HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH TALAADO 14-KA MAY 2019-KA

0
Tuesday May 14, 2019 - 10:48:34 in Wararka by
  • Visits: 643
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH TALAADO 14-KA MAY 2019-KA

    Banaanbaxyo ka socda qeybo ka mid ah Magalada Muqdisho M/Muqdisho waxaa Saakay ka bilaawday banaanbaxyo ay dhig ayaan qaar ka mid ah ard ayda waxka barata Iskuulada Waaweyn ee ku yaalla M/M uqdisho,kadib markii Wasiirka Waxr ashada So omaaliya uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaanbaxyo ka socda qeybo ka mid ah Magalada Muqdisho M/Muqdisho waxaa Saakay ka bilaawday banaanbaxyo ay dhig ayaan qaar ka mid ah ard ayda waxka barata Iskuulada Waaweyn ee ku yaalla M/M uqdisho,kadib markii Wasiirka Waxr ashada So omaaliya uu sheegay in la hakiyey imtixaankii socday ee dowladda lana baabi'iyay.


Ardayda banaanbaxa dhigeysa oo qaarkood wata Dharka Isku ulada ay dhigtaan ayaa waxaa ay banaanbax ka sameeyeen kana wadaan inta u dh axeysa Taalada Daljirka Daahsoon ilaa Madaxtooyada,

 

sidoo kale Isgoyska Zoobe ilaa qeybo ka mid ah Waddada Maka Al-Mukarama. Ardayda ayaa ka cabanaya sababta loo joojiyey Imtixaanka oo mudo 3 maalin ah socday oo uu dhaqaalo farabadan uga baxay, iyada oo Wasiirka Waxbarashada uu she egay in imtixaanka gebi ahaanba la baabi’iyey, dibna loo bilaabi doono 27-ka Bishaan.

Markii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu ku dhawaaqay go’aanka ah in la joojiyey Imtixaanka ayaa waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan da dka ah,iyada oo qaarkood ku taagereen qaarna ay kasoo horjeesteen.

Ardayda iyo dadweynaha kale ee banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa mararka qaar rasaas ku ridaya Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Madaxweynihii dalka Suudaan oo dacwad lagu soo oogay

Xukuumadda Suud aan ay aa dac wad waxa ay kusoo oogtay Madaxweynihii dalkaa si ee dhawaan xukunka laga tuuray Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.

Al-Ba shiir ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu sa meeyey kicin dadweyne iyo in uu ka qeyb qaat ay dilka dad banaanba xayaal ahaa,kuwaas oo xukunkiisa kasoo horjeeday.

Horraantii bishan, waxaa Al Bashiir lagu amray inuu kasoo hor muuqdo xafiiska dacwad oogaha dalkaas si wax looga weyddiyo eedeymo musuq maasuq iyo maalgelinta ururo argagixiso.

Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa xilli aan weli wax war ah aan laga heyn xaalada uu ku sugan yahay Al-Bashiir wixii ka dambeeyay markii xilka laga tuuray.



RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO MAGACAAB AY GUDDI DHAMAYSTIRAYA QORSHAHA DA YN CAFINTA DALKA

R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Ca li Khayre ayaa Shalay magacaabay gud di ka shaq eeya dhamaystirka qorshad ayn cafita dalka oo meel gebo gebo ah maraya.R/Wasaare kuxigeenka xF ayaa guddoomiye looga dhigay guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada maaliy ad da, Bo ostada, Kalluumaysiga, qorshaynta, deka daha, wasiiru dowlaha maaliyadda iyo guddo omiyaha Bangiga dhexe.

Guddiga ayaa labadii todobaadba mar waxa ay yeelanayaan kulan looga ha dlayo meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka iyo dardar gelintiisa si ugu da mbayn dalka daynta loo ga cafiyo.

4MARKAB OO AY LEEDAHAY IMAARAADKA CARABTA OO LA WEERARAY

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in la weeraray Afar Markab oo ay leedahay xilli ay marayeen meel u dhow biyo xadeedka dhinaca Gacanka Cumaan.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan inaysan jirin weerarkaas cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay,sida ay Warbaahin ta dalkaasi u sheegeen ilo xogogaal ah.

Waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisadda ka taagan aagaas oo marin u ah shidaal ka, maalmihii u dambeeyayna Maraykan ka ayaa aagaas u diray maraakiib dagaal oo dheeri ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Im aaraadka ayaa sidoo kale sheegtay in weerarkasi uu ahaa ficil xun oo majaxaab in ah,waxaana ay ugu baaqday Beesha Caalamka in laga hortago weerarada noo caasi oo kale ah inay dhacaan.

Weerarkaan lagu qaaday Afar Mar kab uu leeyahay Imaaraadka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysatay xiisada u dhaxeysa dalalka Iiraan oo deris la ah imaaraadka iyo doowladda Mareykanka.

DALLADA SONSA OO WALAAC KA MUUJISAY KHILAAFKA DOWLADDA DHEXE IYO MAAMUL GOBOLEEDYADA

War qoraal oo ka soo baxay Dallada Bulshadda Rayidka ee SONSA oo horay loo oran jiray SOSCENSA kuna mideysa nyihiin Ururada Bulshada Rayidka, Ganac satada iyo Xirfadleyda ayaa waxaa looga hadlay shirkii madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul gobaleedyada ugu soo dhamaaday magaalada Garowe.

Qoraalka SONSA ayaa walaac wax aa loogu muujinayay sida uu ku soo dha maadey shirkii Garoowe oo sida ay shee gtay rajo badan laga qabey in hishiis laga gaaro khilaafka hogaamiyaasha dowlad da federalka iyo kuwa maamul goboleed yada."SONSA waxa ay nasiib daro ku tilm aameysa in hogaamiyaasha siyaasada ee ku shirey Garoowe aysan marna ku xisa abtamin xaalada adag ee uu Shalay dalka marayo, haddii ay ahaan laheyd arrimaha siyaasada, amniga iyo tan dhaq aale, waxeyna arintaas dhaawaceysaa raj adda ay bulshada ka qabeen hogaamiya ashaashasiyaasadda dalka” , ayaa lagu yiri qoraalka SONSA. Sidoo kale Qoraal ka SONSA ayaa waxaa loogu digay mad axda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Gobaleedyada, kaasi oo ah in ay mugdi geliyaan mustaqbalka umada Soomaaliy eed.

"SONSA waxa ay ka digeysaa in aragti kala duwanaashaha hogaamiyaasha siya asada uu saa meyn mugdi ah ku yeesho mustaqbalka ayaaha Soomaaliya, waxa ayna soo jeedineysaa in ay ka waant ooban khilaafka ku dhisan aragtida shaqs iga oo ay kala qabaan, wax walbana lagu xalliyo sharciga dalka, isla markaasna la ixtiraamo doorka iyo kaalinta gollaha shacabka ku leeyahay waxyaabaha ay isku haystaan”.

Waxaan aaminsannahay in khilaafka u dhaxeeya dowlada federalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada uu caqabad ku no qdey hannaanka dhismaha hay’adaha do wlada, mana la aqbali karo in uu sii soc do iyadoo xaalad adag lagu jiro.

Ugu dambeytii, Ururada Bulshada Rayid ka, waxa ay ku baaqayaan in hogaami ya asha dowlada federalka iyo kuwa dow lad goboleedyada, shirka dib laysugu soo laa bto iyadoo goobjoog ka naqonayaan urur ada bulshada raydka”.

QARAMADA MIDOOBAY OO XAQIIJISAY XUUT IYIINTA INAY KA WADA BAXEEN DAKADAHA YEMEN

Q/Midoobay ayaa sheegtay Axaddii Dorraad in ka bixitaanka Maleeshiyada Xuu tiyiinta ee Dakadaha Muhiimka ah ee Ye men ay ku dhacday si waafaqsan qorshii lagu heshiiyay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Qara mada Midoobay ayuu Guddoomiyaha u qaaabilsan Qaramada Midoobay isku duw idda qorshahan, Michael Lollesgaard, waxa uu ku sheegay in dhamaan sade xda dekadood ay kormeer ku sameeyeen markii ay ka baxayeen milatariga, oo ay la wareegayeen ciidamada illaalada xee baha.

Waxa uu sheegay in maalmaha soo socda xoogga la saari doono sidii deked daha looga nadiifin lahaa qalabka militari, miino sifeynna loogu sameyn lahaa.

Qaramada Midoobay ayaa u xil saarneyd inay xaqiijiso wajiga hore ee ka bixitaanka Xuutiyiinta dekedahan, taasoo loo arko inay fure u tahay soo afjaridda colaadda afar jirsatay ee Yemen ka oogan.Ka bixitiaanka kooxda Xuutiyiinta ay aa bila abatay Sabtigii, sida ku xussan heshiis ay dowladda ay taageeraan Isba heysiga Sa cuudiga uu hor kacayo iyo Maleeshiya da Xuutiyiinta ee Iran ay taa geerto ay ku gaareen dalka Sweden bishii December ee sanadkii tagay.

WASIIR GOODAX : WAXAAN HAKINAY IMTIXAANKII DOWLADDA EE MAALMAHAN

WW/Waxbarashada Hidaha iyo Taclii nta Sare ee XFS C/hi Goodax Barre ayaa sheegay in hakad galiyay Imtixaankii dowl adda ee 3dii cisho ee la soo dhaafay ka socday guud ahaanba dalka Soomaaliya, ka dib markii la helay qeyb ka mid ah qi shka Maadooyinka Imtixaanka lagu gala yo.

Maalmihii ugu danbeeyayba baraha bulshada waxaa lagu arkay qeybo ka mid ah maadooyinka lagu keenay sanadkan Imtixaanka dowladda gaar ahaan Carbiga iyo Xisaabta oo loo gacan galiyay qaar ka mid ah ardeyda, taasoo keentay in Wasa arradu go’aankaa qaadato.

‘’ Wasaarradu markii ay latashatay inta bahwadaaga waxbarashada la ah, wax aa noo soo baxday in aynu joojino Imtixa ankii socday ee dowladda, kaddib markii la baxshay ama la helay qishka qaar ka mid ah Maadooyinkii Imtixaanka lagu keenay’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sheegay Wasiirka in labadii cisho ee la soo dhaafay Imtixaan kii ay ardeydu galleen laga soo qaadayo waxba kama jiraan ‘’ Waxaa go’aan lagu gaaray in Imtixaankii dhamaantiis la ba aba’sho oo dib loo qaado, waxaa uu dib bilaabanayaa haddii uu alle idmo 27ka bishan isaga oo socon doona ilaa 31ka, waxaa ay wasaarradu ku talagashay mar kan in si ka adag sidii loo hore loo qaado Imtixaanka, islamarkaana intaa uu socdo dalku uusan ka jiri doonin isticmaalka baraha bulshada’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sheegay in saddexdii cisho ee la soo dhaafay Lixdii Maado oo la qaaday dhamaantood lagu arkay iyaga oo suuqa yaalla, sidaa daraadeed ayuu sheegay in aan waxba laga soo qaadi doonin Maad ooyinkii ay ardeydu Imtixaanka ku galleen saddexdaa cisho ee la soo dhaafay.

‘’Waxaa wax laga xumaado ah in ay jir aan dad iyada oo waliba lagu jiro bisha Ramadaan ka ganacsanaya Imtixaanka, arintan xitaa waxaa ku lug leh Waalidiin, sidaa daraadeed ma aqbaleyno in ardey dadaalay uu soo garab fariisto mid kale oo Imtixaankii gacanta ku sita’’ ayuu yiri W/Goodax. Waa markii ugu horeysay tan markii uu soo bilaawday Imtixaanka dowl adda in ay dibada u soo baxaan qi shka Maadooyinka lagu keenay Imtixaan ka, waxaana arintaa lagu tilmaamay in ay ta hay dayacaad ka timid dhinaca W/sarada

CIIDANKA XOOGGA DALKA OO GARGAAR CAAF IMAAD U FIDIYAY SHACABKA KU DHA QAN DEEGAANKA MOORDIINLE

Ciidamada Xoogga dalka oo tagay De egaanka Moordiinle ee hoostaga Deegaa nada Sabiib iyo Canoole ayaa shacabka ku dhaqan deegaanka u gey biyay daa wooyin caafimaad xilli dadka ay ka caba nayaan xaalado caafimaad daro.

Sidoo kale, dhaqaatiir ka socota Ciid anka Xoogga dalka ayaa xog wareysi caafi maad la yeeshay dadka jilicsan ka dibna qaar baaritaano gaar ah u sameey ay.

Dhaqaatiirta Ciidanka Xoogga dalka ee Baaritaanka caafimaad u sameynayay shacabka ku dhaqan deegaanka Moor di inle ayaa sheegay in mudo 7sano ah cad owga ay shacabka ku hayeen cad aadis una diideen wax kasta oo nolosha oo asaasiga u ahaa.

Shacabka ayaa soo dhoweeyay gar gaar ka caafimaad ee ay ka heleen ciidan ka Xoogga dalka,waxayna ku ilaabeen dhi baatadii ay kala kulmeen maleeshiya da AlShabaab. dhanka kale, Guddoomi yaha Gobolka Shabe ellaha hoose Ibaah im Aadan Cali Najax ayaa kormeeray fur umaha hore ee ciidanka Xoogga dalka ay lu leeyi hiin dee gaanada Sabiib iyo Caan oole si loo dhiira geliyo ciidanka loogana Difaaco cadowga iney dhacabka dhibaat eeyaan.

Guddoomiye Najax oo la hadlay warb aahinta Qaranka ayaa sheegay in cii dan ka ay u diyaarsan yihiin sidii ha raad iga maleeshiyada AlShabaab looga sife yn lahaa guud ahaan Gobolka Shab eela ha Hoose.

MADAXWEYNE KU XIGEENKA JUBBALAND OO AMISOM KALA HADLAY AMNIGA GOBOLKA GEDO

Madaxweyne ku xigeenka Jubba land Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir lo oga hadlayay arrimaha Amniga deegaa nada Jubbaland waxa uu degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo kula yeeshay Sar aakiisha AMIOSM gaar ahaan kuwa Ke nya ee ka howlgala gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sara akiisha Ciidanka AMISOM kala hadlay si dii ay ugu qayb qaadan lahaayeen sug ida amaanka deegaanada maamulka Jub baland iyo in Ciidamada Jubbaland ay ka gacan siiya an sidii deegaanada AlShaba ab ay ka joogaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo looga xoreyn lahaa.

Taliska ciidanka AMISOM ee Gobo lka Gedo ayaa Madaxweyne ku xigeen ka ka balan qaaday in ay qayb ka qaada naya an arimaha amaanka ee deegaanada ma amulkaasi iyo sidii Al Shabaab looga saari lahaa deeg aanada uu ka arimiyo maamulka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shee gay in ta uu ku suganyahay Gobo lka Ge do in is bedel uu ku samey doono sara akiisha amaanka iyo Maamulada Degm ooyinka qaar si sare loogu qaado nidaamka Ma amul ee Gobolka Gedo.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO LA KULM AY SAFIIRKA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA

Madaxweynaha Somaliland, Md. Muu se Biixi Cabdi waxa uu Shalay xafi is ka ku qaabilay safiirka dalka Ingir iiska u qaa bilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo Shalay Hargeysa ku tegay safar sha qo. Kulanka waxa lag aga wada hadlay qod obo ay ka mid ahaayeen sidii looga wada shaqeyn lahaa siyaasada guud iyo am aanka m andaqada geeska, diyaar garaw ga iyo qabsoomida arrimaha doora shooy inka wakiilada iyo golayaasha dee ga an ka, geediga dimuquraadiyada, dar dargel inta iyo kor u qaadida kaalmooyin ka hor umarineed ee dawladda Ingiriisku ku taag eerto Somaliland iyo xoojinta xir iira laba da dhinac.

Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa bogaadiyay sida maa mulka Somaliland u soo dhaw eeyeen Waf digii uu la socday,isla markaana aad ugu magadceliyay Madaxda maamulkaasi.

SRI LANKA OO MARKALE XAYIRTAY BARAHA BULSHADA KADIB RABSHADO LOO GEYSTAY MUSLIMIINTA

Xukuumadda dalka Sri Lanka ayaa si ku meel gaar ah u joojisay isticlaamka qa ybo ka mid ah Baraha Bulshada, gaar ah aan han naanka farriin diridda ee Face bo ogga iyo WhatsAppka, kadib kolkii bar ahaasi lagu soo bandhigay shaqaa qoo yin looga horjeedo Muslimiinta oo ka dhac ay dhowr magaalo oo ka tirsan dal kaasi. Xayiraadda la saaray mar kale Baraha Bulshada waa tallaabo ku meel gaar ah oo la doonayo in lagu xas iliyo dalka, isla markaana looga fogaado xas ilooni dar ada sidaasi waxaa yiri madax u hadashay warbaahinta dowladda Sri Lanka.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii kooxo diimeed Kirishtaan ah ay dhagxan ku tureen Masaajido iyo go obo ganacsi oo ay leeyihiin dad Muslimiin ah oo ku su gnaa magaalada dhacda Woqooyi galbe ed ee Chilaw hal kaasi oo ay ku badan yih iin dadka Kirishtaanka ah.

Madaxda dalkaasi ayaa sheegay in xabsiga la dhigay Abdul Hameed oo 38sano jir ah, kaas oo lagu eede eyay in uu Baraha Bulshada dhigay shaqaaqooyin looga horjeedo dadka Muslimiinta ah.

Tan iyo markii ay dhaceen qaraxyadii lala beegsaday Kiniisado iyo hotello ku yaalay dalka Sri Lanka waxaa kordhay naceybka loo qabo Muslimiinta ku nool dalkaasi.

Hay’adaha ammaanka oo gacanta ku dhigay gaari Muqdisho ku weeraray Bark ontorool

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Gaari BL ah iyo laba nin oo la soc otay, kuwaasi oo Bambo gacmeed ku weeraray Barkontorool oo ciidamada dow ladda ay ku leeyihiin Seybiyaano.

Raggan ayaa Bamabada marka ay ku tuu reen Barta Kontorool waxa ay isku day een inay goobta ka baxsadeen, balse ugu dambeyn waxaa laga qabtay Geerish halkaasi ku yaalla oo ay galeen.

Waxaa la sheegay in uusan jirin khas aare ka dhashay weerarkan, marka laga reebo burbur yar oo soo gaaray Qol Jiin gad ah oo ciidanka ay halkaasi ku lahaa yeen.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay qabteen raggii falkan ka dambeeyay, islamar kaa na sharciga la horgeyn doono.

Isu socodka wadada ayaa mudo hakad ku jirtay, inkastoo dambe dib loo furay, maad aama hawlgalka weerarkqn uu soo gaba gaboobay. Laba habeen kahor ayay aheyd mar kii ciidanka ammaanka sidan oo kale ay u qabteen Gaari BL ah iyo raggii watay oo Qarax Macmal ah dhigay aagga xarunta CIDda.

XUSKA 18 MAY IYO XADHIGA XILDHIBAAN DHAKOOL OO SAAMAYN WEYN KU YEESHAY DEGMADA LAASCAANOOD

Sanad kasta oo la xuso 18 May oo ah maalintii Somaliland u astaysay in ay dib uga noqotay midowgii Soomaalida ee 1960kii ayaa magaalada Laascaanood waxaa ka dhaca rabsho u dhexeeya Boo liska oo mararka qaar ay caawiyaan mila terigu iyo shacabka marka laga reebo lab adii sano ee la soo dhaafay.

Sanadkan oo ay ku beegantay bish barakaysan ee Ramadaan ayaa dad ba dani qabeen in ay baaqatay balse waxaa la sheegay in ay dhacayso taas mar keli ya weji kale yeelatay kadib markii Xi ldhibaan Dhakool oo dadka aad ugu fog ahaa Somalilandnimada uu hadalo ku lid ah 18 May warbaahinta ka jeediyey taas oo uu ku mutaystay xadhig.

Magaalada Laascaanood maraan la xidhiidhay masuuliyiinta wada qaban qaa bada maalintaas ayaa waxa ay ii shee ge en in ay si wanaagsan u socoto, cab sina aanay ka qabin in rabshado ay ka dhash aan.

Dhinaca kale 18 May horaantoo sanad kii 2005tii ayaa maayinkii magaalada La as caanood ee Puntland oo waqtigaa maamulka gacanta ku hayey Dr. Cab dira shiid Barkhadle uu u asteeyey maalinta nadaafadda taas oo noqotay mid markas ta oo la xusayo gooni isu taaga Somali land barbarkeeda laga bilaabo Xaafada ha qaarkood ayaa laga wadaa Nadaafada

MARAAKIIB AY LEEYIHIIN SACUUDIGA IYO IMAARAADKA OO LA WEERARRAY

Weerar arbubaash ah ayaa la shee gay inay la kulmeen maraakiib mararyay xeebaha dalka Imaaraadka Carabta.

Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay wa xyeello xooggan kasoo gaartay weerar Ax addii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.

Wasiirka tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibta la weeraray uu ku socday dekedda Ras Tan ura, sii uu uga soo qaado saliid la gayn la haa Mareykanka.

Imaaraadka Carabta aya sidoo kale shal ay sheegay in afar markab oo ganacsi weerar arbushaad ah loogu gaystay meel ku dhow biyaha Gacanka Cuman, hase yeeshee ma bixin wax faahfaahin ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaa raadka ayaa isku dayga weerarkan minjo xaabinta ah ku tilShalayy halis soo koro dhay' beesha caalamka ayayna ugu baaq day "in ay ka hor tagto ficilo noocaas oo kale ah" oo mustaqbalka dhaca.

Horraantii Axaddiina madaxda magaalada Fujairah ee dalka Imaaraadka ayaa diiday warar ay saxaafaddu qortay oo sheegay in uu qarax ka dhacay dekedda.

Dowladda Mareykanka ayaa Shalay soo saartay digniin ku aaddan 'ficillo lagu arbushayo' maraakiibta ku safarta xeeba ha Imaaraadka Carabta.Digniintan ayaa ti mid xilli ay sare usii kacayso xiisad ka dhex ooggan Mareykanka iyo Iran.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibed da Iran, Abbas Mousavi ayaa sheegay in weerarada lagu qaaday maraakiibta ay yihiin 'kuwa lagu baraarugo oo laga qoo mameeyo'. Waxa uu ku baaqay baaritaan lagu sameeyo weerarada, waxaana uu ka digay gacmo shisheeye oo halis faraha la galaya, si ay u arbushaan ammaanka bad da.

KULANKA GOLAHA SHACABKA OO FURMAY IYO WASIIRKA CUSUB EE GANACSIGA OO LA DHAARIYAY

Waxaa Shalay Xarunta Golaha Shac abka ee Magaalada Muqdisho ka fur may kulanka guud ee Golaha Shacabka Baa rlamaanka FS Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaya kusimaha G/Golaha sha cab ka ahna guddoomiye ku xigeenka 1a ad md. C/weli Sh.Ibraahim (Mu udeey).

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa soo xa adiray 143 xildhibaan,kuwaasi oo xalay la gu wargeliyay in uu jiro Shalay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Wasiirka cusub ee Wa saar ada Ganacsiga iyo Warshadaha Xuk uumada Soomaaiya C/llaahi Cali Xasan ayaa lagu dhaariyay kulanka guud ee go l aha oo hada si toos ah kaga socda xa run ta Golaha shacabka ee Muqdisho.

MADAXWEYNE WAARE : MAQABO SIDA HA DALKA LOO DHIGAY EE AH IN UU FASHIL KU SOO DHAMAADAY SHIRKII GAROOWE

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ay aa meesha ka saaray in uu fashil ku soo dhamaaday shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada ay ku lahaayeen magaalada Garoowe.

Waare oo khudbad ka jeedinayay shir gaar ah oo Garoowe ay ku yeesheen ma daxda saddexda maamul gobolleed ee Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabee lle ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa bil ow wanaagsan oo leysku xog wareystay si loo ogaado halka ay dhibaatadu ka jirto'' Waad ogtihiin marka la rabo in cud urka la daweeyo horta waa in baaritaan la sameeyo, marka shirkaasi wuxuu ahaa bilow wanaagsan, waxaanan hubaa in dib leysugu soo laabanayo, waayo Soomaali meel ay kala tageyso ma jirto, malaa'ig noo soo degeysana ma jirto, xalkeeda annaga ayuu na sugayaa '' ayuu yiri madaxweyne Waare.

Madaxweynayaasha dowlad gobol leedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galb eed ayaa lagu tirayaa in ay gacan saar dhaw la leeyihiin dowladda dhexe ee fed eraalka, halka Puntland oo shirkaa martigalisay wali uusan kala cadeyn mowqifkeeda la xiriira halka uu ku soo dhamaaday shirkii madaxda dowladda dhexe iyo kuwa federaalka ee Garoowe.

Shirkaasi ayaan wax qodobbo ah laga so saarin, waxaana isagood uga baxay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug oo labaduba shir jaraai'id ku sheegay in shirkaasi lagu kala tagay, iyadoo aan wax is afgarad ah la gaarin.

Laakiin madaxda saddexda maamul gob olleed Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa shir gaar ah oo ay ku yeesheen Garoowe waxaa ay ka saareen qodobbo dhowr ah

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo labaduba dib ugu laabtay magaalada Mu qdisho marnaba kama aysan hadal halkii uu ku danbeeyay shirkii ku dhaw aad tod dobaad loo fadhiyay magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul gobolleedka Puntland.

ASKAR U DHALATAY UGANDA OO ISKU DHEX DISHAY MUQDISHO

Askar ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay maalintii Sabtida ee la soo dhafaay isku dileen Xarunta Dhexe ee Ha wlgalka AMISOM ku leeyihiin Garoon ka Aadan Cadde ee magaallad dan Muqdis ho Warar kala duwan ayaa ka soo baxa ya tirada guud ee Askartaas istoogtay, iy adoo wararka Looqaateenka ah muujina yso inay isdileen 2 ilaa 4 Askar u dha latay dalka Uganda.

Taliska Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa baaraya dhacdadaasi, iyadoo mid ka mid ah Askartooda loo soo daadgureeyey Soma lia uu toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan Maamulkiisa, ka hor inta uusan Askariga isdilin.

Ilowareed ku sugan magaalladda Muq disho waxay mar sii horreysay u sheeg een Wargeyska Maalinlaha ee The Mon itor ee ka soo baxa caasimadda Uga nda ee Kampala in Askariga dilka geystay uu ka carooday Sarkaalka Horjo ogaha ama Kormeeraha u ahaa, iyadoo tirada guud ee Askarta lagu dilay shilkii dhacay maalintii Sabtida ay gaara yaan 4 Askari oo u dhashay dalka Uganda.

Dhinaca kale, Afhayeenka Guud ee Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF, Richard Karemire ayaa sheegay in labo Askari oo keliya ku geeriyootay Toogasha daasi, isla markaana ay Baarayaasha ku hawlan yihiin sidii lagu ogaan lahaa waxa sababay dilkaasi.

"Weli ma cadda waxa sababay dilka, waxaana doonaynaa inaan ogaano haddii Askariga dilka geystay uu ahaa shaqsi waalan iyo in kale” ayuu yiri Afhayeenka oo khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska Maalinlaha ee Daily Monitor.

Weli lama shaacinin magacyadda iyo Aqo onsiga Askariga iyo Sarkaalka ku geeri yooday dhacdadaasi.

Toogashaddaas ka dhex dhacday Ciidda nka Uganda ee ku sugan Xaruntooda Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ayaa ah tii ugu horreysay ee ay isku geystaan Ciidd anka Uganda oo iyagu ah ciiddanka ugu tirada badan ee Hawlgalka AMISOM.

Khubarada Milliteriga ayaa tilmaamay inuusan Ciiddanka Uganda fal ku cusub ku ahayn dilalka noocaas ah, iyadoo Sannadkii 2016kii, Askari lagu magac aabo Saddex Alifle Isaaq Obua waxa uu si safmar ah u toogtay 7 ka tirsan Ciiddankii ay ka wada hadlgeli jireen Xero ay boliska sida Milliteriga u tababa ran ku leeyihiin Deegaanka Makindye ee dalka Uganda Sidoo kale, sannadkii 20113kii, Dable Patrick Odoch waxa uu 11qof ku dilay meel ku dhow Xarumaha Dhexe ee Ciid danka Ugnada ee Bombp, waxaana Aska rigaasi lagu xukumay xabsi 90sanno ah

SHIL-BAS-IYO-TAREEL
DAD KU GEERIYOODAY SHIL KA DHACAY WADDADA ISKU XIRTA GARISSA IYO NAIROBI

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay, tobaneeyo kalena wey ku dhaawacmeen shil gaari oo waaberigii hore ee saaakayto oo Isniin ah ka dhacay Tuu lladda Tula oo u dhexeysa Degmoo yinka Bangal iyo Garissa ee W/bari ee dalkaasi.

Bas ay la socdeen in ka badan 60qof, kana soo ambabaxay xalay Degmadda Wajeer ayaa la sheegay inuu ku dhacay Gaari Tareel oo waday shixnad shamiinto ah, wuxuuna burbur xooggan ka soo gaaray daaqadaha iyo saqafka sare ee baska.

8 ka mid ah dadka ku geeriyooday shilkaasi waxay la socdeen Baska, halka 3 kalena la socdeen gaariga Tareelka.

Dadka ku dhawaacmay shilkaasi waxaa loo qaaday Isvitaalka Guud ee Garissa iyo Xarumaha kale ee Caafimaadka ee ku yaalla TuulladdaTula oo u dhow Degmadda Bangal.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka W/Bari Kenya, Maxamed Birik waxa uu sheegay inuu shilkaasi dhacay, kadib, markii uu Bas ay lahayd shirkadda Gaadiidka ee Sabriin foolkafool ugu dhacay Gaariga Tareelka ee waday Shixnadda shamiintada.

Waxa uu intaasi ku daray inay wadaan baaritaanka sababaha dhaliyey shilkaasi, isagoo nasiibxumo ku tilmaamay tirada badan ee dadka ku geeeriyooday, kuna dhaawacmay shilkaasi.

Xafiiska Shirkadda Gaadiidka ee Sabriin ee magaalladda Wajeer waxay xaqiijiyeen inay 11 qof ku geeriyootay shilkaasi, wux uuna Baska ku sii jeeday magaall adda Nairobi

BELEDWEYNE : BUUNDO MUHIIM U AHEYD ISKU SOCODKA GAADIIDKA GOBOLLADA KOONFUREED IYO WAQOOYIGA SOOMAALIYA OO GO’DAY

qeyre Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegay in ay go’day Buundada deegaan ka Ceel Gaal oo ka tirsan degmada Beledweyne, taasoo muhiim u aheyd isku socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfureed iyo Waqoo yiga Soomaaliya.

Qof ka tirsan dadka deegaanka oo warba ahinta la hadlay ayaa sheegay in ay go’day Buundada kaddib markii ay Roo bab xoogan oo ka dagay xalay dee gaannada Waqooyi bari ee gobolka Hii raan daadad ka soo rogmaday ay ku dhufteen.‘’Buundada gabi ahaanba wey qarsoon tay meel ay ku tiilay xitaa cid garaneysaa ma jirto, daadadkii ayaa ka dul maray, ha dda dadka deegaanka waxaa ay bila abeen in ay barakacaan’’ Tuullada oo dh an biyo ayaa ku fatahay'' ayuu yiri qofkaa la hadlay warbaahinta ee ku sugan dee gaanka Ceel Gaal.

Wuxuu sheegay in Buundada ay ka go’day bartamaha iyo halka ay gaadiidku maraan, taasoo keentay in ay biyo si xo wlaha ku soconaya ay dulmaraan guud ahaanba Buundada’’‘’ Ma jirto cid ku dhi matay daadadkan, Roobab culus ayaana wali da’aya, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

War ku saabsan in ay go’day Buundadii Ceel Gaal ayaa noqoneya mid aan u wan aagsaneyn bulshada ku dhaqan gobolka, madaama ay aheyd marin isku xira isku socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala gudba gobollada Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya oo dhama anba gaadiidka ku sii jeeda ay marin u sii aheyd Buundada Ceel Gaal.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiirana oo la xiriira arintan.

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO KORMEER SAMEEYAY

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedr eaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo xalay kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugayny ihiin ciidamada sugaya amniga caasim adda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Bool iisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan.

Howlwadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada xooggna ee isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gu dbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqe eyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wadashaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay mu hiim u yihiin sugidda amniga, dalka namb arka gaabaanna uu kamid yahay wadiiq ooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaar may in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xas an Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taal ladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si isxilqaan ah loogu dhisayo, iya da oo lagu jiro toddobaadka munaasabad da xuska dhallinyara Soomaaliyeed.

QAYLO DHAAN LAGA MUUJIYAY DUULIMAAD YADA LOO LEEXIYAY WAJEER

Duulimaadyadii tooska ahaa ee isku xirayay Soomaaliya iyo Kenya oo lagu qasbay inay sii maraan garoonka diyaar adaha ee Wajeer si baaritaanno dheera ad ah loo mariya ayaa si dhaqso ah waxaa qaylo dhaan uga muujiyay rakaab kii u horreyay ee sii maray Wajeer.

" Xaqiiqdii waxaan oran karaa waa safar dhib badan oo adag". ayuu yiri Cis maan Cali oo la socday duulimaadkii Ax addii ee ee Garoowe, Muqdisho iyo Nai robi. Cismaan, wuxuu sheegay duulimaa dka inuu qaatay muddo ku dhow toddobo saac ,isagoo inta ku daray muddo saddex saac ah in lagu hakiyay garoonka diyaa radaha ee Wajeer.

"Waxaa nalagu soo baaray Garoowe, haddana Muqdisho .. taas waxaa ka dar neyd markii aan Wajeer gaarnay saddex saac iyo bar ayaa nalagu hayay oo nal agu baarayay". ayuu raaciyay.

Wuxuu soo jeediyay in dowladda feder aalka ay si dhaqso ah xal ugu raadiso arrintan oo uu ku tilmaamay inay sabab u noqon doonto dad badan inay ka baa qdan u safridda Kenya.

Kenya ayaa go'aanka u sababeysay arr imo amni, balse wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ,Max amed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa caddeeyay inay tuhunsan yihiin in go’aankan uu yahay mid ay ka dambeyso arrimo Siyaasadeed, isagoo marka me esha ka saaray in arrimo amni ay Kenya u soo rogtay xanibaadan cusub.

Kenya waxa ay sheegtay in xanibaadan cusub ay sii socon doonto ilaa laga gaaro 9ka bisha Augosto, muddadaas sadd exda bil waxey sheegtay in lagu qiimeyn doono waxa isbeddel ah ee dhaca, iyadoo kaddibna laga baaraan dagi do ono in go’aanka sidiisa ahaado ama dib u eegis lagu sameeyo

MUWAADINIIN SOOMAALI OO KU GEERIYOOTAY SHIL KA DHACAY UGANDA

Shan qof oo 2 ka mid ahaayeen Soo maali ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay waddada isku xirta Degmooyinka Scroti iyo Lira ee Bariga dalkaasi.

Afhayeenka Boliska ee Bariga Deega anka Kyoga, Michael Odongo aya shee gay inay dadkaasi ku geeriyoodeen Shil gaari, kadib, markii ay isku dhaceen gaari Xamuul iyo mid Booyadle shidaal oo mar ayey Tuulladda Ongunai ee Degmadda Soroti.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in garaiga xamuulka oo waday Shamiinto, Yaanyo iyo Basal waxa uu ku si ijeeday Degmadda Arua, halka Gaariga Booy adlaha oo shidaal ka soo qaaday dalka South Sudan, kuna sii jeeday Degmadda Haledoret ee dalka Kenya.

Afhayeenka waxa kale oo uu sheegay inay shilkaasi ku geeriyoodeen 3 qof oo u dhashay Uganda iyo 2 Muwaadin Sooma ali ah, kuwaasi oo aan weli la aqoo nsanin.Maydadka Marxuumiintaasi waxaa la dhigay Isbitaalka Nakatunya ee Degmad da Soroti.


RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA. Q.6aad | Calinuur{..ku celis}

Ramadan Ramadaanku waa Bil uu illaah (cw) inoogu Sharciyeeyay si aan uga Faa’iideysano Nicmooyin fara badan oo uu noogu dhex key diyay Bishaas, ee looma Sharciyeeynin in aan Baahano ama aan Har aadno sida dadka qaar maleeyeen Ramadaan ka.

Hadaba waxaa aad loogu baahan yahay ina an garano ulajeedooyin ka iyo Xikmadaha loo Sharciyee yay Ramad aanka si Nafteena ugu Bogaadsato ugu Faraxdo gaaritaanka Bishaan Barakeysan, sidaa dartead waxaa laga maarmaan ah inaan wax ka tilmaano Xikamadaha qaar ee loo jideeyay Soonka Ramdaanka.

Waxaa qof walbaa o Muslim ah og tahay waxaa noo Sharciyeeyay Soomitaanka Ramadaanka Illaah (cw) oo ah Mid aad u Xikmad badan una Naxariis Badan, magacyadiisana waxaa ka mid ah Xakiim, waa Xakiim wuxuu Qadaro , waa Xakiim wuxuu Amro, ama wuxuu Reebo.. waxaana laga yaaba in dadka qaar gartaan Xika madaha ku jira Amaradiisa, qaarna garan waayaan, waxaa sidoo kale dhici karta in ay adoomuhu garan waayaan Xikamada ku jirta Amar ka maid ah Amaradisa..

Hadaba si walba ay arintu ahaataba Adoomaha waxaa saran in ay u hogaansanaadaan Amarada Rabi (cw) xagiisa ka yimaada ha gartaan Xikmada ama yeeysan garane, mu’minna waxaa ah kan mar walba u hogaan sanaada Rabigiisa ee aan naftiisa Khiyaar u doonin.

Amarada illaah ee Xikamadahooda insaanka garadsiiyay waxaa ka mid ah Soomitaanka Bisha Ramadaan, waxaa ay Culimada Muslimiinta ka Sheegeen Xikmado fara Badan waxaana ka mid ah:

1 1 Xikmada Koowaad waa in aan ka Faaiidno Soonka Taqwada illaah (cw) sida kucad aayadahan (لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ) waa ayada koowaad ee ka Hadashay Soonka Ramdaanka, sidoo kalana aayada ugu dambeysa aayadaha Soonka waa (كَذَلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ آيَاتِهِ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ).

Waxaa labadaas aayadoodba na tusayaan in loo baahan yahay Soomitaanka Ramadaanka inaan ka koorosano Taqwo maadaama Aayadii ugu horeysay iyo tii ugu dambeysayba lagu soo gabagabeeyay Taqwada.

2 2 Xikmadaha Soonka waxaa kamid ah in Nafta kibirkeeda la Jabiyo, maxaa yeelay hadii Naftu Dharganaato mar walba waxaa ku dhaca in ay Hilmaanto, Kibirto oo faanfaan iyo doqonnimada ku baxdo, si aysan taas u dhicin waxaa uu Rabi (cw) noo jideeyay Sanadkiiba Bisha Ramadaan in la soomiyo Nafta si ay uga badbaado Cuduradaas aan soo sheegnay.

3 3 Waxaa kamid ah Xikmadaha Soonka in nafta hesho Fursad ay ku fekerto oo ay Alle (cw) ku xasuusato, maxaa yeelay hadii ay nafta isaga dhex jirto Shawadeeda iyo Nicmadeeda waxaa ka dama Nuurka Iimaanka, waxaana ku dhaca Qalafsanaan iyo Naxatriis daro, hadiise ay Soontaa waxey Xasuusataa Rabigeeda, waxaana jilca Qalbigeeda, waxeyna noqotaa Mid Raxmad badan.

4 4 Soonka waxaa uu Xeraa albaabaha Nafta uu kasoo galo Sheydaanka, waxaa ka yaraada marka ay Sooman tahay Waswaaska Sheydaanka, weyna xasishaa, sidaa dardeed ayuu Nabiga (scw) ku tilmaamay in Soonku yahay Mid gooya Shahwada.

5 5 Faaiidooyinka Soonka waxa ka mid ah wuxuu xoojiyaa Iraadada qofka Sooma, sababtoo ah Ruuxii ka taga Cunadiisa iyo Shahwadiisa Xiliga Soonka waxaa uu awood u yeeshaa Naftiisa inuu xakameeyo marka uu Doono ee aysan ayada Hogaamin.

6 6 Xikmadaha Soonka waxaa ka mid ah in ay jabiso Caadada, maxaa yeelay dadka qaar waxaa ay leeyhiin xiliyo gaar ah oo ay wax Cunaan hadii ay waayaana waxaa ku dhaco caro iyo Dulqaad la’aan, marka Soonka waxaa uu dilaa Cadadaas waxuuna Nafta baraa Dulqaad iyo sabar.

7 7 Waxaa ka mid ah Xikamdaha Soonka inuu Simo Taajirka iyo faqiirka, maxaa yeelay dhamaan

to waa iskuwada mid marka loo eego Adoon ahaanta, taaso bareysa Muslimka inuu Muslimka kale yahay walaalkiis, ha ahaado Taajir, ha ahaado faqiir, meeshuu doonaba Caalamka haka jooge,..

8 8 Waxaa kaloo ka mid ah Xikmadaha Soonka in Nafta Muslimka ah noqoto Amiin, waayo qofkii guta waajibkaas ee guta amaanadii illaah (cw) ee awoodaas yeesha, waxaa u sahlanaato inuu guto amaanooyinka kale ee Dadka, haduuse gudan waayo amaanadii weyneed ee illaah (cw) saaray waxaa hubaal ah inuusan gudan Karin Amaanooyinka kale ee Dadka, waxaa la sheegaa in ay jiri jireen dad Gaalo ah oo ay u shaqeyn jireen dad Muslimiin ah waxa ay Gaaladaas xiliga Ramadaanka Dhihi jiren kii afura waxaan u kordhineynaa Mushaarka, si ay shaqada dardar ugu socoto, kii afuri waayana waxba looguma kordhiyo, waxey ku boorin jireen inay Afuraan..markii uu Soonka Dhamaadana waxey Shaqadooda ku tixgalin Jireen kuwii Soonaa, ayaga oo ku Qadarinaayay Amanaada Diinkooda Sida ay gut een, waxeyna dhihi jireen kuwii afuray waa Khaainiin Diinkooda Khiy aanay, amaba Shaqada ayay ka eryi jireen kuwa…

9 9 Xikamadaha Soonka waxaa ka mid ah inuu Nafta siiyo Caafimaad, waxa ay yiraahdaan ahlu Cilmiga waxaa uu wax ka taraa hagaajinta Garaaca wadnaha, waxaa uu dhiiga ka Nadiifiyaa Xeyrta iyo Subaga, waxaa uu wax taraa Shaqada Beerka, waxaa uu Nadiifiyaa Mindhicirada…

Hadaba waxaa wax aad loogu farxa ah in Fursada Soonka ay tahay Aduun iyo Aakhiraba, Caafimaad ahaan iyo Ajar aaqaraba, sida ku cad kalimadaha aan kor kusoo sheegnay.

اللهم تقبل منا إنك أنت السميع العليم ، وتب علينا إنك أنت التواب الرحيم

waxaa diyaariyay Calinuur Xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: calinuur

DOWLADGOBOLLEEDYADA OO KA SOO HORJEESTAY XEERKA CANSHUURAHA DALKA

Wasiirrada maaliyadda ee dowladgobolleedyada dalka ayaa qaad acay xeerka canshuuraha ee Sabtidii ay wasaaradda maaliyadda fede raalka u gudbisay golaha shacabka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay shir ay Garoowe ku yeesheen wasi irrada maaliyadda maamulgobolleedyada ayaa lagu sheegay in dhac do cusub ay ku tahay in Wasiirka Maaliyadda uu xeerka canshuuraha dalka horgeyo golaha shacabka,isagoo aan la tashi kala sameeyn "Xe erkan uu wasiirku afduubay wuxuu si buuxda uga horimaanaya dastuurka maamullada iyo habfulinta xeerka cashuuraha dalka." ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladgobolleedyada ayaa ugu baaqay golaha shacabka inaysan ansixin xeerkan oo ay ku sheegeen mid aan dhaqan gali doonin.

Go' aanka shirkan ka soo baxay waxaa soo dhaweeyay madaxweyn ayaasha dowladgobolleedyada Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfurg al beed oo shir saddex geesood ah xalay ku yeeshay magaalada Gar oowe.

Dil-ka-660x430 (1)

GUDDOOMIYE KUXIGEENKII HORE EE DEGMADA

Kooxo hubeysan ayaa gudaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxay ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo siyaasada degmadaas Xalay .

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyaka Boondheere dhinaca waddada soo aadda Taallada Daljirka Daahsoon,isla markaan waxaa geystay kooxo ku hubeysan Bastoolado sida dad goobjoogayaal ahi ay warbaahinta u xaqiijiyeen

Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu sheegay in lagu magacaabi jiray Cali Hiloowle,kaasi oo ku magac dheeraa Cali Dheere. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay,iyagoo halkaas ka qaaday Meydka,sidoo kalena baaritaano ka sameeyeen halkaasi.

Cali dheere ayaa ahaa kuxigeenka Gudoomiyihii hore ee Boon dhe ere Cabdullaahi Xirsi istakiin oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan Gal mudug.

Waa dilkii labaad ee ka dhacay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir tan iyo markii laguda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip