
Cali Baashi: Hadaad joogto Magaalada Muqdisho waxaad iska fiirineysaa qofka Laptop-ka wata
"Cabsidaan horey ugama jirin Magaalada Muqdisho ee waxay soo baxday, wixii ka dambeeyay maalintii la qarxiyay diyaaradda Daallo Airlines, oo lagu qarxiyay Laptop.” Ayuu yiri Cali Baashi oo u waramay Dhacdo.com.
Waxa uu intaa ku daray "Inkastoo 2013-kii qarax Laptop ah uu ka dhacay Hotelka Maka Al Mukarama, hadana cabsi saas u badan lagama qabin dadka Laptop-yada wata, wax iska caadi ayaa looga arkaayay Magaalada Muqdisho.”
Cali Baashi, ayaa inoo sheegay dhacdo uu goobjoog u ahaa oo xalay ka dhacday gaari BL ah, markii nin Laptop watay uu damcay inuu gaariga soo fuulo, balse ay rakaabkii ka yaaceen gaariga.
"Waxaan kuu sheegayaa arrin lala yaabo oo xalay nagu qabsatay gaari caasi ah, waxaa nala soo fuulay nin gacanta ku watay boorso uu ku jiro Laptop, wax yar ka hor waxaa gaariga looga sheekeysanaayay in qofka Laptop-ka wata uu wax qarxin karo, dadkii oo dhan ayaa gaariga orod kaga degay, illaa uu ka qalqalay ninkii gaariga nala soo raaci rabay. Marka waxaa meesha ka cad inay dadka dareen ka muujinayaan boorsooyinka Laptop-yada.” Ayuu yiri Cali Baashi.
https://youtu.be/NJSNeFgEGg4
xigasho:-dhacdo.com


0 



Cali Baashi: Hadaad joogto Magaalada Muqdisho waxaad iska fiirineysaa qofka Laptop-ka wata
Cali Baashi Salaad oo ka mid ah bulshada ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu sheegayaa in dadka reer Muqdisho ay bilaabeen inay il gaar ihi isaga eeggaan dadka boorsooyinka ku wata Laptop-yada. "Hadda waxaa soo baxday cabsi hor leh oo k