Badda ee Kenya iyo Somalia u dhexeysa…. Qaanuun ahaanna waxay ahayd in Dowladda kenya ay kasoo jawaabto, balse waxay keentay is horistaagaan anagana ishortaaggaas ayaan jawaab ka bixinnay dacwaddana waan gudbinnay,” ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir oo intaas ku daray.

Sidoo kale, Xeerilaaliyaha Qaranka, Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inay ka go’an tahay in iyaga iyo dalka Kenya ay ku kala baxaan Maxkamadda Cadaaladda ee Heague.

Ugu dambeyn, xukuumadda Kenya ayaa sheegtay qaab wadahadal ah lagu dhammeeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, taasoo muddo fog soo jiitamaysay, ayna u gudbiysay dowladda Somalia dacwad ka dhan ah arrintaas maxkamadda cadaaladda.

GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO KA HADLAY GO’AANKII MADAXWEYNAHA EE AHAA IN LA BAARAYO XILDHIBAANADA

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Shalay Shir Gudoomiyay Kulan ay Xildhibaanada ku yeesheen Xarunta Golaha Shac abka ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu soo hadal qaaday Hadalkii Madaxweynaha ee ahaa in la baarayo Xildhibaanada.

Gudoomiye Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa waxa uu tilmaamay in isaga iyo Ra’ii sul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ay kawada hadleen arinta ku saabsan Baaritaanka Xildhibaanada, waxaana uu sheegay inay isla garteen dhowrsista Xasaanada Xildhibaanada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha inuu amar ku siiyo Laamaha Amaanka dalka iyo Ciidanka AMISOM inaan la baarin Xildhibaanada, inta ay Mas’uuliyiinta Hay’adaha amaanka wax ka waydiinayaan Baaritaanka.

Dhanka kale, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Shalay waxay sameeyeen akhrinta sadde xaad ee Sharciga Maareynta Masiibooyinka, iyadoo Xeerhoosaadka Baarlamaanka uu tilmaam ayo in Sharciyada loo soo gudbiyo Xildhibaanada ay maraan akhrinta 1aad, 2aad iyo 3aad ka dibna la meel marinayo.

Ugu danbeyntii, Mudaniyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Ajando oyin badan oo loog afadhiyo inay ansixiyaan kahor inta aan la gaarin Doorashada Bisha August.

R/WASAARE SHARMAARKE "SOOMAALIYA IYO CIRAAQ WAXAA KA DHEXEEYA XIRIIR SOO JIREEN AH”..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa shalay ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, Ra’Isul Wasaarihii hore ee Ciraaq hadana ah Madaxweyne ku xigeenka dalkaas Mudane Iyaad Calaawi iyo wafdi uu horkacayo oo shalay booqasho hal maalin ah ku yimid Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo kulan kula qaatay Garoonka Diyaaradaha ayaa uga mahad celiyey Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka booqashada ay ku yimaadeen dalka Soomaaliya, isa goo xusay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhexeeyo Xiriir soo jireen ah, isla markaana ay is dhaaf san doonaan qibradaha la xariir la dagallanka argaxisada.

"Dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxay idin ku soo dhaweynayaan Caasimadda Muqdisho. Waxaan rajeynayaa maadaama aan haatan ka soo kabaneyno dagaaladii sokeeye in Soomaaliya iyo Ciraaq uu xiriirkooda sii xoogeysan doono, inagoo iska kaashan doona sidii laba da dal ay isku dhaafsan lahaayeen wax walba oo faaiido u ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq Iyaad Calaawi, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Waxana uu sheegay in dalkiisu Soomaaliya gacan siin doono sidii ay mar kale cagaheeda isu gu taagi lahayd ugana guuleysan lahayd Argagixisada.

GARYAQAANKA GUUD OO SHARCIDARRO KU TILMAAMAY XUKUNKII MAXKAMADA SARE IYO DACWADII XISBIYADA

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Somaliya, Cismaan Cilmi Guuleed oo Shir jaraa’id Shalay ku Qabtay Magaalada Muqdisho Wuxuu Waxba ka jiraan ku tilmaamay go’aankii Maxkamadda sare ay kasoo saartay Hoggaanka NUSOJ iyo Dacwaddii xisbiyada siyaasadda dalka ay ka gud biyeen bishii hore Ra'iisul Wasaaraha XF Somaliya iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha.

Dr. Guuleed ayaa go’aankii ay Makxamadda Sare ee dalku kasoo saaray Ururka NUSOJ ku tilmaamay mid sharcidarro ah, isagoo xusay in qaabka uu dacwada u qaaday Avv. Caydiid Ilkaxan af ay tahay mid xaq daro ah, maadaama uu xukunka soo saaray iyadoo mid ka mid dhinacyada ay dacwaddu khuseyso uu maqan yahay.

"Labada dhinac ee dacwaddu ka dhexeysay; Cumar Faaruuq & Maxamed Ibraahim iyagoo wadajooga Muqdisho ayaa waxaa si sharcidarro ah hal dhinac loogu xukmiyay dacwada,” ayuu yiri Garyaqaanka Guud oo intaasi ku daray in dib loo qaadi doono Dacwaddaas.

Sidoo kale, Dr. Cismaan Guuleed hoosta ka Xariiqay in Arrinta la Xiriirta NUSOJ ay tahay mid u dhexeysa oo khuseysa xirfadleyda saxaafada. Isagoo xusay in xukunka Maxkamadda Sare uu yahay mid shar cidarro ah.

Hadalka Garyaqaanka Guud ee Dowladda, ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka uu soo saaray xukun ahaa in urruka NUSOJ uu Xoghaye guud ka ya hay Cumar Faaruuq, taasoo qaybaha kala duwan ee Warbaahintu ay si aad ah uga soo horjeeste en.

Dhanka kale, Garyaqaanka guud ee Dowladda ayaa dacwadii dabayaaqadii bishii Jannaayo ay 22-xisbi ee dalka ka jira ay maxkamadda sare ee dalka u gudbiyeen ee ka dhanka ahayd RW Somaliya iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha, ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin.

"Mas'uuliyiinta Dowladda Soomaaliya waa la dacweyne karaa, laakiinse muhiimaddu waa in dacwaddaas ay noqotaa mid sharci ah oo soo martay nidaamka saxda ah,” ayuu shrkiisa jaraa’id ku yiri Garyaqaanka Guud ee dowladda federaallka Soomaaliya.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay. "Dowladda Soomaaliya weli ma soo Saarin Sharciga Axsaabta Dalka, sidaas awgeed dacwadda xisbiyadu ma ahan mid sharci ah.”

Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Avv. Caydiid Ilkaxanaf uu warbaahinta u sheegay in loo soo gaarsiiyay dacwad ka dhan ah ra’iisul Wasaaraha Somaliya iyo wasiirkiisa arimaha gudaha, taasoo ay u soo gudbiyeen xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Ugu dambeyn, Hadalka Garyaqaanka Guud ee Dowladda Somaliya ayaa ku soo beegmay aa; xilli xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ay qorsheynay een in dacwaddooda go’aan cad laga soo saaro.

AMISOM OO SHEEGTAY IN ALSHABAAB AY DOONAYSO INAY FULISO WEERARRO IYAGOO ISKU EKEYSIINAYA

Ciidamada ururka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka Hawlgala Somaliya ayaa waxay sha lay ka digeen Weerarro ay Xoogagga Alshabaab ka geystaan deegaannada ay Dowladda Soma liya iyo AMISOM gacanta ku hayaan, iyagoo isku ekeysiinaya isticmaalaya direyska AMI SOM si ay isugu ekeysiiyaan.

AMISOM ayaa warbixin kooban oo ay soo dhigtay boggooda Twitterka waxaa lagu xusay in ay AMISOM ay warar hoose ku heshay qorshayaal ay Alshabaab ku doonayaan weeraro ay ku ge ysato qaybo dalka ka mid ah, iyagoo AMISOM isku ekeysiinaya ciidamadooda.

Sidoo kale, warbixinta AMISOM ayaa lagu xusay in Xoogagga Alshabaab ay dooneyso in weerarradan ay ku geystaan direyskiiciidamada iyo agabkii kale ee ay ka qaateen saldhigyo ka tirsran kuwa AMISOM oo ay weerareen.

Qoraalka AMISOM ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Alshabaab ay doonayaan inay waxy eello Xooggan ugu geysato Weerarradoodaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana iska horke enaan iyaga iyo shacabka.

Ugu dambeyn, Alshabaab ayaa waxay dhowr mar Weerareen Saldhigyo kala duwan oo ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Gobollada Dalka Qaarkood , kuwaas oo uu ka mid ahaa Saldhig gii Ceelcadde oo la Weeraray bishii Jannaayo ee lasoo dhaafay.

BRITAIN OO AMARTAY DADKEEDA KU SUGAN SOMALIYA INAY ISAGA SOO BAXAAN

Dowladda Boqortooyada Britain, ayaa waxay shalay dadkeeda ku sugan dalka Somaliya ku amartay inay isaga soo baxaan, iyadoo sababtuna ku sheegtay inay jirto halis argagaxiso.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain, ayaa lagu sheegay in dham maan muwaadiniinta reer Britain laga doonaayo inaanay u safrin Somaliya, inta ku sugana ay isaga soo baxaan.

Bayaanka, ayaa waxaa lagu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka jirto halis joogta ah, suurtagalna ay tahay in lagu waxyeeleeyo muwaadiniinta Britain. Waxaa kaloo lagu sheegay in argagaxisadu ay maleygayso weeraro ay qayb ka yihiin afduub.

Muwaadiniinta Britain ee ku sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, islamarkaana aanu joogitaankoodu muhiim ahayn la faraayo inay isaga baxaan Magaalooyinkaaasi.

Digniinta ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain, ayaa waxay ku soo beeg meysaa, xilli 2dii bishan la qarxiyay diyaaradda Daallo Airlines, xilli ay rakaab ka qaaday Magaa lada Muqdisho, kuna sii jeeday Magaalada Djibouti.

WASIIR DIINI "HAMBALYO SANADGUURADA 51AAD EE AASAASKA CIIDAMADDA BADDA IYO DIFAACA

XEEBAHA SOOMAALIYEED

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ugu hambalyeeyey Ciidammada Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed sanad guurrada 51aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa yiri "Shalay oo ay tahay 10ka bisha February2016 waa ma alintii la aas aasay Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo qeyb ka ah Ciidammada Xoogga Dalka, waa sanadkii 51aad ee kasoo wareegatay maalintii la aas aasay oo shalay waa ay 51sano jirsa deen,Ciidanka Badda iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan leeyahay HAMBALY,HAMBALYO,HAMBALYO iyo sanad guurro wanaagsan”.

Wasiir Diini ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hada wado qorshe la xiriira sidii ciidankaasi loo tayeyn lahaa si uu awood buuxda ugu yeesho inuu noo ilaaliyo Baddeenna oo ah bad dhererka baaxadeedu aad u ballaaranyahay islamarkaana badda ugu xeeb dheer ee Afrika waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya aysan laheyn ciidankii loo baahnaa ee difaaci lahaa xeebadahaas.

"Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaanna Ciidammada Badda waxaa mas’uuliyad ay ka saarantahay ilaalinta baddeenna ma ahan kaliya in cadaw laga ilaalinayo ee waa in kheyraadkeedana la ilaaliyaa,Alle waxa uu nagu maneystay kheyraad ka badan umadda Soomaaliyeed si ay shacbiga Soomaaliyeed uga faa’ideystaanna waa lagama maarmaan in la ilaaliyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiirka Gaashaandhigga. Wasiiir Diini, ayaa Alle uga baryey in Ciidammada Badda Soomaaliyeed uu u fududeeyo gudashada waajibaadkooda, sidoo kalena shacbiga Soomaaliyeed ayuu ka codsaday inay Ciidammadooda la shaqeeyaan.

KENYA OO SOO CELINEYSA QAXOTIGA SOOMAALIYEED XILLI CUNO YARI LAGA SHEEGAY SOOMAALIYA

Iyadoo Qaramada Midoobay ay shaacisay in cunna yari baahsan ay ka jirto Dalka Soomaaliya ayaa hadana dalka Kenya waxaa ka socda qorshe la doonayo in dalka Soomaaliya dib loogu soo celiyo Qaxooti Soomaaliyeed oo halkaasi ku sugan.

Madaxa arrimaha Qaxootiga, Haron Komen ayaa sheegaya in dadkaan ay diyaar u yihiin in ay ku laabtaan Dalkooda, isagoona xusay in sameeyn aysan ku yeelan doonin cunna yarada laga soo sheegayo dalka Soomaaliya.

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha FAO ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uu wajahayo cunno la’aan illaa iyo Bisha Jun ee soo socota.

Maalmo ka hor ayee aheyd markii Qaramada Midoobay ay shaacisay in cunni yari ka jirto Dalka Soomaaliya waxaana xusid mudan in ay jiraan 931 kun Qof oo u baahan in ay halaan gargaar cunno.

WADAAD CAAN AH OO LAGU GOWRACAY DULEEDKA BUULOBURDE

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya wadaad caan ahaa oo habeen hore la sheeg ay in lagu gowracay deegaan hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, ka dib markii gurigiisa lagala baxay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in wadaadka oo si weyn loo yaqaan uu deganaa guri ku yaala deegaanka Jameeco Mubaarak oo qiyaastii 25 Km u jira degmada Buulob urde, waxaana la ogeyn cidda falkaasi ka dambeysay.

Maamulka degmmada Buuloburde oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa ku eedeeyay in uru rka Alshabaab falkaasi ka dambeeyaan, waxaana jirin cid eedeyntaasi xaqiijin karta.

Wadaadka ayaa lagu magacaabayay Sheekh C/laahi Sheekh C/casiis waxaana uu in mu ddo ahaa deganaa deegaanka Jamaace Mubaarak oo falka uu habeen hore ka dhacay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in sidoo kale uu baxsaday wiil uu dhalay wadaadkaasi kaasi isna la damacsanaa in kooxda hubeysan ay gowracaan.

AUSTRALIA OO DHAQAALO UGU DEEQDAY ABAARAHA KA JIRA SOMALIA & ETHIOPIA

Dowlada Australia ayaa balanqaad dhaqaalo u sameysay dowlada Soomaaliya iyo dowlada Ethiopia waxii ka dambeeyay markii abaaro daran ay ka dhaceen deegaano iyo gobolo ku yaala labada dale ee Ethiopia iyo Soomaaliya.

Dowlada Australia ayaa shaacisay in ku dhawaad 15 milyan oo doolar ugu deeqday labada dal, iyada oo kaga jawaabeyso qeylo dhaanta dhanka abaaraha ee maalmihii ugu dambeeyay ka jiray labada dal.

Shan milyan oo kamid ah dhaqaalahaasi ayaa si gaar ah waxaa loogu talo galay in wax looga qabto xaaladaha abaaraha ee ka jira gobolo ku yaala dalka Soomaaliya.

10 Milyan oo lacagtaasi kamid ahaa ayaa dowlada Australia waxay u qorsheysay in wax loga qabto abaaraha saameeyay kumanaanka ruux ee kusugan dalka Ethiopia, sida lagu sheegay warbixin dowlada kasoo baxday.

Maalgelinta dheeraadka ah ee la siinayo Ethiopia ayaa lagu bixin doonaa adeegyada cuntada, gargaarka, nafaqada, caafimaadka iyo wax ka qabashada nadaafadda.

Gobolo ku yaala deegaanada Somaliland iyo Puntland ayaa la sheegay iney ka jirto abaar daran oo saameysay dadka reer guuraaga ah.

IS OO SOO BANDHIGTAY WIIL 4 SANO JIR AH OO QARXINAYA BAABUUR LAGU DHEX XIREY 4 MAXBUUS ..

Ururka IS ayaa soo bandhigay cajalad muuqaal ah oo laga arkayo wiil 4 sano jir ah oo ka soo jeeda dalka Britain kaasoo qarxinayo baabuur lagu dhex xirey afar ruux oo lagu eedeeyay inay basaasiin ahaayeen.

Wiilkan oo IS u bixisay "Jihadi Junior” ayaa hooyasii waxaa ay ku biirtey ururka IS iyadoo hore u ahayd Masiixiyad balse markii dambe qaadatay diinta Islaamka.

Wiilkan yar ayaa la arkayaa isagoo gacanta sare u qaadaya kuna qeylinaya ‘Allahu Akbar.’ Iyadoo ay tahay markii labaad oo uu ururka IS soo bandhigayo muuqaalka wiilkan yar.

Afarta ruux ee lagu dhex gubay gaari yar oo waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa mid mid u qiranaya inay ahaayeen basaasiin ay wadamada reer Galbeed lacago ku siiyeen inay sawiro ka soo qaadaan magaalada Raqqa ee xarunta kooxda IS.

Qof u muuqday inuu ahaa mas’uulka howsha dilka ku fulinayay afarta ruux ayaa intii aysan dilin waxa uu ugu digay ra’iisal wasaaraha Britian David Cameroninuu soo hubeeyo ururada mucaaradka ku ah IS ee jooga dalka Siiriya.

Mid kamid ah ururada kasoo horjeeda IS oo xaruntoodu tahay magaalada Raqqa ayaa sheegay in ragga qaraxa lagu dilayo ay ahaayeen dad ganacsato ah oo laga yaqaan magaalada Raqqa.

Afhayeenka Ra’iisul wasaaraha Britian ayaa ku tilmaamay cajalada la soo bandhigay inay ka marag kacayso jaahilnimada IS iyo in loogaga dan leeyahay dacayaad.

NORWAY OO KALA NOOC KA DHIGAYSA DHAQAALAHEEDA

Norway ayaa doonaysa inay dhaqaalaheeda ka dhigto noocyo kala duwan iyadoo shidaalkii uu hoos u dhacay.

Hadaad fiirisid Jasiirada Fjord ee Oslo iyo bacaadka xeebta, way sahlan tahay inaad ilowdid in dhaqaalaha Norway uu dhib hayso.

Iyadoo sicirkii shidaalka uu hoos u dhacay, waxaa cadaatay in Norway ay ku tiirsaneed dhaqaalaheeda shidaalka saliida iyo gaaska.

Iyadoo leh maqaayado qaali ah, dhismaha xafiisyada ee Barcode ee ku yaala Sorenga ee biyaha agtiisa ayaa lagu soo xasuusanayaa sida ay Norway dhaqaalaheedu u fiicnaa.

Meeshan ayaa markeedii hore ahayd dekad konteenarada, hadana waa guryo qaali ah ayay sheegtay VibeckeLyse Augdal, oo madax ka ah shirkada kiraysa guryaha ee Utleiemegleren iyadoo ka hadlaysa jasiirada Fjord ee Oslo.

Shidaalka hoos u dhacay darteed Norway ayaa rajaynaysa inay yeelato dhaqaale kala duwan.

Iyadoo dhaqaalaha Norway uu kordhay kadib hoos u dhacii dhaqaalaha adduunka ee 2008dii, dadka reer Norway ayaa nolol fiican ku jiray. Markii dad badan adduunka ay ku jireen waqti adag, Norway waxay haysatay lacag ay ku dhisto dhismayaashan ku yaala Sorengan.

Norway ayaa noqotay waddamada ugu horeeya ee adduunka ee dhaqaalahoodu kordhayo markii sicirka shidaalka uu gaaray $100 ilaa $120 sanadkii 2011.

Laakiin sanadkii 2013, markii qiimaha shidaalka uu hoos u dhacay waxaa cadaatay dhaqaalaha inuusan dheelitirnayn.

"Shidaalka saliida iyo gaaska ayaa ku awood batay dhaqaalaheena gaar ahaan afartii sano ee ugu danbaysay ayay u sheegtay BBC Ra'iisal wasaararaha Norway Erna Solberg.

"Inta badan kororka dhaqaalaha ayaa ka yimid Shidaalka, lacagteena adagna waxay dib u dhigtay wax dhoofinta ganacsiyo badan.

Dowladda ayaa doonaysa inay samayso isbadal, ayadoo la isticmaalayo shidaalka, waxaan samaynay ganacsiyo kale ayay sheegtay Erna Solberg, waxay saadalinaysaa ra'iisal wasaaraha inuu kordho wax soo saarka Aluminiumka, adeega caafimaadka, iyo wax soo saarka kalluunka.

"Waqtiga dheer, Norway waxay yeelan doontaa dhaqaale kala duwan, taasna waa mid deegaanka u fiican" ayay sheegtay Ra'iisal wasaare Erna Solberg.

DHAQAATIIRTA ENGLAND OO SAMAYNAYA SHAQO JOOJIN

Ku dhawaad 3,000 oo qaliin ayaa la joojiyay iyadoo dhaqaatiirta England ay bilaabeen 24 saacadood oo shaqo joojin ah, iyagoo ka soo horjeeda heshiis cusub ee dowladda ee ku saabsan lacagta ay ku shaqeeyaan iyo saacadaha ay shaqeeyaan.

Balanadii dhaqaatiirta iyo isbaarista ayaa sidoo kale ay saamaysay shaqo joojinta oo bilaabatay 8:00AM.

Waxyaabaha ugu wayn ee lagu muransan yahay waxaa ka mid ah lacagta ay qaataan dhaqaatiirta maalinta la nasto ee Sabtida.

BBC ayaa aaminsan in wadahadalo ay ka socdaan dowladda dhexdeeda, kadib markii madaxda NHS ee caafimaadka ay u sheegeen wasiirada hadii ay rabaan inay sameeyaan heshiis cusub, waa inay sameeyaan bishan gudaheeda si loo sugo in la bilaabo bilaha kulaylka ee soo socda.

Waxaa jira in ka badan 50,000 dhaqaatiir England oo ay saamaynayso heshiiskan, oo isugu jira kuwa mar dhow jaamacadaha ka soo baxay iyo kuwotobanaan sano shaqaynayay.

Wadahadalada u dhaxeeya dhaqaatiirta iyo dowladda, oo ay dhexdhexaadinayso Acas oo dhexdhedhexaadisa shaqaalaha iyo hayadaha ay u shaqeeyaan, ayaa burburay bishii Janaayo.

Hogaamiyaha ururka dhaqaatiirta ee BMA, ayaa sheegay inaysan dowladda ku qasbin heshiis dhaqaatiirta oo aysan adeega caafimaadka waddanka ee NHS ka hormarin siyaasada.

BOGGA CAYAARAHA

RIYAD MAHRAZ OO KALA CADEEYAY CIDDA FIICAN MESSI VS RONALDO , YUU CODKIISA SIIYAY

Ka dib marti uu u noqday Copa90 oo ah Chanel Youtubeka ah ayuu laacibkaan Leicester City yiri ” Messi heer ciyaareed sare ayuu ku jiraa xittaa waxa uu ka fiican yahay Messi”

Dhanka kale waxa uu sheegay in xiddigihii hore Zidane ee Drogba iyo Messiga haatan Barcelona u ciyaara ay yaraantiisa saameyn ku lahaayeen oo uu aad u daawan jiray

Waxa uu Riyad dhanka kale tilmaamay in uu ku faraxsan yahay in lagu tilamaamo hishiiskii qarniga Leicester City maadaama kooxdaas ay kaliya 400 oo kun oo gini ay 2014kii kaga soo iibsadeen kooxda Le Havre ee France

WAA KUMA MACALINKA UGU FIICAN HORYAALKA ENGLAND? SIR ALEX FERGUSON AYAA SI LA YAAB LEH KAAGA JAWAABAYA!

Macalinkii hore Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa doortay qofka uu u arko inuu haatan yahay kan ugu wanaagsan EPLka 20ka tababare ee leyliya kooxaha heerka koowaad.

Halyeeygii hore ee UnitedFerguson ayaa u doortay Mauricio Pochettino inuu yahay macalinka ugu fiican horyaalka Ingiriiska xagaagan iyadoo kooxda ka dhisan waqooyiga London ay kaliya shan dhibcood u jirto hogaanka horyaalka.

"Waxaan doonayaa inaan idiin sheegoa rin sir ah” Ayuu yiri Lammy oo ka hadlay showga Spurs, "In laga joogo lix todobaad, waxaan fadhiyay meel u dhaw Sir Alex Ferguson, wuxuuna igu yiri: Waxey ila tahay inaad hesheen macalinka ugu wanaagsan Premier Leaguega”

ARSEN WENGER OO CHELSEA KULA SOO BIIRAY DONITAANKA WIILKA LAGA YAABAN YAHAY EE DIMITRI PAYET.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay aad u dooneyso in ay kooxda West Ham United ka soo qaadato mid kamid ah xiddigaha laf dhabarta ah.

Gunners ayaa la soo sheegayaa in kooxdan West Ham United ay ka dooneyso kala so wareegista xiddigeeda muhiimka ah ee Dimitri Payet kaa oo ay u aragto in uu wax badan ka caawin karayo.

Payet oo dhalasho ahaan ka soo jeeda France ayaa isagu laftiisa la soo sheegayaa in uu ku faraxsanyahay kooxda Arsenal in uu ku biiro.

Arsenal ayaa helista xiddigan waxaa ay dagaal xoogan kala kulmi doontaa kooxda Chelsea oo iyaduna dooneysa.

KA DIB MAKII DALABKII LUGU ADKEEYEY, MANCHESTER UNITED OO DALAB LABAAD KA GUDBISATAY NICOLAS GAITAN

Kooxda reer England ee Manchester United ayaa la soo sheegayaa in ay dalab labaad ka gudbisey xiddigii ay aadka u doondooneysey ee Nicolas Gaitan.

Xiddigaan Gaitan ayaa Manchester United waxaa ay horey dalab uga gudbisey xili ciyaareedkii hore dhamaadkiisi balse waa ay u suurobi weysey in ay helaan xiddigaan.

Xiddigaan Benfica u ciyaara ayaa la sheegayaa in lacagaha lagu qaadan karayo ay tahay aduun lacageed gaaraya ilaa iyo 35 Milyan oo ginni lacagtaas oo ah mid aad iyo aad u badan.

Kooxo dhowr ah ayaa helista Gaitan aad u doonaya marka laga soo tago Manchester United oo iyadu u waalaneysa, waxaana kooxahaasi kamid ah kooxda Atletico Madrid, Zenit iyo sidoo kale koxda reer france ee Monaco.

Weli Lama Shaacin lacagta Rasmiga ah ee Unitedku ku dooneyso helista 27 sano jirkan

MAQAAL:JOSE MOURINHO OO SAAXIIB AY ISKU DHAW YIHIIN U CADEEYAY IN UU DHAMAADKA XILI CIYAAREEDKAN QABAN DOONO SHAQADA OLD TRAFFROD.

Jose Mourinho ayaa xagaaga la wareegi doona shaqada Old Traffrod marka uu xili ciyaareedkani dhamaado sida uu u sheegay saaxiib ay isku dhaw yihiin. Waxay u muuqataa in hadda ay hadhsan tahay in si rasmi ah loogu dhawaaqo in Mourinho uu noqon doono tababaraha xiga ee Red Devils.

Manchester Uinited ayaa tan iyo markii uu ka hawl gabay Sir Alex Ferguson aan wax koob ah ku guulaysan, waxayna marar badan ku dhibtoonaysay in ay dib u hesho qaab ciyaareedkii joogtada ahaa ee lagu yaqaanay kooxda shayaadiinta cas cas. Louis Van Gaal ayaa arkaya kooxdiisa oo si xoogan loola xidhiidhinayo Mourinho iyada oo Man United ay lix dhibcood ka danbayso kaalinta Champions Leaquega loogu soo baxo isla markaana 12 dhibcood ka hoosaysa kooxda hogaanka horyaalka haysa ee Leicester City.Man United

Waxaa wax xiiso badan noqon doonta in xili ciyaareedka danbe ay magaalada Manchester midayn doonto laba ka mid ah tababarayaasha ugu fiican misana colaada ugu wayni ka dhexayso ee Pep Guardiola iyo Jose Mourinho. Mourinho ayaa ah macalinka ugu haboon ee Guardiola kaga hor iman kara Manchester laakiin markaas waxaa cirka sii gali doonta xamaasada Mancehster Derby oo haddaba ah kulamada England ugu xiisaha badan.Guardiola and Mourrinho

Marka si rasmi ah shaqada Man United loogu dhiibo Mourinho waxaa la filayaa in ay noqon doonto dhamaadka Ryan Giggs ee Man United, sababtoo ah Giggs ayaa rajaynaya in la soo gaadhay waqtigii lagu aamini lahaa shaqada tababaraha kowaad ee kooxdiisii waqtiga dheer ee Man United. Giggs ayay dad badani u arkaan ninka aqoonta ugu badan u leh Red Devils, laakiin waxay su’aashu tahay miyuu markale sii ahaan karaa tababare ku xigeen?. Jawaabta waxaan u dhaafay akhristayaasha iyo gaar ahaan jamaahiirta Man United.Mourinho and Giggs

Haddaba iyada oo Mourinho uu qaban doono shaqada Man United isla markaana uu sirtaas bixiyay saaxiib ay Mourinho isku dhaw yihiin, ayaan halkan ku eegaynaa xidigaha ay tahay in Mourinho uu ka diri doono Man United iyo kuwa ay tahay in uu sii haysan doono.

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip