Baarlamaanka oo Akhrinta Sedexaad mariyay Sharciga Maareynta Musiibooyinka

0
Wednesday February 10, 2016 - 19:58:09 in Wararka by
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka oo Akhrinta Sedexaad mariyay Sharciga Maareynta Musiibooyinka

    Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa bilowga kulanka Baarlamaanka waxa uu sheegay in muushinka Baarlamaanka ay soo gudbiyeen ee ahaa dhowrista Xasaanadda baarlamaanka aysan wali gu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa bilowga kulanka Baarlamaanka waxa uu sheegay in muushinka Baarlamaanka ay soo gudbiyeen ee ahaa dhowrista Xasaanadda baarlamaanka aysan wali guddoonka Barlamaanka ka jiifan.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa intaasi kaddib waxa uu Akhrinta saddexaad mariyay Sharciga Maareynta Musiibooyinka iyadoo baarlamaanka uu sharcigaan dib ugu soo celiyay guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka.

Guddoomiye kuxigeenka guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Daahir Amiin jeesow ayaa sheegay in sharcigaan uu ka kooban yahay 12 qodob isla markaana qodobadiisa badanaa uu ka hadlayo ahmiyadda in la helo sharciga maareynta musiibooyinka.

Xildhibaan khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Haweeka xildhibannada ay ka mideysan yihiin Hanaanka geeddi socodka siyaasadda dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Doorka haweenka ee Dhanka Siyaasadda uu ku qeexan yahay Dastuurka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip