WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 9-KA FEBARAAYO 2016-KA

0
Tuesday February 09, 2016 - 08:51:14 in Wararka by
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 9-KA FEBARAAYO 2016-KA

    SUXUFIYIIN QABTAY KULAN BALAARAN OO AY UGA HORJEEDAAN GO'AANKII MAXKAMADA SARE Waxaa Shalay Magaaladda Muqdsiho lagu Qabtay kulan ballaaran oo ay ka qaybgaleen qayb aha warbaahinta dalka, kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqabiyeen Ururrrada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SUXUFIYIIN QABTAY KULAN BALAARAN OO AY UGA HORJEEDAAN GO'AANKII MAXKAMADA SARE Waxaa Shalay Magaaladda Muqdsiho lagu Qabtay kulan ballaaran oo ay ka qaybgaleen qayb aha warbaahinta dalka, kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqabiyeen Ururrrada NUSOJ, SIMAHA iyo Network 13, kaasoo looga soo horjeeday xukunkii Maxkamadda Sare ay daraad Ururka NUSOJ ugu xugmisay Cumar Faruuq Cusmaan.

Kulamo midkan oo kale la mid ah ayaa iyaguna ka dhacay Gobollada dalka qaar ka mid ah, iyadoo suxufiyiintii ka qaybgalay ay sheegeen in go’aanka maxkamadda sare uu yahay mid aan sharci ahayn oo lagu faragelinayo madaxbannaanidooda shaqo iyo hoggaankooda.

"Haddii xoog wax lagu xukumi lahaa Waxaa joogi lahayd dowladdii milateriga iyo kuwii kale ee ka dambeeyay, sidaa awgeed guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Waxaa ka dhageystay in uu ka Qaybgalay Xaflad loo sameynayey Boqoradda Ingiriiska Hooyadeed, marka isagaa mudan in meesha laga qaado oo howlaha shaqo laga fariisiyo,” ayuu kulanka ka sheegay, Axmed Ciise Guut aale oo ah Agaasimha Idaacadda Mustaqbal FM.

Sidoo kale, Waxaa Kulankii shalay ka Hadlay Agaasimaha Idaacadda Danan, Maxamed Barre Fiyoore ayaa yiri. "Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Muddadii uu xilka hayay wuxuu ahaa shaqsi u gurmanayay bahda saxaafadda Somalia, kan dhaawaca ah dhiiggiisuu u shubayay, kan dhintay qoyskiisu qaaraanka ayuu u soo ururinayay, kan xiran xabsiguu ku booqnayay, isla mar kaan ku qaylinayay in la siidaayo. Marka mas’uulka sidaa uga warqaba Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay aa shalay la yiri xilkaas ma mudnid, marka gudoomiyaha maxkamadda sare waa qof aan wax oge yn… waxaana la yaab leh maxaa mar waliba u guuleystaa xukun kasta oo uu qareen ka yahay Avv. Tahliil, taasi waxay u baahan tahay fiiro gaar ah iyo baaritaan.”

"Waa xukun aan la yaabay, Waxaanan ku Tilmaami karnaa Madaxii oo Mijihii loo rogay, wax aan arki jiray xukun laga billaabo heer hobolka oo mara Darajooyin dhowr ah, sidoo kale, waxaan la yaabay, waxaan arkii jirey xukun labada dhinac la dhagsysto. Xaqiiqdii muddo dheer ayaan saxaafa dda ku jiray waligey ma arag Cumar Faaruuq, sidaas awgeed waxaan ku talinayaa in xukunka dib lo og laabto,” ayuu isna yiri C/naasir Xirsi Iidle oo ka mid ah wariyayaasha Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Waxaa isagana kulankaas ka hadlay C/fataax Xasan oo ku hadlayay magaca Wariyeyaasha Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna yiri. "Waxaa mar walba nala so xiriirayay Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo Wax naga Weydiin jiray Xaaladdeenna.”

"Xukunka Maxkamadda Sare, Wuxuu kusoo beegmey xilli sharciga Saxaafadda Dalka la ansi xiyay; Soomaaliduna waxay tiraahdaa madax meel ka sarreysa oo la salaaxo ma jirto, waa meeshii aan isla lahayn xaquuq badan oo naga maqan ayaa ku heli doontaan in sidan loo dhaqmo waa mid nasiibdarro ah,” ayuu yiri Agaasimaha Radio Xurmo, Cabdifitaax Macalin Nuur (Qays) oo ka mid ah aa xubnihii hadalka ka jeediyay kulanka.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo isaguna hadal ka jeediyay kulanka suxufiyiintu isugu yimaadeen ayaa yiri. "Xukunkaan waa mid aanan waafaqsanayn dastuurka dalka, waayo qodobka 107aad ee Dastuurkeennu wuxuu qorayaa in xukun kasta oo maxk amadeed waxaaa sharci ah inay labada dhinac goobjoog ahaadaan, dacwadoodana la dhageysto, sidoo kale Qoraalka Xukunka waxaa ku Qoran in NUSOJ la aasaaasay sannadkii 2005kii, taasna waa mid aanay waxba ka jirin, laakiin NUSOJ waxaa la Aasaasay Sannadkii 2002kii; marka waa Aay aandarro in Guddoomiyha Maxkamadda Sare oo Waxqabkeyga og, Gaar ahaan Markaan ka Qaylin ayay Xukunkii C/casiis Koronto oo aan dhowr jeer la kulmay guddoomiyaha maxkamadda Sare ee dalka, Anigoo ah Xoghayaha Guud ee NUSOJ, haddaba su’aashu waa maxaa isbedelay.”

Afhayeenka Daladda SIMHA, Ismaaciil Khaliifa oo isna kulankii shalay hadal ka jeediya ayaa is na yiri. "Waxaanu u soo jeedinayaa Dowladda Somalia, gaar ahaan madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha inay degdeg wax uga qabtaan xadgudubkaan lagu sameeyey Saxaafadda Soomaaliyeed, sidoo kale marnaba ma yeelanayno in nalagu jujuubo ruux aan ognahay wuxuu u geystay saxaafadda Soomaaliyeed, waxaan filaynay xukun midkaan ka duwan, balse ma dhicin.”

Ugu dambeyn, Dhamaan Suxufiyiintii shalay Kulamada kala duwan ku qabtay inta badan gobollada dalka ayaa waxay si wadajir ah uga soo horjeesteen xukunkii Makxamadda Sare ee dalka ay go’aanka uga gaartay Hoggaanka Ururka NUSOJ.

BAARLAMAANKA OO XUKUUMADDA DIB UGU CELIYAY GOLAHA ADEEGA GARSOORKA

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay xarunta golaha shac abka ayaa Xukuumadda dib ugu celiyay xubnaha golaha adeegga garsoorka, si loo soo dhameystiro, iyagoo dhankale ka dooday wax ka badal lagu sameynayo xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kulanka baarlamaanka ee shalay oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayna goob joog ka ahaayeen kuxigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka ayaa kulankii shalay waxaa soo xaadiray 142 mudane.

Ajandayaasha kulankii shalay oo ay ku jirtay golaha adeega garsoorka ayaa mudanayaashii shirka ka hadlay waxa ay ka soo horjeesteen in ajandahaasi laga hadlo sababo oo ay ku sheegeen in sharciyan aysan dhameystirneyn golaha adeega garsoorka oo laga rabay inay noqdaan 9xubnood, balse baarlamaanka la horgeeyay oo kaliya shan xubnood.

Dood dheer kadib Guddoomiyaha Baarlamnaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jaw aari ayaa sheegay in ajandaha laga saaray golaha adeega garsoorka, isla markaana dib loogu Celina yo Xukuumadda Soomaaliya, si ay u soo dhameystirto golaha adeega garsoorka.

Guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka ee Xildhibaanada oo qadarina ya habsami u socodka howlaha golaha shacabka waxa uu soo jeediyay in Qodobka 28aad Farqad iisa 1aad ee xeer hoosaadka oo u qorneyd sidan "Aqlabiyada tirada guud ee xubnaha golaha noqon eysa guntanka oo ah tirada kooramka 50+1,”

In loo qeexo sida soo socoto

Haddiise dastuurka Federaalku ama xeer hoosaadka golaha shacabka si kale loogu xusin:

Markii ay codeyn jirto guntanka golaha shacabka waxa uu ku ansaxayaa aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka (50+1)

Haddiise aan codeyn jirin guntanka (kooramka) waxa uu ku furmayaa (1/3) saddex meelood meel tirada guud ee xubnaha golaha shacabka.

Mudanayaasha ayaa ka dooday, iyadoo qaarkood ay soo jeediyeen in qodobkaasi aan waxba laga badalin, halka kuwa kale ay taageersanayeen wax ka badalka lagu sameynayo Qodobka 28aad farqadiisa 1aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka.

C/QAADIR MACALIN NUUR "MARKA ANAGAA GACANTA KU HAYNA GURI AY KU JIRAAN CADOWGA AYAAN KU HAREERAYSANAHAY”.

Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa waxa ay ka hadleen la wareegitaanka ay la wareegeen shalay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Jeneraal C/qaadir Macalin Nuur Abaanduulaha Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Somal iyed, ayaa sheegay ciidamada inay dhowr jiho ka galeen Magaalada Marka, ayna si buuxda ula ware egeen.

Wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan hal Askari oo nool oo ka tirsan Ururka Shabaab, waxaana uu sheegay hada ciidamada inay ku hareeraysan yihiin guri ku yaallo Magaalada Marka oo ay ka buuxaan Shabaabka sida uu yiri.

Jeneraal C/qaadir ayaa sheegay Shabaabkii ku sugnaa Magaalada Marka inay u carareen dhanka Jilib Marka, islamarkaana iyaga oo naf la caari ah ay sii cararayaan.

Wuxuu tilmaamay Magaalada inay u dejiyeen qorshe cad oo dhanka Millateriga ah, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin Qorshahaasi nooca uu yahay, balse waxa uu tilmaamay shacabka Magaa lada Marka inay ku soo dhaweeyeen duleedka Magaalada ciidamada oo ay u sacabo tumayeen.

"Nin ayaan ka haynaa guri ay ku jiraan ayaan hada ku hareeraysan nahay si Khasaare uusan uga dhalan si taxadar leh ayeey ciidamada u galayaan, qaarkood nimanka dharkii ciidanka ayeey iska dhigeen iyo hubkii Magaalada ayeey ku dhuumaaleysanayaan” Ayuu yiri Jeneraal C/qaadir Maca llin Nuur oo la hadlay Idaacada Codka Ciidamada ee Radio Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa xaqiijiyay in Shabaab ay miinooyin badan geliyeen meelo ka mid ah Maga alada Marka gudaheeda, laakiin si taxadar leh ciidamada ay u baarayaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Marka laga helaayo, ayaa sheegaya in Magaalada ras aas ay ka dhaceyso, waxaana Magaalada ku wada sugan ciidamada Xooga dalka Somaliyed iyo mal eeshiyo beeleed hubaysan oo qayb ka ahaa dadkii ka saaray Magaalada Shabaabka.

WASIIR JANGELI OO SHEEGAY INAY SUURTAGAL TAHAY IN LA SII DAAYO QAAR KA MID AH DADKA U XIRAN QARAXII DAALLO AIRLINES.

Cali Axmed Jaamac (Jangeli), Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya oo markale ku celiyay in tiro dad ihi loo soo xir xiray dhacdadii diyaaradda Daallo Airlines, ayuu shee gay inay suurtagal tahay in dadkaasi qaarkood la sii daayo.

Wasiirka, ayaa sheegay in dadka la xir xiray uu tuhun soo galay, waxaana dhici karta buu yiri in qaar ka mid ah wax dembi ah lagu waayo, ayna iska sii dayaan hay’adaha amniga ku shaqada leh.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay inay macquul tahay dadka xiran in qaarkood lagu helo tuh unka soo galay, loona Maxkamadeeyo doorkii ay ku lahaayeen qaraxii la saaray diyaaradda.

Wasiiirka waxaa uu hoosta ka xariiqay in wax kastaa ay kala cadaan doonaan, marka ay laam aha ammaanku soo gaba gabeeyaan baaritaanada, ay weli gacanta ku hayaan, sida uu yiri.

Wasiirka oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa qiray in qaraxaasi uu saamayn ku yeeshay hawlihii shaqo ee ka jiray Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho.

Mr. Jangeli, ayaa ballanqaaday inay ka feejignaan doonaan mid lamid ah dhacdadii lagu qarxi yay diyaaradda Daallo, si ammaanka Garoonku uu u noqdo mid la’isku halleen karo.

Dhacdadan, ayaa waxaa u xiran in ka badan labaatan ruux. Dadka xiran waxay u badan yihiin xubnihii ka shaqaynaayay Garoonka Magaalada Muqdisho.

SPAIN OO DHABARKA KA JABISAY KOOX LALA XIRIIRINAYO IS.

Booliska dalka Spain ayaa xiray todoba ruux oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin Ururka Dacish iyo ururo kale oo ah kuwa jihaad doonka ah.

Sida ay sheegeen saraakiisha kooxdan ayaa lagu qabtay howlgalo ay ciidamada amaanka ka fuliyeen magaalooyinka Valencia iyo Alicante ee dhaca dhinaca xadka ay Spain la wadaagto waqooyiga Africa.

Booliska ayaa sheegay in kuwa la qabtay ay taageero dhinaca sahayda ah u fidiyeen kooxo argagixiso ah oo ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq. Waxa kale oo ay sheegeen in ninka mada xda u ah kooxda la qabtay ay Daacish weydiisatay inuu usoo diro haween dalalka ay maleeshiyaad kooda ka dagaalamaan.

Afar ka mid ah dadka la qabtay ayaa heysto dhalashada Spain hase yeeshee asal ahaan ka soo jeeda dalalka Urdun, Morocco iyo Suuriya. Halka abada kale ay yihiin muwaadiniin u kala dha shay Morocco iyo Suuriya.

Saraakiisha wax war ah kama aysan bixin qofka todobaad ee ka tirsan ragani la qabtay.

Baaritaankan oo wali socda ayaa waxaa la bilaabay sanadki 2014, waxaana booliska Spain ay qeexeen Naqshada dibadda Daacish ee dhulka Spain.

DEGAANO HOOS TAGA MAAMULKA GALMUDUG OO LAGA HELAY OIL, DAHABKA MADOW IYO MACDAN KALE..

Degaanada Baxdo, Bacadweyn, Wisil iyo Gawaan oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Galgaduud ayaa lagu arkay macdan kala duwan oo ay ka mid yihiin Olyo iyo Dahabka Madow sida ay sheegayaan wafdi khubaro ah oo maalmahaan halkaasi booqasho ku joogay.

Magaalada Wisil ayaa lagu arkay Olyada nooca loo yaqaano Oil Seeps isla markaana bannaanka u soo baxday iyadoo carrada taala meelaha ay Olyadu ku jirto ay qoyan tahay balse u baahan in la war shadeeyo.

Sida uu sheegay mid ka mid ah wafdiga booqanaya degmada Hobyo ayaa sheegay in degaan ada kale ee ay booqdeen ay ku arkeen dahabka madow oo isna bannaanka u soo baxaya.

Mas’uulkaan oo lagu magacaabo Cadi Abshir Dhoore kana mid ahaa wafdi ganacsato ah oo isagu booqday degmada Hobyo ayaa tilmaamay in gobolada uu ka taliyo maamulka Galmudug uu qani ku yahay kheyraad kala duwan.

SHIR MAGAALADA NAIROBI UGA FURMAY TALIYEYAASHA DALALKA CIIDAMADA AY KA JOOGAAN SOMALIYA..

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa goor dhaweyd ka furmay Shir ay isugu yimaadeen Taliyeyaasha dalalka ciidamada ay ka joogaan gudaha dalka Somaliya.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalaya Wakiilada UN,AU iyo sidoo kale Guddiga Isku Xidhka Howlgalka Amisom, waxaana muhiimada Shirka ay tahay in la iska wareysto xaalka ciidanka Amisom.

Saraakiisha ciidamada dalalka ay ka joogaan gudaha dalka Somaliya ayaa iska xaal wareysan doona xaalada dalka Somaliya iyo ciidamada jooga gudaha dalka ee dalalkooda ka socda iyo qaabka hada uu ku socdo Howlgalka Amisom.

Ujeedka Shirkaan ayaa ah qiimeyn lagu sameynaayo howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya iyo sidii loo ballaarin lahaa, maadaama ciidamada Amisom Somaliya ay u joogaan la dagaalanka Shabaab.

Lama oga in Shirka lagu soo hadal qaadi doono Weerarkii 15kii Bishii aan soo dhaafnay Shab aab ay ku qaadeen Saldhigii ciidamada Amisom ee Degmada Ceelcadde.

Wixii markasi ka dambeeyay ciidamada Amisom ayaa isaga baxay Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

HAY'ADDA MUSIIBOOYINKA PUNTLAND OO KA DIGTAY KHATARAHA KA IMAANKARTA ABAARAHA PUNTLAND

Hay'adda maareynta musiibooyinka Puntland ayaa ka digtay Shalay abaaraha ka jira Goballa da Sool, Sanaag iyo Deegaannada dhaca Bariga fog ee Puntland.

Agaasimaha hay'ada Maareynta Masiibooyinka Puntland C/laahi C/rixmaan (Cayrow) ayaa sheegay inay Abaarahu ka jiraan deegaannada kala ah; Dangarayo, Iskushuban, Baran iyo Hataf timo, kuwaasoo dadka iyo duunyada ku dhaqan aysan helin wax roob ah labadii xilli ee ugu damb eeyay.

Cayrow ayaa intaas ku daray inay dadkaan ka mid yihiin; Dad danyar ah oo aan awoodin in ay gataan biyaha oo deegaannada laga soo dhaaminayo ay ku yaallaan Dhulalka fogfog ee Puntland.

"Biyaha waxaa looga soo dhaamiyaa, deegaano Puntland ka tirsan oo aad u fog, waxayna u baahan yihiin in la caawiyo, loona gargaaro," ayuu yiri agaasimuhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Hadalkaan Shalay kasoo baxay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maareynta Masii booyinka Puntland, Cayrow, ayaa wuxuu imaanayaa xilli horay Madaxweyne C/weli Gaas uu ula kulamay Hay'adaha Caalamka, kana codsaday Caawinta Dadka iyo Duunyada ay Abaaruhu ku dhugteen.

MADAXWEYNE XASAN OO KU HANJABAY INAAN LA CAFIN DOONIN DADKA KU LUGTA LEH QARAXII DAALLO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay weerarkii Talaadadii lagu qaaday diyaaradda Daallo Airlines, ayaa waxaa uu sheegay inaanan wax cudurdaar ah loo samayn doonin dhammaan dadka ku lugta leh weerarkaasi.

Madaxweynaha, ayaa sheegay inay jiraan tuhuno waawayn oo ka dhashay qaraxaasi, cid kas ta oo ku lug yeelatana lala tiigsan doono cadaaladda, si waxa uu sharcigu ka qabo loogu qaado.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in askariga ku shaqada leh amniga ee ka gaabiyay inuu guto waajibaadkiisa shaqo, aan la dhaafi doonin, xitaa haddii aanu wax shaqo ihi ku lahayn qaraxaasi.

Madaxweynaha oo Isniintii ka hor hadlaayay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa tibaaxay in la yaqaano dhammaan inta ku lugta leh qaraxaasi, hadana uu socdo baaritaano ku aadan falkaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo hadalqaaday weerarada dalka ka dha caaya, ayaa sheegay inay yihiin wax yar, marka loo eeggo falalka argagaxiso ee ay fashilinayaan laa maha ammaanka.

Madaxweyne Xasan, ayaa intaa raaciyay in Dowladda Somaliya ay wado qorshe ay ku done yso in siyaasad cad ay kaga yeelato arrimaha amniga, sida qiimeen lagu sameeyo halista ku soo fool ka leh Qaranka.

Hay’adaha amniga, ayaa in ka badan labaatan qof u soo xir xiray qaraxa ka dhex dhacay mid ka mid ah diyaaradaha, ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines.

CIIDAMADA DOWLADDA IYO AMISOM OO HAWLGAL BALLAARAN KA SAMEEYAY MAGAALADA MARKA

Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika oo shalay dib ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Marka, ayaa waxaa xilligan la soo sheegayaa in hawlgal balla aran ay ka wadaan.

Hawlgalkan oo ka socdo qaybo ka mid ah xaafadaha, ayaa waxaa lagu baadigoobayaa xubno lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, oo la tuhunsan yahay inay ku dhex dhuumaaleysanayaan dadka deegaanka.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa sidoo kale hub iyo qaraxyaba ka baaraaya qaybaha kala duwan ee Magaalada Marka, si looga hortaggo weeraro ay Al Shabaab kaga gaysato Magaala daasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali, ayaa sheegay goo bihii ay Shabaabku kaga sugnaayeen Magaalada in laga baaraayo suurtagalnimada walxaha qarxa, oo ay uga taggeen, sida uu yiri.

Gudoomiyaha oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa xusay inay xilligan degan tahay xaaladda Magaalada, ka dib markii sida uu sheegay ay bilaa dagaal kula wareegeen.

Shabaab oo sanadkii 2012ka si dhib badan looga saaray Magaalada Marka, ayaa saddex maa lmood ka hor bilaa dagaal kula wareegay, markii Ciidanka Amisom ay isaga soo baxeen.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO GAARAY DEGMADA HOBYO.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa ee do wladda Soomaaliya ayaa shalay gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, iyadoo uu soo dhowe eyay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa u kuur galaya xaalada degmada, iyagoo la kulmi doona odayaasha, waxgaradka iyo bulshada deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ay salka ku heyso howlo maamul loogu sameynayo degmada Hobyo oo hoos tagta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sug naa degmada Hobyo, halkaasoo qorshuhu yahay inay dhagax dhigaan deked la doonayo in laga hirgeliyo.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Galmudug in la bilaabo wada hadalada iyaga iyo Ahlusuna, waxaana dhowaan lagu wadaa in labada dhinac wada hadal u furmo.

BEELAHA GOBOLKA SH/DHEXE OO KU HANJABAY INAY QAADACAYAAN SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA SH/DHEXE IYO HIIRAAN

Shirka Maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa wajahay khilaaf hor leh oo ku saabsan qaabka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha wax ugu qeybisay beelaha dega labada gobol.

Kulan ay shalay isugu yimaadeen oday dhaqamedyo iyo waxgarad ka socday gobolka Sh/ dhexe kana dhacay magaalada Jowhar ayaa waxaa ay ugaga hadleen heerka uu marayo shirka maa mul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Dhamaadka kulankan ayaa waxaa laga aqriyay warmurtiyeed ay oday dhaqameedyadan ka soo saareen arrimihii ay ka hadleen. Warmurtiyeedkan oo uu saxaafada u aqriyay Nabadoon C/hi Ma xamuud Gacal ayaa waxa uu ku sheegay in beelaha gobolka Sh/dhexe ay soo dhoweynayaan isku darka labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Nabadoonka ayaa xusay in qaabka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha ugu qeybisay oday dhaq ameedyda ka qeybgali lahaa wareegga labaad ee shirka Jowhar uu yahay mid caddaalad darro ah.

"Beelaha dega gobolka Sh/dhexe waxaa la siiyay 27 xubnood halka oday dhaqameedyada gobolka Hiiraan laga siiyay 40 xubnood, taasoo ah mid caddaalad darro.”ayaa lagu yiri warmurtiyeed ka ka soo baxay kulankan.

Warmurtiyeedkan ayaa loogu baaqay Wasaarada Arrimaha Gudaha in ay si siman wax ugu qeybiso shacabka degan labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan taasoo ah 50% kiiba 50%.

Warmurtiyeedka ayaa lagu xusay in Oday dhaqameedyada, Nabadoonada, Waxgaradka go bolka Sh/dhexe in ay qeybta ku soo beeganta ay si siman oo caddaalad ah u qeybsan doonaan.

Nabadoonada iyo waxgaradka ka qeybgalay kulankan ayaa waxa ay ku hanjabeen inaysan ka qeybgalayn shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan illaa si caddaalad ah oo sinnaan ah labada gobol wax loogu qeybiyo.

Oday dhaqameedyadii ka qeybgalay kulankan oo ay kamid ahaayeen Nabadoon Cali Shiikh Yuusuf,Nabadoon Axmed Hilowle Dalable,Nabadoon Axmed Tifow Gacal iyo qaar kale ayaa waxa ay ugu dambeyntii ugu baaqeen Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo iyo Guddoomiyaha Baarlam aanka in labada gobol si siman wax loogu qeybiyo oo qeybtii hore ay ugu dhowaaqday Wasaarada Arrimaha Gudaha la baabi’iyo.

Iyadoo kulankan shalay ka dhacay magaalada Jowhar ay beelaha gobolka Sh/dhexe ku hanj abeen in aysan ka qeybgaleen shirka maamul u sameynta ayaa hase ahaatee inta badan beelaha ka soo jeeda gobolka Hiiraan waxa ay hore u sheegeen inaysan ka qeybgalayn shirka sababo la xiriira tirooyinka odaydhaqameedyada ee la siiyay.

CASHARKII 29AAD HABKA CILMIBAARISTA EE RESEARCH METHOD

Qorista iyo Dib u Eegista Qoraaladii Hore ”Writing Literature Review” Casharadii hore wax aan kaga soo hadalnay nuuca uu noqon karo maqaalka la soo xiganayo. Waxaan soo sheegnay shanta nuuc ee ugu waawayn ee la soo xigto oo kala ah (Empirical Research,

Theoretical Articles, Literature Review articles, Anecdotal Articles, and Reports on professional Practices) Hadaba casharkan waxaan diirada ku saaraynaa, habka loo marayo qorista qoraaladiihore (the writing process).

Marka la qoraayo Literature Review waxaa jiro talaaboyin tixana ah oo loo baahan yahay in la raaco, waxaana ka mid ah, 1 Qorshaynta qorista (planning to write) 2 isku hagaajinta oraahda (organi zing notes) 3 samaynta qabyo qoraal (drafting) 4 tafatirida qoraalka, (editing) 5 dib u qorista qabyo qoraalka (redrafting). Si aan u fahno waxaan sharixi doonaa shanta qodob.

Qorshaynta qorista (planning to write)

Marka la qorshaynayo wixi lagu qori lahaa literature ka, waxaa jiro labo armood oo ay muhiim tahay in qorshaha lagu darsado. Marka hore waa in la qeexaa moduuca kadibna la isu keeno maqaa lada xiriirka la leh moduuca la doonayo in wax laga qoro . Ogow marka aad si cad uqeexdo moowd uuca aad doonayso, waxaa kuu fududaanayo in aad go’aan sato maqaalada aad u baahantahay in aad isu keento oo aad soo xiganayso.

Dadka ku cusub cilmibaarista waxaa laga yabaa in ay is weydiyaan halkee laga helaa maqa alada (articles) ka? Si aad u hesho maqaalada aad u baahantahay ee la xiriiro mowduucaaga, waxaa lagama maarmaan ah in aad khibrad u leedahay sida loo listicmaalo oo looga raadsado jara a’id aqooneedka articles ka la xiriiro mowduucaaga. Casharada danbo ayaan ku sharixi donaa sida maktabadaha casriga (digital library) looga soo degsado articles. Waxaase haboon in ardayga uu la xiriro maktabada jaamacada oo uu waydiisto tababar halmaalin ah oo la xiriiro sida loo isticmaalo (Electronic Resource). Marka cilmibaaraha uu heelo maqaalo ku filan oo laxiriiro mowduuciisa, waa in uu u akhriyo si taxadar leh, si fiicane u fahmo, intaas kadib waa in uu faaqido (analysis) ku sameeyo. Waxaa haboon inta akhriska socdo in cilmibaaraha ka qaato (notes) meelaha muhiim ka u ah soo xi gashadiisa. Ogow oo xasuusnaaw in aad soo xigto maqaalada tayadooda fiican tahay oo xogtooda la isku haleen karo, cid waliba oo wax qortay ha iska soo xigan.

Habaynta Qoraalada (Organizing Notes)

Iyada oo la raacaayo talaabadii hore, waxaa loo baahan yahay in la isku keeno dhamaan no tes ka laga soo qaaday maqaalada kala duwan ee aad soo aqrisay. Marka la isku keeno dhamaan xigashooyinkii kala duwanaa ee laga soo helay articles ka kala duwan, waxaa la samaynayaa qoraal is wada raacsan ooh al meel uwada jeedo oo ka turjumayo afkaraha kala duwan iyo kuwa isku mid ka ah ee ay kala qabaan cilmibaarayasha kala duwan. Cilmibaarha waa in uu iska hubiyo isku xirka qor aalada kala duwan ee uu isku keenayo, waa in uusan luminin jihada qoraalka, sida marka labo qoraal la isu kenayo waa in la isticmaalo isku xiriyaasha ku haboon hadalka.

Qabyo qoraalka, Tafatirida, iyo Dib u Qorista

Marka la bilabayo qorista, waxaa jiro habab kala duwan ayaa loo bilabaa, cilmibaarayaasha qa ar waxay ku bilaabaan hab "formal” halka kuwo kale ay u ku bilaabaan "less formal voice”. Dhinaca kale waxaa looga baahan yahay cilmibaaraha qorayo literature ka in uu ka war hayo waxa aqritstaha uu ka rajayno in uu aqriyo. Cilmibaaraha waa in uu is waydii yaa aqrisanayo qoraalkaan? hadii dad ka aqrisanayo qoraalkaaga yihiin dad aanan aqoon u lahayn waxa aad ka hadlayso, isticmaalo luqad jilicsan oo la fahmi karo, isticmaal tusaalooyin iyo sharaaxaad dheeri ah.

shafie Research

Casharkii 29aad Habka CilmiBaarista ee Research Method

Hadii dadka qoraalka hiigsanayo ay yihiin dad aqoon u leh maadada u sheeg wixi ugu danb eyay ee soo kordhay, waxba waqti ha ugu lumin sharaxaada waxyaabihi ay horay u ogayeen, sii warbixinti ugu dambeeysay. Tusaale, hadii literature ka aad ugu talagalashay oo kaliyga horjoogaha cilmibaarista (supervisor) uma baahna in aad taariikhda maadada uga shekayso ee waxaa uu baa hanyahay (up to date information) Hadaba waa muhiim in aad sii ogtahay cida xogtaada akhrisa nayso. Dhinca kale, waxaa lagama maarmaan ah dooda cilmibaaraha in ay ahaato mid cad, macquul ah, oo waliba qoraalo badan oo taageero ah haysato. Dooda qoraaga waa in ay micno u samayso aqristaha.

Ugudanbaynti, si aqristaha u helo qoraal la soo tafatiray, waa in cilmibaaraha uu sameeyo sa dax jeer in kabadan oo qabyo qoraal ah, mar walibane uu wax ka badalo waxna ku daro inta uusan qorin qoraalkii ugu dambeyay ee lasoo bandhigayay.

Waxaa soo diyaariyay Dr. Shafici Sharif Mohamed

fayosom@hotmail.com

 

BOGGA CAYAARAHA

KOOXDA PSG OO XOOGA SAARI DOONTO INAY GACANTA KUSOO DHIGTO SERGIO BUSQUETS..

Wargeska Mundo Deportivo oo aad ugu dhow kooxda Barcelona ayaa qoray in naadiga PSG ay bartilmaameed ka dhiganeyso Sergio Busquets.

Qorshaha kooxda PSG ayaa ah in xagaaga nagu soo fool leh ay Sergio Busquets kula soo wareegto aduun lacageed oo gaarayo €100million waayo xidigan waa mashiinka khadka dhexe ee ko oxda Barcelona dhaqaajiyo.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in agaasimaha kooxda Paris Jean Claude Blanc uu dhawaan la xariiray Josep Maria oo ah wakiilka Busquets waxayna ka wada hadleen arimo xasaasi ah.

Macalinka kooxda PSG Laurent Blanc ayaa dhawaan kulan la qaatay milkiilaha Paris Naseer Al Khaleefa wuxuuna ka dalbaday in xagaagan kooxdiisa Sergio Busquets lagu soo kordhiyo.

Kooxda Barcelona wax walaac ah arinkan kama qabto waayo Sergio Busquets bilawgii xili cayaareedkan heshiiska cusub ee uu saxiixay waxaa ku lifaaqnaa in xidigan qandaraaskiisa lagu jebin karo €150million (£120million).

Sidoo kalena macalin Luis Enrique dhawaan wuxuu Sergio Busquets ku tilmaamay "Laacibka khadka dhexe caalamka ugu wanaagsan xiligaan”

Balse naadiga PSG oo looga bartay inay lacago farabadan kula soo wareegto xidigaha ay doo neyso ayaa macquul ah inay sare u qaado qiimaha ay ugu tala gashay soo xero galinta Busquets.

ARSENAL OO HISHIIS CUSUB KU ABAAL MARNEYSA ALEXIS SANCHEZ

Maamulka kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa ku gudi jira qorshihii ay kala saxiixan lahay een hehsiis cusub xidigooda khadka dhexe ee reer Chile Alexis Sanchez, xiliyada soo aadan si uu uga sii mid noqdo kooxda waqti aad u fog.

Arsenal ayaa ku fikireysa in xidigan ay kala saxiixato heshiis gaaraya shan xili ciyaareed hor leh, waxayna doonayaan in xidigan ay mushaar ahaan u siiyaan aduun lacageed gaaraya 67 million euro.

Alexis Sanchez ayaa kaga soo biiray kooxda Arsenal dhigeeda Barcelona laba xili ciyaareed ka hor, wuxuuna haatan ka mid yahay xidigaha ay raaliga ay ka yihiin taageerayaasha kooxda Arsenal.

CRISTIANO RONALDO OO SOO BARBAREEYAY RIKOORKII U YIILAY LIONEL MESSI

Xidiga reer Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay markiisii sa dexaad abaal marinta "Pichichi” xidigii ugu gool dhaliska badnaa horyaalka La Liga ee dalka Spain xili ciyaareedkii 20142015.

Cristiano Ronaldo ayaa soo bar bareeyay rikoorkii u yiilay xidiga reer Argentina Lionel Messi, oo isagana horey ugu guuleystay abaal marintan sadax jeer.

Ronaldo ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay dhaliyay 48 gool, 35 kulan uu u ciyaaray koox diisa Real Madrid horyaalka La Liga. "waxaan u hibeynayaa abaal marintan kooxdeyda Real Madr id, iyo saaxiibaday igula sugan kooxda iyo dhamaan inta aan isla shaqeyno maalin kasta”.Ronaldo ayaa sidaas u sheegay saxaafada marka ay soo idlaatay xaflada.

Isagoona hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku sii daray "waxaan ku suganahay horyaalka La Li ga mudo 6 sano, sida ay ila tahay aniga La Liga waa horyaalka ugu wanaagsan aduunka, sharaf wayn ayeey ii tahay inaan ku sugnaado halkan, isla markaana aan ku reebo horyaalka La Liga taariikh”.

KOOXDA MAN UNITED OO DHIGEEDA INTER MILAN KA DUL QAADI RABTO SAXIIXA XIDIGA REER ARGENTINA EVER BANEGA

Wargeska The Metro ayaa qoray in kooxda Man United ay wada hadalo la bilaawday wakiilka xidiga reer Argentina Ever Banega.

Ever Banega ayaa khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Sevilla wuxuuna ka madax adeegayaa xidigan inuu kooxdiisa heshiis cusub u saxiixo madaama qandaraaskiisa sii dhamaanayo.

Kooxda Inter Milan ayaa bishii Janaayo ku guul dareesatay saxiixa Ever Banega waxayna qorsheeneysaa inay xagaaga dambe si xor ah kusoo qadato.

Balse haatan Man United ayaa Inter Milan ka dul qaadi rabto madaama kooxda reer England ay Ever Banega u balan qaaday mushaar heer sare iyo boos joogto ah xili cayaareedka dambe.Ever Banega waa 27jir khadka dhexe ku wanaagsan wuxuuna Sevilla kaga soo biiray naadiga Valencia sanadii 2014.

Ever Banega ayaa 72kulan u saftay Sevilla wuxuuna u dhaliyay 9gool sidoo kalena xulka Arge ntina xidigan wuxuu u cayaaray 38kulan asigoo ka mid ahaa xidigahii Argentina u qaadeen sanadii 2008 koobkii Olympicda aduunka.

Ever Banega ayaa boosas badan oo khadka dhexe ka cayaari karo waxayna Man United dooneysaa laacibkan waaya araga ah inay si bilaash ah xagaagan gacanta ugu soo dhigto.

MAAMULKA ARSENAL OO UGU DAMBAYN SUUQA KASOO HELAY BEDELKA MACALINKOODA ARSEN WENGER!! WAA KUMA?

Wargeska Daily Star ayaa qoray in kooxda Arsenal maamulkeeda badankooda isla garteed in tababaraha reer Holland Ronald Koeman uu mustaqbalka dhow macalin Arsene Wenger badal u no qon karo.

Ronald Koeman ayaa shaqo wacan ka haayo naadiga Southampton sidoo kalena horey wux uu usoo leyliyay kooxo ay ka mid yihiin Benfica iyo PSV asigoo guulo wacan gaarsiiyay.

Macalin Arsene Wenger qandaraaska uu Arsenal kula jiro ayaa ku eg xili cayaareedka dambe dhamaadkiisa ilaa haatana heshiis cusub qalinka ma uusan ku duugin.

Sidaa darteed gudoonka sare ee Arsenal ayaa inta badan isku raaceen in Ronald Koeman hogaanka garoonka Emirates lagu wareejiyo.

Ronald Koeman waa macalin karti badan sidoo kalena falsafadiisa cayaareed noqotay mid kooxaha Premier League England ku tixgaliyaan madaama uu Southampton ka dhigan koox awood badan.

Arsene Wenger wuxuu macalin u yahay kooxda Arsenal tan iyo sanadii 1996 haatana waa 66jir sidaa darteed macalinkan wey kusii adkaan doontaa inuu sanado dheeri ah Waqooyiga London kasii shaqo galo.

Dhinaca kale Ronald Koeman sidoo kale wuxuu ka mid yahay macalimiinta lala xariirinaaayo inuu xagaagan hogaanka kooxda Chelsea la wareegi doono taasi waxay ka dhigan in macalinkan uusan Southampton baaqi kusii ahaan doonin marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

LIVERPOOL OO UGU DAMBAYN KA TASHATAY GOOLHAYAHEEDA SIMON MIGNOLET!

WAA KUMA GOOLHAYAHA CUSUB EE AY SOO WADATO.

Kooxda ka dhisan magaalo xeebeedka ee Liverpool ayaa dabagal xoogan ku heyso gool hayaha naadiga Bayer Leverkusen Bernd Leno.

Macalin Jurgen Klopp ayaa qaati ka taagay qaladaadka joogtada ah ee goolhaye Simon Mign olet sameenayo sidaa darteed xagaagan wuxuu doonayaa inuu lasoo saxiixdo goolhaye Bernd Leno.

Goolhaye Bernd Leno oo 23jir ah wuxuu doonayaa inuu xagaagan Leverkusen isaga hayaamo wuxuuna yiri "Dabcan mararka qaar riyada aad niyada ku heesatid wey rumoobi kartaa sidaa darteed xagaagan waxaan doonayaa inaan u baqoolo meel ka baxsan Bundesligaha Jarmalka”

Sidaa darteed kooxda Liverpool ayaa fursad u aragto hadalka kasoo yeeray goolhaye Bernd Leno oo sidoo kale lala xariirinaayo kooxaha Real Madrid, Dortmund iyo Juventus.

Bernd Leno ayaa ka mid ah dhalinta ugu wanaagsan qaarada Yurub sidoo kalena xidigan koox da Liverpool xasilooni dheeraad ah oo dhanak daafaca ayuu kusoo kordhin kahaa hadii ay xili cay aareedka dambe lasoo saxiixato.

Goolhayaha kowaad ee kooxda Liverpool Simon Mignolet dhawaan ayuu heshiis 5sano ah Re ds u saxiixay balse xidigan qaladaadkiisa joogtada ah ayaa sababi doono in macalin Klopp uu xaga agan goolhaye kala ka raadsado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip