Maxaa Sababay In Jamaahiirta Borussia Dortmund Ay Kubado Tennis Ku Soo Tuuraan Garoonka Kulankii German Cup Ee Ay Ka Badiyeen Stuttgart?

0
Wednesday February 10, 2016 - 11:46:12 in Sports News by
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay In Jamaahiirta Borussia Dortmund Ay Kubado Tennis Ku Soo Tuuraan Garoonka Kulankii German Cup Ee Ay Ka Badiyeen Stuttgart?

    Borussia Dortmund ayaa sameeyay mudaharaad ka dhan qiimaha tikidhada kooxdooda intii ay socotay kulankii German Cup ee ay ka badiyeen kooxda Stuttgart.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Borussia Dortmund ayaa sameeyay mudaharaad ka dhan qiimaha tikidhada kooxdooda intii ay socotay kulankii German Cup ee ay ka badiyeen kooxda Stuttgart.

Kumanaan kun taageerayaal ah ayaa 20kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta ka maqnaa kuraastooda garoonka Mercedes Benz Arena halka boor weyn oo ay ku qoran tahay "Kubada cagta waa inay noqoto mid la awoodi karo” la dulsaaray kuraasta banaan.

Kubado Tennis ah ayaa lagu soo dhextuuray garoonka dhexdiisa iyadoo taageerayaasha Dortmund ay tikidhka kulanka wareega 8da ee German Cup ee Mercedes Benz Arena ay ka bixiyeen 30 ginni iyadoo kulankaan ay Dortmund ku badisay 3-1.

With the scores tied at 1-1,a shower of tennis balls cascaded on to field from the Dortmund section
Iyadoo ciyaarta ay 1-1 ah tahay ayaa garoonka waxaa lagu soo tuuray kubado tennis ah.
Dortmund players help to remove the balls which were thrown onto the field by disgruntled Dortmund fans
Xiddiga Dortmund ayaa gacan ka geystay inay kubadaha Tennis ka bixiyaan garoonka.
Several thousand Dortmund supporters spent the opening 20 minutes away from their seatsKumanaan kun oo jamaahiirta Dortmund ayaa ka maqnaa kuraastooda 20kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta.
A banner saying 'football should be affordable' stretched across the empty spaces in the stadium

Marco Reus ayaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii shanaad kooxda Borussia Dortmund. Xiddiga Stuttgart Lukas Rupp ayaa barbareeyay ciyaarta daqiiqadii 21aad markaaso garoonka loogu qubeeyay kubado tennis ah oo ka yimid qeybta ay fadhiyeen jamaahiirta kooxda Borussia Dortmund.

Reus ayaa markaas ka dib caawiye ka noqday gool uu hogaanka Dortmund ugu dhiibay Pierre-Emerick Aubameyang. Isla xiddigaan ayaana goolka seddexaad u abuuray Henrikh Mkhitartan iyadoo daqiiqad ay ciyaarta ka harsan tahay.

Dhanka kale Werder Bremen ayaa soo baxday markii ay 3-1 kaga badiyeen Bayer Leverkusen kuwaasoo daafaca reer Brazil Wendell casaan laga siiyay daqiiqadii 41aad.

Kooxda ugu cadcad koobkaan Geman Cup ee Bayern Munich ayaa maanta booqaneysa kooxda heerka labaad ee Vfl Bochum marka ay sidoo kale Hertha Berlin u safri doonto kooxda heerka labaad ee Heidenheim.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip