HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 1-DA JUUN 2019-KA

0
Saturday June 01, 2019 - 09:16:07 in Wararka by
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 1-DA JUUN 2019-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAMO KA WADA SACUUDIGA Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Far maajo oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa kulamo goo ni gooni ah wa xa uu la qaatay Madax ka socota wadamada Carbeed oo ka qeyb gale ysa Shirk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAMO KA WADA SACUUDIGA Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Far maajo oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa kulamo goo ni gooni ah wa xa uu la qaatay Madax ka socota wadamada Carbeed oo ka qeyb gale ysa Shirka Ururka Iskaashiga Islaam ka. Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxa Gola ha Milatari ga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarree ye Guud Cabdul fataax alBurhan iyo Ra'iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Cab dullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.


farmajo iyoKulanka ayaa waxaa ay uga hadlen Sida loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo suudaan iyo Soomaaliya iyo Qatar,iyada oo la ogyahay in dowlad da Qatar ay ka mid tahay dowladaha sida weyn u taage era Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyen Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu Shalay la kulmo madax kale oo ka tirsan kuwa Carb eed ee ku sugan Magalada Makkah AlMukaramah e dalka Sacuudiga,isaga oo kala hadli doo

na arrimo dhowr ah

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO SOO XIRAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE DUGSIYADA SARE

gabagabadaRa’iisul wasaraaaha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo wasiir ka waxbara shadda ayaa soo xiray imtixaan ka shahaa diga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo Shalay la soo gaba gabeeyay.

"Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa booqday Xarunta Gahayr ee jaama cadda uma dda Soomaaliyeed oo kamid ah goobaha imtixaanku maalmahaan ka soco day si uu u ogga ado xaalada arday da gashay imtixaanka uguna dhiirrigaliyo in ay sii waddaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada." ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Khayre, ayaa arday da Soomaaliyeed ee u soo dhabar aday gay waxbar ashada u rajeeyey guul, waxa uuna ku booriyey in ay dadaalka iyo dulqaadka sii wadaansi hogaamiyaasha da lka uga mid noqdaan.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo sannad kaan ay ka qayb galeen31,258 arday ayaa waxa uu si isku mid ah uga socday magaalada Muqdisho iyo goballada dalka laga soo billaabo 27 bishan May.

WIIL DHALINYARO AH OO LAGU DILAY MUQDISHO

abdalla Rag hubeysan ayaa la sheegay in Xaafada Kacaan oo ka mid ah Waaxyaha degmada Hod an ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan Kpp ay Shalay ku dileen Wiil Dhalinyaro ah.

Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdala Maxamed Maaxi ayaa xilliga la dilayay waxa uu kasoo baxay Masa ajid uu ku soo dukaday salaadii Jimcaha sida ay sheege en dad goob joogayaal ah.

Dad kii ka dambeeyay dilka Wiilkaas Dhalinyarada ahaa ayaa goobta ka baxsa day,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilka as. Alle ha u naxariist ee Cabdala Maxamed Maaxi ayaa ka mid ahaa dhal inyar ada ku nool degmada afgooye,balse Muqdisho u yimid waxbarasho,waxana weli la ogeyn dadkii ka dam beeyay dilkiisa iyo sababta loo dilay.

Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal loo geysto askarta dowladda iyo dadka xiriirka la leh,waxaana dilalkaas inta badan sheegta Ururka AlShabaab.

SOOMAALI LAGA SOO CELIYAY YEMEN OO LA GEEYEY BERBERA

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 4,300 oo Somali qaxooti ku ahaa dalka Yemen dib ugu celisay Somali tan iyo 2017kii.Barnaamij ay fududeeysay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoo tiga ee UNHCR, oo kaashaneysa hey’ada ha arrimaha bani aadnimada ka shaqee ya, masu uliyiinta Yemen iyo dowladda Soomaaliya oo dib loogu celinayay qaxoo tiga ku go’doon sa naa dalka Yemen ayaa dib loogu celiy ay qax ooti gaaraya 4300 oo Somali ah tan iyo sanadkii 2017kii.

Waxaa ugu dambeeyay dadkaasi la celiyay sida ay sheegtay UNHCR 125 qof oo isugu ji ray duma, rag iyo caruur oo doo ni ay ka qaa day Dekedda Cadan ee dalka Yemen galabtii Arbacadii la soo dhaafay.

Doontaas ayaa gaartay dekedda Berbe ra khamiistii Dorraad, maalmo ka hor maali nta ciidda.

Dadkaasi laabtay ayaa isugu jiray sida ay sheegtay Qaramada Midoobay Somali ku dhal atay dalka Yemen iyo kuwa waalidkooda ay qaxootinimo halkaasi ku geeyeen, iyagoo raja ka qaba inay kaga nabad galaan colaaddii iyo amni daradii ay Soomaaliya uga carareen.

Yemen oo hadda lagu tilmaamo mee sha mushkiladda bani aadnimo ee ugu baaxadda weyn ay ka jirto Dun ida oo dhan ayaa dadku ay wajahayeen xaalad halis ku ah noloshooda, taasoo ka sii dartay nolosha dadkii Qaxootiga iyo mega ngalyo doonka ku ahaa.

Qaxootiga Soomaalida ayaa ka ah 90 boqo lkiiba qaxootiga iyo dadka meganga lyo doo nka ah ee ku nool dalka Yemen oo haatan la gu qiyaaso ilaa iyo 250 kun oo qof. Dhaqdha qaaqa qaxootiga ee Somalia iyo Yem en ayaa soo bilowday sanadkii 1980 tamaadkii. Waxey na sii socdeen mar kii ay dowladdii dhexe bur buray ee dagaal ka sokeeye la galay. Iyadoo dad badan ay ka cararayeen rab shadaha gu ud iyo ca bsi shaqsiyadeed ay aa kuwo kale ay ka baxsanayeen abaa ro iyo gaajo soo noq noqday oo dhaxalsii yay fursado la’aan dhina ca nolosha ah. Colaadda ka jirta Ye men awg eed qa xooti badan oo Yemen ku nool ayaa xiriiro la sameeynayay UNHC Rsi ey ugu fudu de yso in dalkooda dib loogu celiyo. iIlaa iyo 33 jeer ayaa lagu qaaday qaxoo ti Sooma ali ah safaro ay qa banqaabisay UNHCR tan iyo 2017kii. Waxa kaloo dadkaasi la celintooda gacan ka geysa tay hey’adda QM u qaabilsan soc daalka ee IOM.

SHIL KHASAARE GEYSTAY OO KA DHACAY DULEEDKA HARGEYSA

Inta la xaqiijiyay Hal Qof ayaa ku dhin tay, halka mid kalena ku dhaawacmay shil baab uur oo ka dhacay dul eedka waqooyi ee M/Har geysa ee Caasimadda Somaliland. Ciidanka Dabdemiska ayaa ka hawlga lay shilk aas , wa xaana ciidanku Maydkii iyo dhaawacii ba gaar siiyeen isbit aalka weyn ee M/Hargeysa.

Qofka shilka ku dhintay ayaa ahayd gab adh da’adeedu qiyaas ahaan ahayd labaatan jir, halka qofka dhaa wacmay uu ahaa wiil dha linyaro ah, isla markaana dhaawaciisu sahlana kana soo gaaray Lu gta. Gaadhiga shilkan sa babay ayaa noo ciisu ahaa Bas ku sii socday degaa nka Daarasalaam ee waqooyiga M/ha rgeysa, waxaana baskaas saarnaa rakaab ba dan Muddo hal todobaad guda hood ayaa cii danka dabdemisku ka hawl galeen shil kii 2aad ee ka dhaca magaa lada hargey sa.

NIN LA AASI WAAYEY ILAA UU WIILKIISA MADAXW EYNE KA NOQDO

Muddo 2sano ah oo dib loo dhig ay, mayd ka aabBaha madaxweynaha Congo ayaa ugu dambayntii lagu duu gay meeshii uu ka soo jeeday. Etienne Tshisekedi oo ahaa mucaarad rugcadaa ah jirayna 84 sano ayaa ku geeriyo oday Belgium bishii Febraayo 2017kii.

mucraadaka Balse maydkiisa ayaa lagu hakiyey Brus sels iyada oo la sheegay inuu xumaa xirri irkii ka dhexeeyey madaxweynihii hore ee Congo Joseph Kabila. Balse taasi ayaa dhamaatay markii uu wiilkiisa , Félix, noq day madaxwey naha dalka sanadkii la soo dhaafay.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa buux dhaafiyey garoonka diyaaradaha xilli gii mayd kiisa laga soo dajiyey garoonka maalintii Qami ista ahayd. Olole ka dhan ah sidii Tshiseke di mayd kiisa lagu keeni lahaa magaalada uu ka soo jeeda ayaa lag ala kulmay carqalado ba dan. Marka loo eego taageeraya ashiisa, Tshisekedi waxa uu u matalaa gu ul, iyaga oo aaminsan inuu yahay halyeey qaran.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa wak aala dda wararka ee AFP u sheegay in hor ay loo hakiyey diyaraaddii lagu keenayay maydka.

Maalintii Qamiista ahayd, ayaa diyaa raddii lagu waday maydka ay ka soo dagt ay garoonka diyaaradaha ee Kinshasa, iy ada oo ay ku sugnaayeen wafdi uu hogg aaminayey madaxweyne Félix Tshisekedi.

Maydkiisa ayaa loo qaaday xarun aas kiisa uu ka dhacayey oo aad loo qurxiyey halkaas oo ay yimaadeen kummaanaan qof oo taage ersan.Tshisekedi ayaa muddo 10Naan sano ah ku jiray siyaasadda balse iskuday ba dan oo uu sameeyey ayuu ku guul daray stay inuu noqdo madaxweyne.

Waxa uu horay u noqday wasiirka arrima ha gudaha ka hor inta uusan mucaaradka ku biirin. Tshisekedi ayaa mucaarad ku noqday nidaamka cusub.

Waxa uu hoggaamiyey dibad baxyo ka dhacay dalka ka dib doorashadii 2006kii.

Félix Tshisekedi ayaa ku guulaystay do orashada dalka ka dhacday sanadkii la soo dhaafay. Taasi oo la sheegay inay ah ayd mar kii ugu horreysay oo si nabad ah uu hoggaan ka ku dhiibo madaxweyne ka soo jeeda dalka as tan iyo markii ay ma dax bannaanida ka hel een Belgium 1960kii.

PUNTLAND OO DIGNIIN KA SOO SAARTAY DAADADKA ROOBKA

Roobka-2Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada dowlad Goboleedka Puntland ayaa digniin waxa ay kasoo saar tay roobabka daadadka wata ee mararka qaar ka da’a deegaano ka tirsan Maamul kaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa loogu digay dadka degan Guryaha ku dhisan dhulka hoostiisa iyo meelaha bi yo mareenada inay ka digtoonaadaan wax yeelo ka dhalan karta roobabkaas daadad ka wata.

"Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada DPL waxay ku war ga linaysaa dadka deggan deegaanada dhul keedu hooseeyo , meelaha biyo mareen ka ah iyo Togaga in ay ka digtoonaadaa daadadka ka dhalan kara roobabka Da’ay asbuucaan khaasatan gobal ada Nugaal iyo Sool” ayaa lagu yiri qoraalk Wasaarad da Sidoo kale qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa digniin loogu diray wadayaasha Ga adiidka,iyada oo looga digay darawala da in gaadiidka ay ku wadaan meelaha tog aga ah ama ay joojiyaan xilliyada uu roob ka da’ayo.

" Darawalada waxaa laga codsanayaa in aysan baabuurta ku dhexwadin togaga biyuhu soconayaan , xili yada roobku da’ay ana ay baabuurta joojiyaan si loo ilaasho badbaadada rakaabka iyo Hantidaba”

Si kasta mararka qar marka la gaaro xilli roobaadka ayaa waxaa khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed uu gey staa Roobka ka da’a meelo badan oo ka mid ah soo maaliya taas oo keentay in Wasaaradda Degaanka, Beer aha iyo Isbeddelka Cimila da dowlad Goboleedka Puntland ay dignii ntaan soo saarto

UNHCR OO DIYAARAD KU GEYSAY ROMA 150 RUUX OO MAGANGALYO DOON LAGA QAADAY LIIBIYA

Hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qara mada Midoobay ee UNHCR  ayaa magaa lada Tripoli ee caasimadda u ah dalka Lii biya ka qaad day 150 ruux oo isugu jira qa xooti iyo magangalyo doon ka soo kala jeeda Soomaaliya, Eritrea, Itoobiya iyo Suudaan, kuwaas oo ay diy aaradi geysay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Dad kaas dib u dajinta loo sa meeyay waxaa ka mid ah 65 carruur ah oo 13 ka mid ah ay da’doodu ka yartahay hal san no, waxayna badan kood u baahan yihiin baxnaanno caafimaad waxaana haysa nafaqa darro. JeanPaul Cavalieri oo ka tir san hay’ad da UNHCR oo ku sugan Liibi ya ayaa shee gay loo baahan yahay in la sameeyo daad gurayn banii’aadminimo oo dheeri ah.

Dadka magangalyo doonka ah oo doo naya inay gaaraan Yurub ayaa ku xayirma Liibiya qaarkoodna waxaa lagu xiraa xaru mo dadka lagu hayo oo xaaladdoodu aad u liidato. Xaaladdii sidaa ahaydna waxaa uga sii dartay dagaalka ka socda magaala da Tripoli.

3 ARRIMOOD OO CAJIIB AH OO UHURU KENYATTA UU SAMEEYAY MARKII UU MASAAJIDKA GALAY

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Ken yatta ayaa xalay gudaha u galay masaajid ka Jamia oo ah kan ugu wayn Kenya ee la dhisay 1925tii.

Uhuru at Horizon TV Madaxweynaha ayaa la afuray Muslimi in badan oo isugu tagay Masaajidka. Bal se dowladdiisa waxaa horey loogu eedeey ay in Muslimiinta ay bartilmaameedsana yaan iyadoo adeegsanaysa "argagixiso la dagaallan".

"Markii ay dhibaato dhacdo, ma aysan geysan Muslimiin ama Masiixiyiin, balse waxaa ka dambeeyo burcad", ayuu Ken yatta u sheegay Muslimiintii ku sugnayd masaajidka isagoo taagnaa mimbarka.

Hadda madaxweynaha ayaa arrimo ca jiib ah sameeyay:

Kabaha ayuu iska siibay

Markii uu gaaray masaajidka, wuxuu is ka siibay kabaha wuxuuna u gudbay me esha waysada. Waxay u muuqatay in uu fahamsanaa sida loo waysaysto.

Uhuru oo aan Muslim ahayn, waxaa masaajidka kusoo dhoweeyay qaar ka mid ah culimada, siyaasiyiin iyo dad kale oo aad u badan.

Waxaa wehliyay qaar ka mid ah golihii sa wasiirada oo qaarkood ay yihiin masiixi yiin. Sidoo kale waxaa la socday Maayar ka magaalada Nairobi.

Maamulaha masaajidka, Sheekh Maxa med Warfaa ayaa sheegay "Waa markii ugu horeysay ee taariikhda Kenya oo ma daxweyne xil haya uu masaajid gudaha u galo. Wuxuu albaabo cusub u furayaa mid nimada dal ka". Markii la aadimay, wuu af uray, isagoo dhankiisa midig uu ka muuq day xildhibaan ka laga soo doorto Gari ssa Adan Barre Ducaale oo sidoo kalena ah hoggaami yaha golaha Aqlabiyadda ee Baarlamaan ka Kenya.

Salaadda Maqrib ayuu Tukaday

Ka dib markii uu waysaystay wuxuu usii gudbay qeybta hore ee masaajidka, wu xuuna galay safka ugu horreeya.

Uhuru oo ku tukanaya safka hore masaa jidka Jamia ee Nairobi

Wuxuu kormeer ku sameeyay qeybo ka mid ah masaajidka sida madxafka iyo tele fishin uu masaajidka leeyahay oo lagu magacaabo Horizon oo dhismaha masjid ka ku dhex yaalla.

Uhuru Kenyatta waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya ee gudaha u ga la masaajid, inkastoo dad bad an ay arrin taan u arkaan mid aan habbooneyn.

Balse, markii la aqimay ayuu sida dad kii kale ee masaajidka ku jiray, wuu istaa gay, wuxuuna la tukaday muslimiintii. Dad ka waxay aad u hadal hayeen sida uu u garanaay salaadda iyo arkaanteeda. Waxay u ahayd markii ugu horeysay ee uu sujuuday.

Kitaab Quraan oo hadiyad ahaan loo siiyay Uhuru Kenyatta oo xirnaa khamiis ayaa la siiyay kitaabka Qura anka Kariim ka ah oo uu ku gudoomay gacanta bidix da. Wu xuu gacantiisa kale ee midigta ku salaa mayay Sheekh Maxamed Warfaa oo hadi yadda siiyay.Uhuru Kenyatta oo la gudoonsiiyay Kit aab Quraan ah

Madaxweynaha Kenya ayaa dadkii ku cibaadeysanayay masaajidka ku adke eyay in ay ka shaqeeyaan mid eynta dham maan shacabka Kenya, wax kastoo ay yihiin. "Waan ku faraxsannahay inaan nahay dad kala du wan oo qowmiyado badan ah, oo diimo kala duwan haysta", ayuu yiri Kenyatta. Adan Barre Ducaale oo Kenyatta ku wehliyay booqashada ma saajidka ayaa sheegay in madaxweynaha ay kala had leen arrimo badan sida in jaamacadda Muslimiinta ee Ummah ee ku talla Nairobi lagu daro kuwa ugu sareeya dalka Kenya iyo in maalinta ciidul Adxa laga dhigo maalin fasax ah.

Jameecadii kale ee masaajidka

"Ciida Carafada ee soo socota waxay aha an doonaa maalin laga fasaxan yahay sha qada," ayuu yiri Dacuule oofarriin ku qoray bartiisa Facebook. Haddaba maxaa ka dhashay Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa arrintaas si kala duwan u arkay. Qaar ka mid ah waxay ku tilmaa meen tallaabo wanaagsan halka kuwana ay u arkaan in ay tahay arrin laga haboo naa in Uhuru Kenyatta uu galo masaajidk

HAWEENAY IS QASHAY SI AY U DHASHO KADDIB MARKII AY WEYDAY QOF CAAWIYA

pregnant Haweenay u dhalatay dalka Tanzania oo 30 sano jir ah ayaa qalliin isku samay say iyada oo joogta gurige eda oo ku yaal la miyiga kaddib markii ay u suuragali wey say inay si caadi ah ku dhasho, sida sar gaalka ka tirsan waaxda caafimaadka ee magaalada Dr Hashim Movogogo u sheeg ay BBCda.

Joyce Kilinda ayaa iyadoo isticmaalay sa sakiin isku samaysay qalliin.

Haweenaydan ayaa ka tagtay isbitaal ku yaalla magaalada Kirando, iyada oo ay foosha hayso kaddib markii ay dareentay in la dayacay, sida lagu sheegay wargays ka ay dowladda leedahay ee Daily News.

Muddo dheer ayey codsanaysay caawi maad balse ma aysan helin wax jawaab ah.Ms Kilinda iyo cunugga waa ay bad baadeen waxaana hadda lagu daryeela yaa xaruun caafimaad, ayuu yiri Dr Movo gogo. Sida la she egay waa ilmihii siddee daad ee ay haweenaydan dhashay balse waa kii ugu horreeyey ee ay ku dhasho qaab qaliin ah.

Saynisyahanno ayaa sheegaya in joog teynta qallinka dumarka lagu sameeyo ma rka ay dhalayaan uu cawaaqib xumo ku yeelanayo horumarka uu jirka bani aadmi gu sameeyo.

Waxay qiyaas ku bixiyeen in kiisaska ku saabsan carruurta aan makaanka si ha bboon uga soo bixi karin, maaddaama mis kaha hooyada ay ciriiri yihiin, ay sare u kaceen min 30 kunkiiba sannadihii lixda meeyadii, ilaa 36 kunkiiba wakhti xaadirka

Su'aasha ay saynisyahannadu is wey diinayeen muddo dheer ayaa ah sababta aysan miskaha dumarku wakhtiga intaa le'eg u korin. Arrintaas ayaa lala xiriirina yaa ayadoo hooyooyinku ay hiddesida yaashooda u gudbiyaan gabdhaha ay dha laan, jiilba jiil, ayadoo dhinaca kalena car ruurta dhalata marba marka ka dambay sa ay noqonayaan kuwo kobocsan oo caafi maad qaba.

Is le'ekaansho la'aantaas ayaa la leeyahay waxay sababtaa in dumarka qaar ay door bidaan in ilma ha lagu qalo ayagoo ka cabsi qaba inay umul raacdaan, oo il muhuna ku dilmaan. Laakin cilmi baarey aal ku sugan jaama cadda Vienna waxay ka dardaar werinaya an in xaaladdu haddii ay sidas ku sii soco to ay yaraan doonto tirada dumarka sida caadiga ah u foosha. Xigasho;BBC

BOOLISKA OO HOWLGALLO KA SAMEEYAY XAAFADDO KA TIRSAN MUQDISHO

Ciidammada booliska Soomaaliya ay aa howlgallo dheeraad ah ka billaabay xaafad do ka tirsan caasimadda Muqdis ho, sida laga soo xigtay saraakiisha.

shacabka-Gaalkacyo (1) Howlgalladii u dambeeyay ayaa ciidam madu ka fuliyeen degmooyinka Wadajir iyo Dhark eenleey ee gobolkan Banaa ir,iy adoo inta uu howlgalka socday la baa ray ay gaadiidka iyo dadka.

Booliska, waxaa laga soo xigtay howl galka in lagu soo qabtay dad u badan dhal linyaro, waxaana baaritaan lagu samee yay lagu fasaxay inta badan dhallinyaradii la qabtay.

"Booliska feejignaan dheeraad ah ayay ku jiraan, waxaana dooneyna caasimadda oo xasilloon , howlgalkana wuu socona ya." ayuu yiri sarkaal boolis ah oo la hadl ay warbaahinta gudaha.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ugu baa qay shacabka inay si dhow ula shaqee ya an laamaha amniga, si loo gaaro Muqdi sho oo nabdoon.

Inta lagu gudajiray bisha barakaysan ee Ramadaan ciidammada amniga gaar ahaanna booliska ayaa kordhiyay howl gal lada ay ka sameynayaan xaafadaha Muqd isho, waxaana isgoysyada iyo waddooyin ka muhiimka ah la dhigay ciidammo boolis ah.

GALLAN: CIIDANKA KA BARBAR DAGAALLA MA YA SOOMAALILAND HA KU DEYDAAN CIIDAN KA SANAAG

Soomaaliland-2Wasiirka amniga Puntlnd,Cabdisamad Maxamed Gallan oo ku sugan gobolka Sa naag ay aa ugu ba aqay ciidamma da ka barbar daga alla maya Soomaalila nd ee Sool iyo Ca yn inay ku soo biira an Puntla nd, isagoo marka ka hadlayay munaasa bad lagu soo dhaweeyay ciidan ka soo goostay Soomaaliland.

Wuxuu sheegay ku dhowaad boqol as kari iyo saraakiishii hoggaaminaysay ee Soomaaliland kaga sugneyd gobolka Sa naag inay ku soo biireen Puntland, luguna soo dhaweeyay dee gaanka Ballibusle.

"Waa xaqiiqda dhabta ah tan, waxaana ugu baaqa Sool iyo Cayn inay ku deydaan arrintaan taariikhiga ah, waana mid la sug ayo taas oo dhacaysa marka xaqiiqda la wada oggaado." ayuu yiri wasiir Gallan.

Wasiirka amniga Cabdisamad Gallan , ayaa sidoo kale dalacsiiyay ciidammada Soomaaliland ee ku sugnaa gobolka San aag ee hadda ku soo biiray Puntland sa ra akiishii hoggaaminaysay, iyadoo labo sa rkaal loo dala csiiyay darajada gaa shanle sare , halka sarkaal saddexaad loo dalac siiyay gaashanle dhexe.

Dhinaca kale, guddoomiyaha Baarla ma anka Puntland, Cabdixakiim Dhoobo Daar eed oo munaasabadda ka hadlay ay aa sheegay inay kor jogteyn doonaan sidii cii dankan ay xaquuqdoodda uga heli lahaa yeen Puntland. Arrintan ayaa ku soo aa dday xilli dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka so cdeen muddoo yinkii dambe gobolka San aag, halkaa oo ay gaareen mas'uuliyiin sa re oo ka tirsan Puntland.

SOOMAALILAND OO WAR KA SOO SAARTAY SARAAKIISHA IYO CIIDAMADII U GOOSTAY PUNTLAND.

galanCabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid)Wasiirka gaashaandhigga Somaliland ay aa markii ugu horaysay waxaa uu si ku lul uga ha dlay go’aankii saraakii shii ciidan ka Soomaali land ee gobolka Sanaag ay u ga bexeen isla markaana ugu biireen dhanka Maamulka Puntland.

Wasiirka Gaanshaandhiga Soomaalil and ayaa Sheegayin ciidankii iyo saraak iishii ka goostay Somaliland ay noqdeen, khiyaanoolayaal, islamarkaana waxaa uu ku tilma amay kuwa qaran dumis.

Sidoo kale Wasiirka ayaa uu digniin u diray ciidanka iyo saraakiishii somaaliland ee goostay, waxaa uuna sheegay in ay til aabo cad ah ay ka qaadi doonaan, islam arkaana ay gacan ku soo dhigi doonaan.

Taliyeyaasha Soomaaliland ugu Maga cawnaa Gobolka Sanaag ayaa Somali land ka baxay kadib markii ay diideen am ar uu siiyay taliyaha ciidamada Somali la nd Janaraal Nuux Ismaciil Taani oo am ray in ay weerar ku qaadan degmada Ba dhan ee gobolka Sanaag,waxaana saraa kiishaan ay hoggaaminayaan Ciidamo ku dhow 100 Askari

MID KA MID AH SHAQAALLAHA QARAMADA MIDOOBEY OO GAALKACYO LAGU DILAY

Kooxo hubeysan ayaa M/Gaalkacyo xalay ku dilay Maxamed Cabdi Kheyre (Vi mto) oo ka mid ahaa shaqa alha Hay ’ad aha Q/Midoobey ee ku sugnaa M/Gaalk acyo ee gobolka Mudug.

Dilka ayaa ka dhacay qeybta Gaalk acyo ee Galmudug, waxaana Vimto toog tay labo nin oo Bastoolado ku hubeysan xi lli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla Xaa fadda Astaan Hobyo ee Gaalkacyo.

Vimto ayaa ahaa nin si weyn looga ya qaano degaanada maamulka Galmudug, waxaana uu ahaa Madaxii Amniga Hay’a ddaha Midoobey ee degaanada maamu lka Galmudug.

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen dadka de gaanka Kooxihii dilka geystay ayaa goob ta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidanka maamulka Galmudug.

CIIDANKA XOOGA OO DHAQ DHAAQYO KA WADA DEEGAANADA AY KAGA SUGAN YIHIIN JUBADA HOOSE.

Wararka ka imaanaya deegaano ka tir san Gobalka Jubbada Hoose ayaa shee gaya in ciidamad xoogga dalka ay dhaq dhaqaaqyo militari ka wadaan Duleedka Magaalad Kismaayo.

Ciidamada ayaa dhaqdhaqaaqya da wa xaa ay ka wadaan deegaanka Cab da la Biroole, Buulla gaduud iyo Tuulooyin kale oo hoostaga Magaalada Kismaayo.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib mar kii ciidan xoogga ay heleen xog ku aadan in xubno shabaab ay ku sugan yihiin dee gaanadaasi.

Dorraad ayaa ciidamada Xoogga dalka Waxaa ay howlgal miino baaris ah ay ka sameeyeen deegaanka Cabdala Biroole ee Gobalka Jubbada Hoose, iyagoona hal kaasi ka soo saaray miinooyin badan oo halkaasi ay ku aaseen dagaalamayaasha AlShabab.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxwey nahaJubbaland uu tagay saldhig ay ciida mada Jubbaland iyo kuwa Xoogga ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo, isagoona ciidanka ku amray in ay u diyar garoobaan howlgal ka dhan ah dagaala mayaasha AlShabaab.

TURKIGA OO DUQEYN DIYAARADEED KU DILAY XUBNO KA TIRSAN JABHADA {PKK}

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa weerar xoogan ku dilay 19 dagaal yahan oo ka tirsan maleeshiyada PKK ee ku su gan dalka Ciraaq. Wakaalada wararka Anadolu ayaa tabi say in milatariga Turki ga uu beegsad ay sa ldhig dagaal yahana daan ay ku leeyihiin gobolka Kurdistaan ee waqooyiga Ciraaq.

Howlgalkaan ayaa dhanka kale lagu soo qabtay in ka badan afar dagaalame.

Sarkaal ka tirsan wasaarada Difaaca Tur kiga ayaa u sheegay Anadolu in howlgal ka uu socday afar maalin lag ana yaabo in uu kordho qasaaraha soo gaaray Kooxda PKK. Turkiga ayaa sidoo kale Burburiyay Ba khaaro hub lagu keydiyo oo ku yaal gobo lada AvasinBasyan iyo Metina ee waqoo yiga Ciraaq.

RUUSHKA OO SHEEGAY IN IIRAAN AYSAN KU LUG LAHEYN WEERAR KA DHACAY XEEBAHA IMAARAADKA.

Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in ay san aaminsaneyn sheegashada la taliya ha amaanka Qaranka Mareykanka John Bolton oo aheyd in Iiraan ay ka danbeyso weerar bilowgii bishan lagu qaaday mar kab shid aal Sacuudiga Leeyahay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii shir Jaraa’id oo uu qabtay Bolton ku sheegay in weerarkii 12kii bishan lagu qaaday Markabka Fujeyrah oo ka dhacay xee baha Imaaraadka loo adeegsaday miinoo yin lagu farsameeyay Iiraan.

Bolton ayaa soo bandhigin wax cadey mo ah oo muujinaya in Iiraan weerarka ay ka Danbeyso.

Wasiirka arimaha Ruushka Sergei Rya bkov oo ka hadlay Shalay ayaa sheegay in uusan fileyn in Iiraan ka danbeyso fal kaan waxaana uu sheegay in aan la rume ysan Karin sheegashada Mareykanka.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO HESHIIS HORUMARINEED LA SAXIIXDAY SHIRKADDA {CCECC}

Madaxweynaha Puntland Mudane Si ciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku joo ga Dalka Chaina ayaa magaalada Beijing kulan kula qaatay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkada CCECC.

al jazeera Shirkada CCECC oo xarunteeda weyn ay tahay magaalada Bei jing ee dalka Shii naha ayaa hore u dhistay garoonka diyaa radaha ee magaalada Boosaaso, had dana waxa ay Puntland ka waddaa masha riic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wa dada EylDangorayo ee gobolka Nugaal.

Waftiga Madaxweynaha oo Ka kooban Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista Hawa da iyo Garoomada Puntland, Kaluumay siga iyo Khayraadka Badda, Ganacsiga, iyo Tamarta, Biyaha iyo Macanta ayaa waxaa ay shir la qaateen Madaxda ugu sa reeysa Shirkada CCECC, kulankaas oo lagu kala saxiixday fulinta mashaariic horu marineed oo ay shirkaddu ka fulin doonto Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala saxiixday dhismo deked kalluu maysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgali nayso degmo Ayl ee gobolka Nugaal, taasi oo horumarinaysa ka faa’iidaysiga khayaraadda badda, korna u qaadaysa shaqa abuurka iyo dhaqaalaha dalka, Isla markaana xoojinaysa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiina ha.

Ugu dambayn, Weftiga Madaxweyna ha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa inta ay dalka Shiinaha ku su gan yihiin waxaa ay yeelandoonaan shirar iyo kulamo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dhinac, Isla markaa lagu tayaynayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu qayb ka yahay hes hiiska lagu dhisayo dekedda Kalluumaysi ga degmada Eyl balanqaadyadii Madaxwe yne Deni.

IIRAAN OO EEDEYN KULUL U JEEDISAY SACUUDIGA

Iran ayaa ku eedeysay Sacuudiga inay kala qeybsanaan ka abuurayaan go bolka si ay ugu faa’iideeyaan Israel, kadib markii boqortooyada ay martigelisay kulan madaxeed ay leeyihiin hogaami yayaasha Carabta iyo Khaliijka, oo lagu raadinayo taageero ka dhan ah Jamhuuri yadda Islaamiga ah.

"Sacuudi Carabiya waxay waddaa inay kala qeybsanaan ku dhex faafiso dalalka Islaamka iyo kuwa gobolka, taasi oo ah waxa ay jecel yihiin maamulka Zahnuuni yadda” waxaa sidaas yiri afhayeenka wa saaradda arrimaha dibedda Iran, Seyed Abbas Mousavi.

"Waxaan aragnaa isku dayada Sacuudi Carabiya ay isku keeneyso dalalka deris ka iyo kuwa Carbeed ee ka dhanka ah Iran, taasi oo qeyb ka ah isku dayada aan mirodhalka ahayn ee maamulka Marey kanka iyo kan Yahuudda” ayuu ku daray.

Mousavi ayaa niyadjab ka muujiyey in Riyadh ay weli waddo "eedyemo aan sal lahayn” oo ka dhan ah Iran, ayada oo ka faa’iideysanaysa martigelinta shirka Islaa mka. Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Cab dulcaziz ay aa Shalay sii xoojiyey weera rka ka dhanka ah Tehran isaga oo dalalka Carabta ugu baaqay inay ka hor taga an ficillada "dambiyeed” ee Iran.

Sacuudiga ayaa magaalada Makkah ku martigelinaya laba shir oo ay kala leey ihiin dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, kuwaas oo ka dhan ah Iran, waxaana ka qeybgalaya dhammaan dalalka Carabta marka laga reebo Iraq.

SUUDAAN OO ALBAABADA U LAABTAY XAFIISKII AL JAZEERA

Dowladda Suudaan ayaa ruqsaddii shaqada kala laabatay shaqaalihii u sha qaynayay Telefashinka Caanka ah ee Al Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar, waxayna albaabada u laabtay Xafiiskii AlJaseera ee ku yaallay Khartuum.

Al Jaziira ayaa si joogto ah u baahin jir tay muuqaallada dibad baxayaasha Suu daan Ma jirto wax sabab ah oo naloo shee gay oo ku aadan xiritaanka Xafiiska ayaa lagu yiri War kasoo baxay Al Jazeera.

Xiritaankan ayaa yimid ka dib markii ma daxa golaha milatariga Cabdelfatax alBurhan uu u safray Sacuudiga Khamiistii, isaga oo ka qaybgalaya shir halkaas ka

dhacaya.

PROF. DUFLE: "SIGAARKU WUXUU SABABAA KANSARKA SAMBABADA & CUDURO KALE OO HALIS AH"

Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa mar kale bulshada uga digay qatarta uu leeyahay sigaarka iyo cudurada halista ah ee ka dhasha, iyadoo sanad walba Shalay oo kale 31ka May 2019 ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista Sigaarka. Prof/Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ka waramay dhibaatada uu sigaarka iyo noocyada kale ee tubaakadu ku hayaan caafimaadka iyo dhaqaalaha bulshada. Waxaa uu sheegay Profesor. Dufle in sanadkan heyadda caafimaadka Adduunka ee WHO ay diirada saartay sigaarka iyo cudurada uu u keeno Sambabada iyo Neefmareenka "Tobacco and Lung Health" si loo muujiyo qatarta iyo dhibaatada cabista sigaarku u leedahay Sambabada iyo neefmareenka qofka isticmaala.

"Shalay oo ay ku beegan tahay 31ka May 2019 waa maalinta loo asteeyay joojinta cabista sigaarka ee caalamka, taasoo looga gol leeyahay in bulshada lagu wacyi geliyo khatarta uu leeyahay, tubaakada waxay u kala baxdaa noocyo badan sida: Sigaarka, Siigarka, Baybka, shiishada, Tubaakada la ruugo, mida la calaliyo iyo tan kale ee daanka la gashado, intaasoo dhanba waa khatar caafimaad haba ku kala badnaadeene” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle.

Waxaa uu sheegay in guud ahaan adduunyada cabista sigaarka lagu qiyaaso 1.1 bilyan oo qof. ku dhawaad Hal bilyan oo u dhiganta (80%) ayuu sheegay iney ku nool yihiin waddamada soo koraya, isagoo xusay in cabista sigaarka ragga uu ku badan yahay qiyaastii shan jeer haweenka.

"Sigaarku wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 8 milyan oo qof, qiyaastii 1 milyan oo ka mid ah dadkaasna ay yihiin dadka aan cabin sigaarka sida tooska ah (”Second hand Smoke)” ayuu yiri dhaqtarku. Sidoo kale wuxuu Dhakhtarku xusay in sigaarka 4tii ilbiriqsiba uu qof u dhinto guud ahaan caalamka.

Prof. Dufle ayaa tilmaamay in sigaarka laga helo in ka badan 4,000 kun maaddo oo sun kiimiko ah, 250 ka mid ah maadooyinkaasna ay yihiin kuwa Qatar ku ah Caafimaadka aadanaha, in ka badan 50 kalena ay dhalin karaan cudurka kansarka. Waxaana ka mid ah ayuu yiri maaddada (Tar, Arsenic, benzene, formaldehyde, carbon monoxide & amooniyo) waxaa kaloo ku jira ayuu yiri dhaqtarku maadada Nicotinka oo sababa in la qabatimo sigaarka jir ahaan iyo maskax ahaan.

"Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmaalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo, waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo ay sii yaraan karto” ayuu intaa ku daray hadalkiisa Prof. Dufle.

Dhaqtarka ayaa sheegay in cabista sigaarka uu sababo 25 cudur oo ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca Sambabka sida cudurka Kansarka Sambabka 3035 %. "Khatarta kale ee keeni karta kansarka sambabada waa qof ka agdhow meesha lagu cabayo sigaarka sida guriga iyo goobaha shaqada (Secondhand smoke) oo qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkiisa lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 2530%” . Sanadkiina waxaa u dhimata kansarka sambabka guud ahaan caalamka 1.8 milyan oo qof ayuu yiri Profku.

Wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka iyo neefmareenka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema) iyo Chronic Bronchites.

Dhaqtarka wuxuu kaloo sheegay in cabista sigaarka uu sababo cudurada ku dhaca wadnaha iyo xididdada 2030% (Heart attack and Stroke).

Sidoo kale wuxuu sababaa Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguriwadeenka (Esop hagus), Pancreaska, Caloosha, Beerka, Xameytida, Xiidmaha, Kaadiheysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo sheegay inuu keeno dhalma la’aanta ragga iyo haweenka intaba.

Dakhtarka wuxuu kaloo sheegay in bukaanka cudurka Qaaxad qaba (TB) uu sigaarku sii xumeeyo hoosna u dhigo sha qadii sambabka una keena dhimasho ka timaada hawlgabka habd hiska neefmareenka (Respiratory Failure).

"Sigaarku Wuxuu caawiyaa cudurka gastritis wuxuuna badiyaa laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog calooleedka (Peptic Ulcer), Sidoo kale haweenka caba sigaarka ee da’doodu ka weyn tahay 40 sanno wuxuu u keeni karaa in si sahlan ay ku jabaan marka loo fiiriyo kuwa aan sigaarka cabin.

Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah uu u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen” ayuu yiri Prof. Dufle oo sii hadlayey.

Waxaa intaa ku daray dhaqtarku in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada oo uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa ayuu yiri inay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death), isagoo tilmaamay Dhalinyarada da’dooda ka yartahay 20ka sanno ay 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay 20 sano dhinaca dhimashada deg deg ah.

"Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisu kacsan tahay” ayuu yiri dhaqtarka.

Prof. Dufle oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in cabista sigaarka ay waxyeelo u geysato aragga Indhaha, Maqalka, dhagaha iyo Maqaarka sidoo kale wuxuu waxyeelo u geystaa ayuu yiri dibnaha, ciridka iyo ilkaha.

Waxaa Prof. Dufle xusay in WHO ay ugu baaqday dowladaha caalamka iney qaadaan talaabooyin lagu xamakeynayo tubaakada sida:

1In bulshada laga wacyi geliyo dhibaatada caafimaad iyo mida dhaqaale ee sigaarku leeyahay, iyadoo la adeegsanayo bahda caafimaadka, warbaahinta iyo ururada bulshada.

2In cabista sigaarka laga mamnuuco goobaha la iskugu yimaado, sida Tiyaatarada, Suuqyada, Basaska, iskuulada, isbitaalada, guryaha shirarka iwm,.

3In aan sigaarka laga iibin caruurta aan qaangaarin.

4In la mamnuco xayeysiinta qeybaha kala duwan ee warbaahintu u sameyso tubaakada iyo sigaarka.

5Iney sigaarsi ku kordhiyaan canshuuraha.

In baakadaha sigaarka lagu qoro khatarta uu u leeyahay caafimaadka aadanaha.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu sheegay ku dhowaad 30kii sano ee u dambeysay ee burburka, dagaalada iyo barakaca ay si xoog leh u kordheen tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kaloo kordhay ayuu yiri dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn, haween iyo rag, kuwaasoo uu xusay iney ku keeni karayso mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka.

Ugu dambeyn Prof. Cismaan Dufle Wuxuu dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay meel kastoo ay joogaan iney ka fogaadaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada nooc kasta bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo, khatartii caafimaadka ee aan kor ku soo xusnayna uu keeno

CIIDAMADA ISRA’IL OO SHALAY DILAY 2FALASTIINIYIIN AH

Ciidamada Isra’il ayaa toogtay rux aan qaangaar aheyn oo doonayey in uu galo dhulka la heysto ee Bariga magaalada Jurusalaam,si uu uga qeybgalo tukashada salaadda Jimcaha ee Masjdka alAqsa .

Qofka labaad ayaa la sheegay in lagu dilay Qeybta qadiimiga ah ee Jurusalam ka dib markii la tilmaamay in uu midi ku weeraray askar Yahuud ah,waxaana uu dhaawacay laba Askari.

Wakaaladda Wararka ee Falastiin WA FA ,ayaa xustay in wiilka la dilay uu ahaa 16 sano jir lagu magacaabo C/laahi Gali ith, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Caafimaa daka Falastiin.

Ciidamada Boliiska Isra’il ayaa sheegay in wiilkaasi la dilay uu ka yimid deegaan ka Bethlehem ,isla markaana uu isku dayey in uu u soo tallaabo Jerusalem ,waxayna ciidamadu intaa raaciyeen in ay socdaan baaritaanno ku aadan qaabkii loo dilay wiilkaasi.

FIDRADA SIDA LOO BIXIN LAHAA

Fidrada macnaheeda: Waa sadaqo labixiyo soonka markii la furo

Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah

Ibanu cabaas wuxuu yiri (alaha ka raali noqdo)nabiga CSW wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yiri waxay daahirinaysaa qofki soomanaa qaladyadi ka dhacay sida hadaladii macna la'aanta ahaa iyo caayda iyo wixii la mid ah.(1)

Waqtiga ay waajibto iyo qofka ay ku waajibto

Waxay wajibtaa maalinka ugu danbeeyo bisha soon,(2) (asxaabta rasuulka SCW waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen maalin ama laba maalmood ka hor maalinka ciida ah,(3) waxaa ugu danbaysa bixinteeda marka salada ciida lagalo),waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslim ah oo haysta wuxuu cuno asaga iyo dadka uu masuulka kayahay maalinka ciida ah iyo habeenkeeda wax ka dheeraad ah.(4)

Cabirka labixinayo iyo noocyada lagu bixinayo

Abii saciidul khudri alaha ka raali noqdee wuxuu yiri waxaanu ahayn kuwa bixiya xiligi nabiga SCW (saac oo raashin ah)(5) saacu wuxuu u dhigmaa labo kiilo iyo afartan garaam, cuntada la bixinayo waa cuntada dadka badankii cunaan sida bariiska, baastada, burka, sonkorta, qamadiga…. i.w.m.(6) Nabiga SCW iyo asxaabtiisa alaha ka raali noqdee kama sugnaanin inay lacag ku bixiyeen taa macnaheeda wuxuu yahay lacag laguma bixin karo, laakiin lacagta aad ku bixiseen waa in raashin loogu gadaa masaakiinta, ee aanan lagu siin lacag cadaan ah.

Yaa la siinayaa

Qofkasta oo miskiin ah iyo todobada kale ee ay aayda sheegtay,(7) waxaan ajar badan, oo waliba afdal ah inaad siiso masaakiinta magaalada kula joogo,(8) miskiinka waa qofkasta oo wixiisa aysan ku filnayn.

See loo bixinayaa

Qofkasta inuu raadiyo miskiinka(9)

1 ehelkiisa.

2 dariskiisa.

3 qofkasta oo muslima ah.

(1)Abuu Daawuud 1371. Can Ibnu Cabaas.

(2)Ibnu Qudaama fii Almuqnii Kitaabka 2 fasal waqtu wujuub zakaat alfitir.

(3)Albukhaari Can Naafic Can Ibnu Cumer.

(4)Almajmuuc LiANnawawii Kitaabka 6.

(5)Bukhaari 1414.

(6)Iclaam Almuwaqiciin Li Ibnu Qayim Kitaabka 2.

(7)Alum li Alshaaficii baab daycatu Zakaatu Alfitir qabla qasmihaa.

(8)Muwata’a Maalik Kitaabka 1 Baab fii ikhraaj almusaafir zakaat alfitir.

(9)Almukhtasar Li Alshaaficii walmajmuuc Li ANnawawii Kitaabka 6.

WQ. Osman Bilad osmanbilad@hotmail.com

XIGASHO:- SOMALITALK.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip