IS oo soo bandhigtay wiil 4 sano jir ah oo qarxinaya baabuur lagu dhex xirey 4 maxbuus (Sawiro)

0
Thursday February 11, 2016 - 09:55:49 in Wararka by
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IS oo soo bandhigtay wiil 4 sano jir ah oo qarxinaya baabuur lagu dhex xirey 4 maxbuus (Sawiro)

    Ururka IS ayaa soo bandhigay cajalad muuqaal ah oo laga arkayo wiil 4 sano jir ah oo ka soo jeeda dalka Britain kaasoo qarxinayo baabuur lagu dhex xirey afar ruux oo lagu eedeeyay inay basaasiin ahaayeen. Wiilkan oo IS u bixisay "Jihadi Junio

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka IS ayaa soo bandhigay cajalad muuqaal ah oo laga arkayo wiil 4 sano jir ah oo ka soo jeeda dalka Britain kaasoo qarxinayo baabuur lagu dhex xirey afar ruux oo lagu eedeeyay inay basaasiin ahaayeen. Wiilkan oo IS u bixisay "Jihadi Junior" ayaa hooyasii waxaa ay ku biirtey ururka IS iyadoo hore u ahayd Masiixiyad balse markii dambe qaadatay diinta Islaamka. Wiilkan yar ayaa la arkayaa isagoo gacanta sare u qaadaya kuna qeylinaya ‘Allahu Akbar.’ Iyadoo ay tahay markii labaad oo uu ururka IS soo bandhigayo muuqaalka wiilkan yar.

Afarta ruux ee lagu dhex gubay gaari yar oo waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa mid mid u qiranaya inay ahaayeen basaasiin ay wadamada reer Galbeed lacago ku siiyeen inay sawiro ka soo qaadaan magaalada Raqqa ee xarunta kooxda IS.

Qof u muuqday inuu ahaa mas’uulka howsha dilka ku fulinayay afarta ruux ayaa intii aysan dilin waxa uu ugu digay ra’iisal wasaaraha Britian David Cameron inuu soo hubeeyo ururada mucaaradka ku ah IS ee jooga dalka Siiriya.

Mid ka mid ah ururada ka soo hor jeeda IS oo xaruntoodu tahay magaalada Raqa ayaa sheegay in ragga qaraxa lagu dilayo ay ahaayeen dad ganacsato ah oo laga yaqaan magaalada Raqa.

Afhayeenka Ra’iisul wasaaraha Britian ayaa ku tilmaamay cajalada la soo bandhigay inay ka marag kacayso jaahilnimada IS iyo in loogaga dan leeyahay dacayaad.

wiil yar is (4)

wiil yar is (7)

wiil yar is (6)

wiil yar is (3)

wiil yar is (5)

wiil yar is (2)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip