Man United oo la wareegtay hogaanka, Man City oo lagu dur duriyay iyo Arsenal oo badisay (Sawirro)

0
Sunday September 27, 2015 - 10:14:27 in Sports News by
  • Visits: 1169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United oo la wareegtay hogaanka, Man City oo lagu dur duriyay iyo Arsenal oo badisay (Sawirro)

    Kooxda Manchester United ayaa markii u horeysay qabatay hogaanka Premier League, labo xilli ciyaareed kadib, iyadoo hogaanka ugu dambeysay xilligii ay ku guuleysatay Horyaalkii xilli ciyaareedkii 2013/2014.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Manchester United ayaa markii u horeysay qabatay hogaanka Premier League, labo xilli ciyaareed kadib, iyadoo hogaanka ugu dambeysay xilligii ay ku guuleysatay Horyaalkii xilli ciyaareedkii 2013/2014. Manchester United ayaa 3-0 garoonkeeda Old Trafford uga badisay kooxda Sunderland, iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen Memphis Depay oo dhaliyay goolkii u horeeyay ee Horyaalka, Wayne Rooney iyo Juan Mata.

La wareegitaanka Hogaanka ee Manchester United ayaa ka dambeysay markii maanta duhurkii laga badiyay Kooxda Manchester City oo hogaanka u heysay horaalka, waxaana 4-1 uga badisay kooxda Tottenham Hotspur.

Tottenham ayaana ka soo kabatay gool looga hormaray daqiiqadihii hore ee ciyarta, waxaana ay dhamaadkii ciyaarta ay keensatay goolka bar baraha, iyadoo qeybtii labaad ay dhalisay saddex gool xiriir aheyd.

Manchester City ayaa guuldaradan u aheyd tii labaad oo isku xigta, iyadoo todobaadkii hore gurigooda loogaga badiyay, waxaana ka adkaatay kooxda Westham United.

Sidoo kale Kooxda Arsenal ayaa ka soo kabsatay guuldaradii todobaadkii hore ay kala kulantay Chelsea, waxayna 5-2 uga badisay KooxdaLeicester City oo soo gaartay guuldaradii u horeysay xilli ciyaareedkan.

Leicester City ayaa goolka ku hormartay, hase ahaatee Arsenal waxaa u bar bareeyay Theo Walcott, waxaana Alexis Sanchez uu dhaliyay goolasha loo yaqaano saddexleyda, waxayna ahaayeen goolashii u horeysay ee xilli ciyaareedkan iyo saddexdii gool ee u horeysay ee uu Kooxdiisa Arsenal u dhaliyay.

Goolka shanaad ayaa waxaa u dhaliyay Arsenal Giroud oo bedel ku soo galay, halka labada gool ee ay keensatayLeicester City u dhaliyay Vardy.

Kooxda Liverpool ayaa 3-2 uga badisay Aston Villa, waxaa Liverpool labo ka mid ah goolasha u dhaliyay Sturidge oo muddo dhaawac ku maqnaa.

Ciyaarihii kale ee maanta la ciyaaray waxaa ka mid ahaa Westham United iyo Norwich City oo ku kala baxay 2-2, halka Southampton 3-1 uga badisay Swansea, kooxdaStoke iyoAFC Bournemouth 2-1

Manchester United ayaa hogaanka u heysa waxay leedahay 16 dhibcood, Manchester City 15 dhibcood, Arsenal 13 dhibcood, Westham United 13 dhibcood Leicester City 12 dhibcood

ingiriiska (1) ingiriiska (2) ingiriiska (3) ingiriiska (4) ingiriiska (5) ingiriiska (6) ingiriiska (7) ingiriiska (8) ingiriiska (9) ingiriiska (10) ingiriiska (11) ingiriiska (12) ingiriiska (13) ingiriiska (14)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip