
Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo saaka la wareegay deegaanka Biyo-Cadde ee Sh/Dhexe
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka iyo dabaabaadka ayaa gudaha u galay deegaanka abaarihii lixdii subaxnimo.
Afhayeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciro ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen Biyo Cadde, iyagoo aan wax iska caabin la kulmin sida uu yiri.
Deegaanka Biyo Cadde ayaa magaalada Jowhar waxaa uu u dhanka waqooyi bari kaga beegan yahay 40-KM, halka degmada Mahadaay u jiro 25 KM.
Maleeshiyo deegaanka ah oo uu hogaaminayo Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ababaulo ciidan ka waday degmada Mahadaay, kaasoo ku wajahanaa deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Deegaanka Biyo Cadde ayaa caan ku ah Ganacsiga, waxaana todobaadkiiba maalinta jimcaha ka jira ganacsi xowli ah oo dadka isaga kala yimaada tuulooyinka ay u iib-keenaan xoolaha iyo alaabaha kale ee ganacsiga.
La wareegitaanka deegaankan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo magaalada Jowhar ay taallo gogosha madasha shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
xigasho:-jowhar.com


0 



Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo saaka la wareegay deegaanka Biyo-Cadde ee Sh/Dhexe
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saaka waabarigii hore si nabad kula wareegay deegaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,