Akhriso:-Puntland Oo Fariin U Dirtay Madaxweyne Muuse Biixi

0
Tuesday June 04, 2019 - 12:51:10 in Wararka by
  • Visits: 518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Puntland Oo Fariin U Dirtay Madaxweyne Muuse Biixi

    Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa salaadda ciidul Fidriga garoonka kubadda cagta Mira Awaare kula oogey shacabka Garoowe. Kusimaha Madaxweynaha waxaa kala qayb galay salaadda ciidda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa salaadda ciidul Fidriga garoonka kubadda cagta Mira Awaare kula oogey shacabka Garoowe. Kusimaha Madaxweynaha waxaa kala qayb galay salaadda ciidda masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland, isumo, cuqaal, nabadoo, waxgarad iyo shacab weynaha caasimadda.

 

Madaxweyne Karaash oo la hadlay shacabka Puntland ayaa ugu horayn markale ugu hambalyeeyey maalintani weyn shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale Rabbi uga mahadnaqay nimcada wanaagsan ee uu ummaddiisa ku manaystay, isagoona uga tacsiyeeyey eheladii iyo qaraabadii dadkii ku waxyeeloobey roobabkii da’ay.

"Maanta Soomaaliya oo dhan waa kala xidhantahay wadooyinka go’ay Awgood, waxaan ku dedaalaynaa inaanu si deg deg ah wax uga qabano, waxaan shacabkana ka codsanayaa inay kaalintoodii saliimka ahayd ka qaataan”. Ayuu yiri Madaxweyne Karaash.Sidoo kale Kusimaha Madaxweynuhu wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay inay ka qayb qaataan dedaalka dib looga dhisayo wadada halbowlaha ah ee isku xirtaa dalka oo dhan,taasoo ku bur-burtay roobabkii da’ay.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka iyo shacabka gobolka Sanaag, gaar ahaan ciidanka ka biyo diidey duulaanka maamulka Hargaysa, waxaana uu fariin adag u diray maamulkaasi.

"Dhulkeenii waa lagu soo duulay, Sanaag baa u dambaysey waataa lasoo galay, iyagoo halkaa jooga ayuu Muusa Biixi leeyahay nabadgelyaan rabnaa, intuu ku jiro dalkeena "WAA LA TAHAY” baan leeyahay, ma dhacayso nabadi, mana suurtoobayso, waxaan leenahay xuduuddaadii tag hadaa nabaddoonayso, nabad waa rabnaa, weligayona waa ka shaqaynayney” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip