Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Florentino Perez Uu Ku Dhawaa Inuu Ceyriyo Zindedine Zidane Xagaagii Hore? Extraconfidencial Ayaa Sharaxaad Ka Bixisay.

0
Wednesday February 10, 2016 - 11:49:51 in Sports News by
  • Visits: 671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Florentino Perez Uu Ku Dhawaa Inuu Ceyriyo Zindedine Zidane Xagaagii Hore? Extraconfidencial Ayaa Sharaxaad Ka Bixisay.

    Zinedine Zidane – oo haatan ah astaanta Real Madrid ah ninka ay kooxda dooneyso inuu ku hogaamiyo hanashada Champions League xilli ciyaareedkan iyagoo ciyaaraya kubad weerar ah ayaa ku dhawaa inuu ka tago Santiago Bernabeu horaantii xilli ciyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Zinedine Zidane – oo haatan ah astaanta Real Madrid ah ninka ay kooxda dooneyso inuu ku hogaamiyo hanashada Champions League xilli ciyaareedkan iyagoo ciyaaraya kubad weerar ah ayaa ku dhawaa inuu ka tago Santiago Bernabeu horaantii xilli ciyaareedkan sida lagu sheegay Extraconfidencial madaama uu waqti adag ku qaadanayay kooxda heerka labaad ee Castilla.

Waqtigii ay soo bilaabatay arintaan ayaa aheyd sida warbixinta lagu sheegay 5tii bishii August ee sannkii hore intii lagu jiray isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub. Real Madrid ayaa markaas ceyrisay Carlo Ancelotti waxaana ay ku qamaareen tababare ka duwan isaga oo ah Rafa Benitez. Hamigiisa waxa uu ahaa inuu Real Madrid dib u soo kiciyo oo uu dishibiliin iyo shaqo adag ku soo dabaalo.

perez-zidane-1455043102403

Waqtigaas, Florentino Perez waxa uu ka niyadjabsanaa shaqada Zindane ee kooxda Real Madrid Castilla. Sida lagu sheegay Extraconfidencial Perez ayaa laga hayaa isagoo leh: "Jose Angel Sanchez waxaan kaa doonayaa inaad ceyriso Zidane waqti xaadirkaan madaama uu kubad bilow ah wado”.

Maxaa badbaadiyay Zidane? Waxaa badbaadiyay cabsi laga qabay in ceyrintiisa ay wax u dhinto muuqaalka kooxda iyadoo sida la sheegay uu agaasimaha kooxda Sanchez uu ugu jawaabay Perez: "Eeg, madaxweyne, kuma dhaco inaan ceyriyo Zidane” Agaasimaha ayaa awood u yeeshay inuu ka dhaadhiciyo madaxweynaha in Zizou uu hanti qaali ah u yahay Madrid in la ceyriyana inay dhaawac u geysaneyso sumacada kooxda iyo tan isaga ee Perez.

Ugu danbeyn go’aankii lagu badbaadiyay Zidane waxa uu Perez u ahaa mid istaraatiiji ah, waxaana bilo yar ka dib la ceyriyay Benitez iyadoo uu ku taageeray ninka reer France inuu haatan qabto kooxda koowaad isagoo isku duubnidii ku soo celiyay Los Blancos islamarkaana ah shaqsi ay ixtiraam weyn u hayaan ka soo bilow Ronaldo ilaa iyo xiddiga ugu yar ee kooxda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip