HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 30-KA MAY 2019-KA

0
Thursday May 30, 2019 - 09:30:04 in Wararka by
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 30-KA MAY 2019-KA

    MAXKAMADDA G/BANAADIR OO GO'AAN KA GAARTAY XARIGA WARIYE CALI AADAN MUUMIN Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Shalay waxaa la soo taagay Wariye Cali Aadan Muumin oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala Warbaahinta Goobjoog FM ee Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXKAMADDA G/BANAADIR OO GO'AAN KA GAARTAY XARIGA WARIYE CALI AADAN MUUMIN Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Shalay waxaa la soo taagay Wariye Cali Aadan Muumin oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala Warbaahinta Goobjoog FM ee Magaalada Muqdisho.

 


cali-1-750x430Wariyaha ayaa waxaa daraad lagu xiray Xarunta Hay’adda Dembi Barista ee CIDda,kadib markii la sheegay in Dacwad ay ka gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Hayeeshee Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Amartay in Xabsiga lagu sii hayo Wariye Cali Aadan Muumin ilaa inta uu ka dhamaanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowlada.

Sidoo kale Maxkmadda Gobolka ayaa amar ku bixisay in la sii daayo oo Dib Xoriyadiisa loo siiyo Wariye Cali Aadan Muumin Marka uu dhamaado Imtixaanka dowladda Soomaaliya oo ku Eg 31da Bisha May 2019.

Dhawaan ayaa Cali Aadan waxaa uu bartiisa Facebook uu ku leeyahay kusoo qoray in uu ahaayo nuqul kamid ah Imtixaanka shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo maalintii 4aad ka socda Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

TILAABOOYINKII KA DHANKA AHAA SOOMAALIYA EE AY QAADAY KENYA FEBRUARY ILAA MAY

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/05/7B79133F-C11C-4585-A12F-6306FFD55DB4_cx0_cy11_cw0_w1023_r1_s-696x391.jpg Dowladda Kenya ayaa qaaday tilaaboo yin ka dhan ah dowladda Soomaaliya Shan tii Bilood ee lasoo dhaafay , waxaana jiray heshiisyo ay galeen dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo Mas’uuliyiinta Kenya ay ka ba xeen.

February 16, 2019 Dowlada Kenya ay aa sheegtay in ay u yeertey safiirkeeda Soo maaliya inuu dalka dib ugu soo laabto, iyadoo safiirka Soomaaliya ee Kenyana fart ey inuu dowladiisa wadahadal la soo yeesho.

Kenya ayaa sheegtey in ay ka car eysan tahay sida ay dowlada Soomaaliya u beecgeysey shidaalka dhulbadeedka Kenya ee dhaca xuduuda Soomaaliya

Qoraalkaas ayaa lagu sheegey in xaraashkaas uu ka dhacay magaalda London 7dii February ee sanadkan 2019ka.

March 06, 2019 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in dib loo soo celiyo xiriirka labada waddan, kadib wadahadallo ay Nairobi ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday 16kii February markii Kenya ay soo cayrisay safiirka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan islamarkaana u yeeratay safiirkeeda Muqdisho, Lucas Tumbo.

Dadaalka lagu soo Afjaray xiisadda labadda dal waxaa kaalin weyn ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ay si wadajir ah Magaalada Nairobi u tageen Madaxweyne Farmaajo.

March 19, 2019 Ciidamada Kenya ayaa ka baxay degaanka Buusaar ee hoostago degmada CeelWaaq ee gobolka Gedo halkaasoo ay haysteen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale xilligaasi ay ka baxeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Gedo taas ayaa lagu sheegay in ay tahay Culeys la saarayo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

May 10, 2019 Dowladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, Kenya ayaa ku sheegtay War kasoo baxayin dhammaan duulimaadyadii tooska ahaa ee ka iman jiray magaalada Muqdisho ay soo maraan magaalada Wajeer ka hor inta aysan u gudbin Nairobi.

Diyaaradaha ka imanaya Soomaal iya ayaa mar walba mari jiray Wajeer, hase yeeshee heshiis dhexmaray labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, bishii March ee 2017, ayaa lagu ogolaaday duuliimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

May 21, 2019 Saddex mas’uul oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Kenya u diiday in ay galaan Magaalada Nairobi ka dib markii loo diiday in Baasaboorka diplomaasiga ah ee ay wateen loogu dhufto Visa dalka ku galka Kenya.

Saddexda Mas’uul ayaa kala ahaa wasiir kuxigeenka tamarta iyo biyaha Cusmana Libaax Ibraahim , Senetor Sam Sam Daahir iyo Senetor Ilyaas Cali Xasan.

May 29, 2019 Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan ogolaan doonin inay dalkeeda soo galaan alaabo aan cidina la socon oo la soo saaro duulimaadyada kaga yimaada dhinaca Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in shixnadaha noocaasi ah ay Kenya la wareegi doonto, ayna burburin doonto.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhammaan Go’aamaddaan ay qaaday dowladda Kenya ay yihiin kuwo ay dooneyso in ay dowladda Soomaaliya ay Caddaadis ku saarto si ay uga laabato dacwadda Badda

AFHAYEENKA ITOOBIYA:SOMALILAND IYO PUNTLAND WAXAAN U AQOONSANAHAY IN AY HOOSTAGAAN DOWLADDA SOMALIYA

wakiilada u joogaan oo ay ku jiraan Soomaaliland iyo Puntland , arrintaa oo lagu tilmaamay inay xukuumadda Addis Ababa kala qeybinayso Soomaaliya.



Nebiyat Getachew oo ah afhayeen ka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoob iya, wuxuu u sheegay BBCda Puntland iyo Soomaaliland inay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soom aaliya, isagoo inta ku daray xarumo dibl umaasiaydeed ku leeyihiin Garoowe iyo Har geysa, halka uu sheegay safaaradda Ito obiya ee Soomaaliya inay ku leeyihiin caas imadda Muqdisho.

"Boggeena arrimo badan ayaa ka muu qda waana eegeynaa”, ayuu yiri Nebiyat Get achew , oo ka hadlay liiska ka soo muuqday bogga wasaaradda arrimaha dibadda.

Arrintan waxaa ay ku soo aadday iyada oo dhowaan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya khariidadda Afrika ee lagu baahiyay boggeeda laga saaray Soomaaliya oo hal dal inay waddayihiin lagu soo muujiyay Soo maaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya dhinaceeda ilaa hadda kama aysan hadlin khaladka labaad ee ka dhacay Itoobiya oo dalalka ay xar um aha dublamaasiyadeed ku leedahay dal aha an u diiwaan galisay, Soomaaliland iyo Pun tland.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LAGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA JEDDAH

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.


Garoonka diyaaradaha Boqor Cabdica siis ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa wax aa kusoo dhawayey Madax kala duwan oo ka tirsan Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo xubno kale,isla markaana waxaa waf diga u sii gudbeen Magaalada Barakeysan ee Makka AlMukarramah.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu dan beeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi la haa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Meertada 14aad ee Shir Madaxeed ka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57dal ee ku ba hoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsa nayaa la dagaallanka argagixisada iyo fiki rka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Fal astiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.

SOMALIYA IYO SHIINAHA OO KA WADA HADLAY ARRIMO MUHIIM AH

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalami ga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax ayaa shalay ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacb iga China ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Qin Jian.

Kulanka ayaa la iskula eegay xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah iyo qaabkii lagu horumarin lahaa.

Xoghayaha Joogtada, oo uu wehliyay Safiirka Shiinaha iyo Agaasimayaasha Waa xyaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Asia ay aa waxa ay kormeer ku sameeyeen dhis maha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku socda dayactir ballaaran iyo qalabayn tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe 26kii January, 1991.

RW KHEYRE OO GUDDOOMIYAY SHIRKA TUBTA GOBOLKA BANAADIR

Shirka Tubta Gobolka Banaadir, oo uu shalay kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaara ha Xukuumada Federa alka Soomaaliya, Md. Xasan Cali Kheyre, ayaa waxaa loogu hadlay Horumaradda ka socda Caasimad da.

Dibudhiska xarumaha Dowladda Hoo se, Wadooyinka, Xarumaha Degmooyinka, Bulaacadaha, dhismooyinka Xarumaha Degmooyinka iyo Naleynta Caasimadda oo intaba qeyb ka ah bilic soo celinta Mag aalada ayaa shirka loogu hadlay.

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoo miyaha Gobolka Banaadir, Abdirahman Om ar Osman (Eng. Yariisow), Kuxigeenadi isa iyo dhamaan Agaasimeyaasha D/H/X ay aa ku wada sugnaa shirka.

R/Wasaaraha ayaa Maamulka Gobolka iyo Howlwadeenada kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan Howlaha ay shacabka u hayaan.

SADDEX CARRUUR WALAALO AH AH OO KU GEE RIYOOTAY BARKAD AY KU DHACEEN

Wararka laga helayo degmada Cabudw aaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Shalay dhacdo naxdin le ay ka dhacday degmadaas,kadib markii 3 Carr uur Walaalo ah ay Barkad kau wada dha ceen.

Carruurta oo kala ahaa Laba Gabdhood iyo hal Wiil ayaa lagu sheegay inay ahaaye en kuwo iskuxiga,isla markaana da’dooda lagu kala sheegay 15 Sano jir ila 10 Sano jir.

Carruurta ayaa Biyo ka dhaaminayay Bar kada,hayeeshee sacado kadib la sheegay inay ku dhaceen,isla markaana ay ku gee riyoodeen,waxaana ehelada Carruurta ay sheegeen inay Agoon ahaayeen.

Dadweynaha degmada Cabudwaaq ay aa Gurmad ay samaayeen waxaa suurtaga shay in meydka Carruurta laga soo saaro Barkada ay ku dhaceen,iyada oo isla Ma anta degmadaasi lagu Aasay.

Dhacdooyinka la xiriira in Carruur ama dad waaweyn ay ku dhacaan Barkad ay Biyo ka dhaaminayaan ayaanan aheyn wax ku cusub Soomaaliya,iyada oo dhowr mar ay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

TALIYAHA CIIDANKA BADDA OO DIGNIIN U DI RAY MARAAKIIBTA SHISHEEYE

Taliyaha Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Admiral Cabbaas Amiin Cali ayaa ka warbixiyay dib u habeynta balaaran oo lagu sameeyay Ciidamada Badda.

Admiraal Cabbaas ayaa tilmaamay in lab adii bil ee u dambeysay hoggaanka ciidanka badda oo kaashan

aya taliska ciidan ka Xoogga ay sameeyeen qorshooyin muhiim ah oo lagu dardargalinayo shaqooy inka ciidanka badda. "Anaga oo fulineyna ma suuliyadda uu Madaxweynuhu noo igmaday iyo tilmaamaha na horyaala waxaan bilaawnay in aan dib u habeyn ballaaran ku sameyno ciidanka oo ay ka mid yihiin qalabeyn iyo tababarro”.

Taliyaha Ciidanka Badda ayaa sheegay in qalabeynta iyo dib habeynta ciidanka ay gacan ka gey sanayaan qaar ka mid ah dowlaha taageera Soomaaliya. Waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in si deg deg ay u soo celin doonaan shqooyinkii looga bartay ciidanka Badda.

Ugu dambeyn Admiraal Cabbaas Amiin Cali ayaa adkeeyay in aan marnaba loo dul qaadan doonin cidkasta oo ku soo xadgud ubta Biyaha Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray in talisku uu fursad ay siinayo dhallinyarada Soomaaliyeed oo daneyneysa in ay ku soo biiraan Ciidanka Badda.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO KULAN GAAR AH LA QAATAY DONALD YAMAMOTO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku yimid Magaalada Kismaayo.


Labada Masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyadoo safiirku Madaxweyna ha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Ari maha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

waxaa kale oo laga wada hadlay ari maha doorashooyinka iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman.

DOWLADDA IIRAAN OO SHURUUD KU XIRTAY INAY WADA HADLAAN MAREYKANKA

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani waxa uu shalay sheegay inay Maraykanka la bilaabi karaan Wadaxaajood, haddii ay dalkiisa ka qaadaan Cunaqabataynta saa ran.

Hadalqoraal oo uu soo saraay oo laga baahiyey Telefishinka Iiraan ee ku had la Afka Englishka ee PRESS TV waxa uu Madaxweyne Xasan Ruuxaani sheegay inay furan yihiin Albaabadda Wadaxaajoodka, lo ona baahan yahay inay Maraykanka qaadaan Cunaqabataynta iyo inay xaqiijiyaan ballamada ay qaadaan.

Dhinaca kale, Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka, John Bolton waxa uu ku eedeeyey Iiraan inay ku lug lahaayeen weer arkii bishan lagu qaaday Maraakiibta shidaalka ee marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Imaaraadka.

Dowladda Iiraan waxay horey u beenisay Eedeyntaasi.

HAWEENEY SOOMAALI LAGU JIRDILAY XABSI KU YAALLA NEW ZEALAND OO LA SIIYEY MAGDHOW…

Haweeney Soomaali oo lagu magaca abo Asha Ali Abdulle ayaa la siiyey qeyb ka mid ah la cago mag dhow oo loo qoon de eyey, kadib, ma rkii lagu jirdilay Xabsiga.

Haweeneydaasi w


axay soo dhamaysatay xabsi 9sanno ah oo ay ku muteysatay Afdu ub ay u geysatay Diyaarad nooca yar oo 19ka kursi leh bishii Feberaayo 8dii ee san nadkii 2008dii, waxaana Xabsiga laga sii daayey bishii Feberaayo ee sannadkii 2017kii.

Diyaaradaasi waxaa lahayd Shirk adda Diyaaradaha ee Eagle Flight, waxayna xilligii la afduubanayey isaga kala gooshay say magaallooyinka Blenheim iyo Christ church ee dalkaasi.

Maxkamad ku taalla magaalada Christ church waxay Isniintii la soo dhaafay ku dha waaqday in Haweeneydaasi magdhow laga siiyey dhibaatadii jirdilka ee loogu geystay Xabsiga muddadii ay xirnayd.

Waxay dhaawacyo ka soo gaareen gacmaha, mana awoodo inay shaqsi ahaan soo xaajogudato Suuliga ama ay Shaawar ka ku soo qubeysato.

Haweeneydaasi oo ay Dhakhaatiirta horey u sheegeen inay qabto dhibaato mas kixiyan ayaa waxaa la sheegay in laga ya abo in la siiyey ilaa 15,500 Dollar oo ka mid ah Kharajka guud ee magdhowgii loo xukm iyey oo dhamaa 25,000 oo Dollar.

Shabakadda Wararka ee stuff.co.nz ee ka soo baxa dalka NZ ayaa qoray in hal Du uliye iyo saddex qof oo rakaab oo ka mid ahaa Dhibanayaashii Diyaaradda la afduub tay sheegteen magdhow.

Duuliyaha oo mindi looga dhaawa cay suulkiisa ayaa dalbaday magdhow dhan 146,341 Dollar, balse waxaa magdhow loo siiyey 5,000 oo Dollar, halka saddex qof ee rakaabka ee Dhibanaha ahaa la siiyey min 1,500 oo Dollar.

Dhinaca kale, Maxkamad waxay go’aa misay inAsha Ali Abdulle la siiyo 15,500 oo Dollar oo ah Lacagtii ka soo hartay kharajkii guud ee la kala siiyey Duuliyaha iyo Dhibanayaasha kale.

Asha Ali Abdulle oo dalka NZ tegtay san nadkii 1994kii, waxay ku noolayd, kana sha qeysan jirtay magaalladda Blenheim, wax aana la sheegay inay ahayd qof ka xanuu nsan dhimirka.

MADAXWEYNE WAARE OO KALA DIRAY HAY’ADDAHA GARSOORKA GOBOLKA HIIRAAN

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku su gan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Hiir aan ayaa waxaa uu kala diray xubnaha Hay ’addaha Garsoorka Gobolka Hiiraan.

Wareegto ka soo baxady Xafiiska Mada xweyne Waare ayaa waxaa lagu kala diray dhammaan xubnihii Hay’addaha garsoorka Gobolkaas Sidoo kale Wareegtada ayaa wa xaa lagu xusay sababta loo kala diray Gar soorka Hiiraan,isla markaana waxaa lagu sh eegay inay tahay baahi loo qabo in dib u he yn la sameeyo.

Madaxweynaha Hirshabeeelle Maxa med Cabdi Waare ayaa Wasiirka Cadaalad da iyo Arrimaha garsoorka Hirshabeelle far ay inuu dib uu soo dhiso Garsoorka Gobolka Hiiraan,iyadoo loo maraayo habraacyada Sharciga waafaqsan.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Waare.


SAFIIR CUSUB OO LOO MAGACAABAY SACUUDI CARABIYA IYO KUWO KALE OO LOO YEERAY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cab dullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu mag acaabay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u matali doona Boqortooyada Sucuudi Car abiya.

Md. Cabdixakiin Xasan Ashkar ayaa loo magacaabay in uu noqdo Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Boqortooyad Sacuudiga.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u yeeray danjireyaasha Soomaaliya u mat ala dalalka Suudaan iyo Jamuuriyadda Carb eed ee Masar,kuwaasi oo lagu amray iney si deg deg ah dalka ugu soo laabtaan muddo hal isbuuc ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha JFS Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Mak kah Almukarramah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo uu ka furmi do ono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

RW KHEYRE OO KORMEER KU TEGAY DHOWR ISGOYS OO KU YAALLA MUQDISHO

R/Wasaaraha (XFS) Md. Xasan Cali Khayre, ayaa habeen hore kormeer kedis ah ku teg ay baraha ay waddooyinka Muqdisho uga suganyihiin ciidamada amniga ee sugaya amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Kormeerka ayuu qorshihiisu ahaa in Ra’ iisul wasasaruhu u kuur galo sida ay u soc daan howla amni sugidda ee ciidanku wad aan iyo in ciidanka uu ku dhiirri geliyo dad aalka ay ugu jiraan ilaalinta amniga maw aadiniinta iyo hantidooda.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa maray dham maan baraha ciidamadu ay ku leeyihiin wad dooyinka Warshadaha, Sodonka, Wadnaha iyo Maka Almukarrama.

Kormeerka kadib ayuu Ra’iisul Wasa aruhu kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka gobalka Banaadir, waxa uuna la wadaagay xogtii uu soo helay intii uu kormeerka ku jiray, isaga oo faray in la dardargeliyo dadaallada lagu sugayo am niga iyo in loo nuglaado shacabka amnigo oda la sugayo.

DOWLADDA MASAR OO LOO GACAN GELIYEY NIN AAD LOO BAADIGOOBAYEY

Telefishinka Dowladda Msaar waxa uu saaakayto shaaciyey in Dowladda Masar loo soo gacan geliyey nIn la sheegay inuu yahay Ninka ugu sarreeya Kooxaha Argag ixisadda ee dalkaasi.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Hishaam Alashmaawi, oo loo yaqaanoAbu Cumar Almujaahir ayaa waxa lagu eede ynayaa inuu ka dambeeyey dhowr weerar oo ka dhacay Masar iyo Hawlgalo Khaarajin oo loo geystay Sarkaal Sare oo ka tirsan Do wladda Masar.

Diyaaradii lagu soo qaaday Eedeysana haasi iyo nin ilaaliye u ahaan jiray oo laga soo qabtay dalka Liibiya waxaa laga dejiyey Garoonka Calaamiga ee magaalladda Qaahira.

Hishaam Alashmaawi Abu Cumar Almu jaahir oo dabayaaqadii sannadkii hore lagu qabtay magaalladda Derna ee dalka Liibiya, waxa uu horey uga ahaa Sarkaal sare oo ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee dalka Masar, wuxuuna sannadkii 2000 ka qalin jebiyey Ku lliyadda Milliteriga ee dalkaasi.

Dowladda Masar waxay sheegtay inuu Hishaam Alashmaawi Abu Cumar Almujaahir madax ka ahaa Shabakadda Ans aar Alislaam, waxaana isagoo ka maqan la gu xukumay dil, kadib, markii lagu helay in uu ku lug lahaa dilkii 22 ka tirsan Askarta Ila aladda Xuduudaha Masar oo sannadkii 2014kii lagu dilay xuduudka Liibiya.Soodh iibistiisa ayaa timid, kadib, markii uu Madaxa Hay’adda Sirdoonka Masar, Cabaas Kam aal tegay magaalladda Benqaasi ee dalka Liibiya, halkaasi oo uu kula kulmay Taliyaha Ciiddanka Bariga Liib iya, Khaliifa Xaftar.

DAD KU DHINTAY SHIL GAARI OO KA DHACAY DULEEDKA GAROOWE

Shilkaan gaari ayaa waxaa uu xalay ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ee Gobolkaas,waxaana uu sababay dhimshada laba Dhalinyaro aheyd oo mid ka mid ah Gawaarida shilka gashay saarnaa.

Shilka-696x634 Shilka ayaa ka dambeeysay,kadib markii Gaari nooca xamuulka qaado ah oo ka tegay Magalada Garoowe uu dusha ka maray Gaari nooxa Raaxada ah oo ka yimid dhinaca Magalada Khardho,waxaana ku geeriyooday laba Wiil oo lagu kala Magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Diiriye iyo Cabdi Rashiid Yaasiin.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in gaariga yar oo ay saarnaayeen laba Dhalinyarada ahaa ee geeriyootay uu hadana shilka kadib dab xoogan uu ka kacay,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay arkayeen gaariga oo holcaya taas oo keentay in Dhalinyarada loo gurman waayo.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ilaalada wadooyinka ayaa Warbaahinta u sheegay in qof ay uga shakisan yihiin in uu yahay Shaqsigii waday Gaariga nooca Xamuulka qaado ah ay ku qabteen Mgalada Garoowe,isla amarkaana ay baaritaano ku sameynayaan.

Sanadihii u dambeeyay ayaa shilalka Gaari ee sababa dhimashada iyo dhaawaca waxaa ay kusoo bateen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland iyo Soomaaliland,iyada oo bilihii u dambeysay ay ka dhaceyn in ka badan 10 Shil.

DHUG U YEELO FADLIGA 10 KA DANBE EE RAMADAAN

Walaalayaal Illaahay wuxuu inagu manaystay gallado faro badan oo aynaan soo koobi Karin tirina karayn waxa ugu sii weyn nimcadaas iyo galaddaas nimcada Islaamni mada, waa tee nimcada ka wayni in Illaahay inaga dhi gay ummadda ugu khayr badan ummadaha adduunka loo soo saaray ama lagu abuuray kamana suuli doonto nimcada Illaahay inay sidaas inoogu socoto.

Waxa ka mid ah nimcooyinkiisa inuu ina siiyey waqt iyo aynu ka faa’iidaysano fadaa’ishiisa iyo denbi dhaa fkiisa iyo raxmadidisa oo aynu iskaga khafiifino dun uub badan oo aynu galnay iyo dunuub badan oo culaysi say garbaheena haddii aynu waqtiyadaas ka faa’iiday sano waxaynu soo baxaynaa inagoo zero ama eber ka ah dunuubteenii, sida uu inoo cadeeyey Rasuulkeenu scw waana nimco wayn oo aynaan siinin qiimaheeda iyo qadarinteeda ay mudnayd in la siiyo.

Nimcooyinkaas waxa ka mid ah Ramadaanta bishani waa bisha ugu khayr badan billaha Illaahay abuuray, iy ada lafteeda waxa ku sii jira tobanka habeen ee ugu dan beeya oo si gaar ah u sii fadli badan.

Illaahay wuxuu yidhi: Qur’aanka anagaa soo dejinay habeenka laylatul qadri maxaa ku ogaysiiyey wuxuu yah ay habeenka laylatul qadri. Waa habeen ka khayr badan 1000 bilood, malaa’iigtaa soo degta iyo malaku Jibriil ha beenkaas gudihiisa ogolaanshaha ilaahay, nabad gelyo habeenkaas ha ahaato ilaa waagu ka beryayo.

Waa habeeno qaali ah oo qiimi badan Rasuulkuna wuu dedaali jiray habeenadan dedaal aanu habeenada kale samayn ayuu samayn jirxd ay.

Caa’isha waxay tidhi: marka uu soo galo tobanka danbe ee Ramadaan wuxuu ahaa Xabiibkeenu scw habeenkii wuu noolayn jiray ehelkiisana wuu toosin jiray gunt igisana wuu adkaysan jiray.

HABEENKII AYUU NOOLAYN JIRAY.

Macaneheedu waxa weeye habeenkii ayuu daacad iyo cibaado ku soo jeedi jirray iyo salaad xadiis kale ayay caa’isha tidhi Rc: weligay maan arag Rasuulka oo bil wada soomay oo quraanka wada akhriyey habeen keliya ilaa waagu ka beryey Bisha Ramadaan mooyee !

Habeenka ayuu noolayn jiray waxa ay noqonaysaa habeenka badidiisa cibaado ayuu ku so jeedayey maaha habeenka oo dhan, waayo wuxuu dhexgelin jiray suxu urta iyo waysadiisa markaa waa habeenka badidiisa,

EHELKIISA AYUU TOOSIN JIRAY

Xaasaskiisa ayuu xabiibku toosin jiray si ay ugu toos aan cibaabada sida la ogyahayna waqtiyada kaleba wuu u toosin jiray ehelkiisa cibaadada laakiin tobanka danbe ee Ramadaan wuu ka sii badin jiray dedaalka dhiiri gelin ta reerihiisa.

Habeen ayuu kacay Xabiibku scw markaasuu yidhi :subxaan Allaah maxaa habeen hore la soo dejiey fitnooyin maxaa la soo dejiey khaznado yaa toosiya kuwa maqsi nadan jiifa ! markaasuu sii raaciyey oo yidhi scw: bad anaa inta adduunyada dhar gashan oo lebisan oo aak hiro qaawan,.

Sanadkii oo dhan wuu toosin jiray reerihiisa laakiin tobanka danbe ee Ramadaan si gaar ayay uga dhex muuuqdeen oo uga suntanaayeen habeenada intoo da kale.

Ficiladiisa noocan ah ee uu sameenayey Rasuulke enu waxay inoo sheegaysaa muhiimada uu siinayey cib aadada Alle iyo daacadiisa habeenadan tobanka ah iyo sida uu inoo barayey inaynu ka faa’iidaysano waqtiyadan qiimiga leh.

Qofka muuminka ah waxa ku haboon inuu habeen adan kaga daydo sidii uu u dhaqmi jiray xabiibkeenu scw, dedaalka iyo u orodka cibaadada iyo daacada oo ayn aan dayicin saacad ka mid ah habeenadan iyo maal mahan, waayo magaran doono in habeenadani dib inoo soo mari doonaan oo sanadka danbe aynu gaadhi do ono ama uu ina dhufan doono macaan gooyuhu geeridu oo ah ka qofka adduunyada ka qaada waana saacada uu qofku ka tiiraanyoon doono inaanu waqtiga ka faa’ida ysan jirin goor anaayn tiiraanyo waxba tarayn,

GUNTIGIISA AYUU ADKAYSAN JIRAY.

Kelmadan Caa’isha inoo sheegtay waxay la macne ta hay in aanu Rasuulkeenu scw habeenadan inuu ka fo gaan jiray haweenkiisii oo uu habeenada si gaara ugu qo ondayn jiray inuu daacada badiyo si uu inoogu tarbiy adeeyo habeenadan qaaliga ah ee mudan in wax kasta dhulka la dhigo oo loo jeesto daacada iyo cibaadada waayo habeenadan waxa ku jira habeen ka khayr badan 83 sano.

FADLIGA HABEENADAN TOBANKA AH.

Waxaa ka mid ah fadaa’isha tobankan danbe iyo wax yaabaha ku gaarka ah waxa ku jira habeenka laylatul qadri akhri suurada Al dukhaan 1-6 .

Waa habeenka Illaahay ku sifeeyey habeenkii barkaysan ee khayrka badan

Wuxuu kale oo Ilaahay ku sifeeyey habeen ka khayr badan kun billood

Wuxuu ku sifeeyey habenkii barkaysnaa, malaa’iigta ayaa soo degta.

Wuxuu ku sifeeyey Ilaahay swt habeenka salaam ama nabad gelyada.

Habeenkan wuxuu Illaahay sheegay in arrin kasta oo xakiima la xukumo ama la kala saaro.

Waxa ka mid ah Ilaahay ayaa u denbi dhaafa cidii hab eennadaas istaaga iyagoo ilaahay daacadiisa wada.

Waxa ku jira habeen haduu Illaah inaga aqbalo ka khayr badan kun bilood oo u dhigma 83 sano.

Waa inoo markale iyo fadliga tobanka danbe ee Rama daan Allena ha ina waafajiyo khayrkeeda.

Qalinkii: Hussein Jama Guudcade,

Diintuwaanasteexo1@gmail.com

Himilomedia.com / Hargeysa-Somaliland

Fadlan akhrisyaasha sharafta badan waxaan ku wargeyilineynaa in ay daruusta diiniga ah ee qiimaha badan ka ilaaliyaal in ay dhigaan meelaha aan ku ahbbooneyn ee nijaasada iyo wasaqda ah

mahadsanidiin


BOGGA CAYAARAHA

MOHAMED SALAH OO SHARAXAAD BUUXA KA BIXIYAY WAXA UU KA RAJAYNAYO FINALKA CHAMPIONS LEAGUE SI UU QALBI JABKII SANADKII HORE ISKAGA TIRTIRO.

Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkii hore qalbi jab kala kulmay finalkii UEFA Champions League ee Real Madrid kadib markii uu dhaawac wayni soo gaadhay.

Mohamed Salah ayaa aad ugu faraxsan in uu helay fursad kale oo uu kaga soo muuqan doono finalka UEFA Champions League sanadkii labaad oo xidhiidh ah wuxuuna markan rajaynayaa in uu ciyaarta nabad galyo ku dhamaysto.

Liverpool ayaa isku dayi doonta in ay khibradii xili ciyaareedkii hore ee guuldaradii Real Madrid u adeegsato finalka xili ciyaareedkan ee ay sabtida Tottenham la ciyaari doonto.

Mohamed Salah oo waraysi siiyay BeIN Sports ayaa yidhi: "Anigu aad ayaan ugu faraxsanahay in aan haysto fursada aan final kale ku ciyaarayo. Waxaan rajaynayaa in aan waqtigan kulanka oo dhamaystiran ciyaari karo”.

"Anigu taas ayaan ugu faraxsanahay. Waxaan rajaynayaa in aanu sixi karno wixii xili ciyaareedkii hore dhacay, oo aanu natiijo fiican heli doono isla markaana aanu tartanka ku guulaysan doono” ayuu Salah hadalkiisa raaciyay.

Mohamed Salah ayaa la waydiiyay haddii uu ku riyoonayo in uu dhaliyo goolka guusha ee Liverpool ku qaadi karto koobkan wuxuuna ku jawaabay: "Maya, riyo kaliya ma aha, waxaan rajaynayaa in ay xaqiiq noqoto oo aan finalka gool ka dhaliyo”.

” Kadib aan sidoo kale ku guulaysto koobka qaramada Afrika. Kani waa finalkayagii labaad oo xidhiidh ah, midkii kowaad waanu guuldaraysanay, laakiin waqtigan wax walba way ka dareen fiican yihiin isla markaana khibrad ka badan ayaanu leenahay markii ugu danbaysay” ayuu Mohamed Salah hadalkiisa ku sii daray.


Mohamed Salah oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: "Wanaag ayaanu ka rajaynaynaa isla markaana waqti ayaanu si fiican ugu diyaar garownay Spain dhexdeeda. Waxaanu ku soo laabanay Liverpool, waxaanu dareemaynaa in aanu dhiiro gashanahay ka ciyaartoy ahaan iyo ka shaqaale tababare ahaanba”.

"Waxaan rajaynayaa in waqtigan aanu ku guulaysan doono. Diyaar garow fiican ayaanu ku soo qaadanay Spain, wax fiican ayay ahayd in aanu halkaas ku diyaar garownay. Hadda kooxdu jidh ahaan xaaladii ugu fiicnayd ayay ku jirtaa. Sidaa daraadeed, waxaan rajaynayaa inay faa’iido noo noqoto finalka”. ayuu Salah hadalkiisa ku soo xidhay.

RASMI: EDEN HAZARD OO XAQIIJIYAY INUU KA TAGAYO CHELSEA KA DIB MARKII UU KOOBKA EUROPA LEAGUE KU MACSALAAMEYAY

Xidiga xulka qaranka Belgium iyo kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa jamaahiirta kooxdiisa Blues ka xumeeyay farxadii koobka ay ku guulaysteen ee UEFA Europa League kadib markii uu ku dhawaaqay in uu gaadhay go’aanka bixitaankiisa.

Markii ay soo dhamaatay ciyaartii finalka Europa League ee uu Eden Hazard labada gool ka dhaliyay waxa uu la hadlay saxaafada wuxuuna ugu danbayn si cad ugu dhawaaqay go’aanka bixitaankiisa.

Eden Hazard ayaa cadeeyay in uu hadda sugayo inta ay kooxaha Chelsea iyo Real Madrid heshiis ka gaadhayaan wuxuuna xusay in uu dhawr todobaad ka hor go’aankiisa bixitaanka u gudbiyay Chelsea.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip