MAQAAL: Haddii Jose Mourinho Uu Noqdo Tababaraha Man United Waxaa Hortaala Shantaan Su'aalood Inuu Jawaab U Helo.

0
Wednesday February 10, 2016 - 11:43:55 in Sports News by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL: Haddii Jose Mourinho Uu Noqdo Tababaraha Man United Waxaa Hortaala Shantaan Su'aalood Inuu Jawaab U Helo.

    Waxa ay u muuqataa in Jose Mourinho uu xaqiiq ahaan noqon tababaraha soo socda ee kooxda Manchester United. Ilo ku dhow ninka reer Portugal ayaa sheegay in heshiiska uu yahay mid inta badan la gaaray inuu xagaaga bedelo Louis van Gaal. 53 jirkaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ay u muuqataa in Jose Mourinho uu xaqiiq ahaan noqon tababaraha soo socda ee kooxda Manchester United. Ilo ku dhow ninka reer Portugal ayaa sheegay in heshiiska uu yahay mid inta badan la gaaray inuu xagaaga bedelo Louis van Gaal. 53 jirkaan ayaa waxaa ceyrisay Chelsea bishii December, waxaana uu haatan kalsooni ku qabaa inuu magaalada Manchester kula xafiiltami doono tababaraha cusub ee Manchester City Pep Guardiola.

Waxaana eegi doonaa shan su’aalood oo muhim ah oo ay tahay inuu Mourinho jawaab u helo marka uu la wareego maamulka Old Trafford.

1. Miyuu soo bandhigi doonaa kubad lagu raaxeysto islamarkaana guulo lagu gaaro oo ay si weyn u doonayaan jamaahiirta Man United?

Manchester United fans with a banner

Mourinho ayaa caan ku ah inuu guul ku gaaro wax kasta oo ay ku qaadato, taasi ma noqon doonto mid ay jamaahiirta United ku qancaan. Waxa ay doonayaan kooxdooda guuleysato balse waxa ay doonayaan inay ku guuleysato kubad indhaha u roon.

Sir Alex Ferguson ayaa fahamsanaa dhaxalkii uu ka tagay Sir Matt Busby, Jose isna waa nin caqli leh islamarkaana aqbali kara howshaas. Haddii uusan sidaasi sameynin waxa ay noqon doontaa markii seddexaad oo isku xiga oo uu tababare oohin kaga baxo Old Trafford.

 

2. Miyuu ka dhaadhicin karaa David de Gea inuu iska diido Real Madrid?

Howl weyn ayay u tahay tababaraha xiga ee United gaar ahaan haddii ay ku guuldareystaan inay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka danbe.

De Gea ayaa ka carooday siyaasadii kubada cagat ee xagaagii hore iyadoo Real iyo United ay ku dul socdeen mustaqbalkiisa. Waxa uu saxiixay qandaraas cusub ugu danbeyn, laakiin wiilasha Bernabeu waxa ay wacad ku mareen inay u soo laaban doonaan xagaagan. Waxaana ay tani noqon kartaa mid jiitanta muddo sannad ah.

3. Sidee ayuu u maareyn doonaa xaalada Ryan Giggs?

Mourinho ayaa niyadsami ka qabi doona inuu yahay nin ku fiican sida shaqaale la isagu agaasimo.

Waxa uu leeyahay tababarayaal tiro yar oo uu jecel yahay inuu la shaqeeyo koox kasta uu joogo, laakiin waxa uu sidoo kale qiimeeyaa shaqaalaha kooxda kor iyo hoos u yaqaana, sida uu sameeyay markii uu la shaqeynayaya Steve Clarke iyo Steve Holland waqtigiisii Chelsea.

Giggs ayaa ka niyadjabi doona haddii aan isaga loo magacaabi tababaraha xiga ee Red Devilsm waxaana uu dooran karaa inuu baxo, laakiin Jose ayaa qiimeyn doonaa sida uu u yaqaano United.

 

4. Wuxuu isku dayay inuu la soo wareego Wayne Rooney markii uu Chelsea joogay 2013. Sidee ayuu u maareyn doonaa kabtanka United seddexda sanno ee soo socota?

Rooney ayaa ku dhawaa inuu ku biiro Chelsea sannadii 2013, Mourinho ayaa si weyn u doonayay inuu helo ninkaan, kaliyana waxa uu u jeestay Diego Costa markii uu waayay Wazza.

Xiriirka dhexmara Mourinho iyo Rooney ayaa muhim u noqon kara mustaqbalka kooxda. Rooneya ayaa kulan lagu maamuusayo waayihiisa ciyaareed waxaa la qaban doonaa bisha August ee soo socota, waxaana uu u dabaaldegayaa bisha October dhalashadiisii 31aad.

Jose ayaa hore u jeclaa inuu la shaqeeyo ciyaartoy magac weyn leh sida Didier Drogba, Frank Lampard iyo John Terry, waxaana uu soo dhaweyn doonaa inuu ka faa’ideysto tayooyinka Rooney.

5. Xiddigaha haatan jooga United kuwee ayaa u baqi doona mustaqbalkooda?

Manchester United's Juan Mata and Marouane Fellaini warm up before the match

Juan Mata ayaa baqdin ay soo foodsaari doontaa marka la fiiriyo in Mourinho uu isaga ka iibiyay United labo sannadood ka hor.

Marouane Fellaini ayaa isagana waxaa nacay taageerayaasha madaama uusan u muuqan sida ciyaaryahan United ah, sidaasi darteed inuu iska iibiyo xiddiga reer Belgium ayaa noqon karta wax ay soo dhaweeyaan jamaahiirta Old Tarfford.

Jose ayaa jecel inuu heysto daafacyo garab oo adag, taasina waa halka ay dhibaatada ka qabto United. Waxa uu qiimeyn doonaa xiddigaha uu u heysto booskaas, waxaana uu si dhow u eegi doonaa da’ yarka mustaqbalka leh Cameron Borthwick-Jackson.

Memphis Depay isaga mustaqbalkiisa ma iftiimayo, si kasta oo uu tayo u leeyahay hab dhaqanka xiddiga reer Holland ayaa ka careysiin doonta Mourinho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip