Madaxweynaha Galmudug ayaa wuxuu ugu baaqay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya inuu culeyska saaro arinta wada hadalka Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug, si loo soo afjaro Isfahan waaga ka dhex taagan labada dhinac.
"Mudane Madaxweynaha Dhuusamareeb culeys badan waa inaad saartaan oo wada hadal ah si loo xaliyo waxyaabaha taagan, Arinta Dhuusamareeb, waad og tahay waadna ka war haysaa waagii aan Cadaado ku sugneyn ee Maamulka la dhisaayay dadaalka badan ee aan ku bixinay.” Ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa u sheegay Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe inaysan qori caaradiisa waxba ku heleyn, Dowladdana ay dagaal kula jirto Shabaab, laakiin aanan loo baahneyn in Ahlu Sunna garab ay u noqoto Shabaab qorigooda Dowladda ku soo jeeda
"Qolada joogta Dhuusamareeb waxa ay u baahan yihiin wada hadal ayeey ku qaadanayaan, waa dhamaatay xilligii qori caaradiisa wax lagu qaadan jiray, Hadii ay wax tabanayaan Madaxweynihii waa kanaa, waxaan ogol nahay Miiska wada hadalka wixii ay ku helaan inaan ku siino, mar kale waxaan u sheegaynaa in arintaasi la soo afjaro oo caqliga uu shaqeeyo.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiir Odawaa oo ka hadlay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug oo uu shalay tagay.
Ahlu Sunna ayaa ka soo horjeeda Maamulka Galmudug, waxaana Ahlu Sunna ay ku dhawaaqeen Maamul gaar ah oo fadhigiisa uu yahay Dhuusamareeb.



0 



Wasiir Odawaa "Waxaan rabaa inaan u sheego Kooxda joogta Dhuusamareeb waa dhamaaday xilligii qoriga wax lagu qaadanaayay"
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federalka Somaliya Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen "Odawaa" ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii Koox hubaysan oo dalka ku sugan qori caaradiisa ay wax ku qaadan jirtay.