Wasiir Jangeli oo sheegay inay suurtagal tahay in la sii daayo qaar ka mid ah dadka u xiran qaraxii Daallo Airlines

0
Monday February 08, 2016 - 11:45:55 in Wararka by
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Jangeli oo sheegay inay suurtagal tahay in la sii daayo qaar ka mid ah dadka u xiran qaraxii Daallo Airlines

    Cali Axmed Jaamac (Jangeli), Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya oo markale ku celiyay in tiro dad ihi loo soo xir xiray dhacdadii diyaaradda Daallo Airlines, ayuu sheegay inay suurtagal tahay in dadkaasi qaarkood la sii daay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Axmed Jaamac (Jangeli), Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya oo markale ku celiyay in tiro dad ihi loo soo xir xiray dhacdadii diyaaradda Daallo Airlines, ayuu sheegay inay suurtagal tahay in dadkaasi qaarkood la sii daayo.

Wasiirka, ayaa sheegay in dadka la xir xiray uu tuhun soo galay, waxaana dhici karta buu yiri in qaar ka mid ah wax dembi ah lagu waayo, ayna iska sii daayaan hay’adaha amniga ku shaqada leh.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay inay macquul tahay dadka xiran in qaarkood lagu helo tuhunka soo galay, loona Maxkamadeeyo doorkii ay ku lahaayeen qaraxii la saaray diyaaradda.

Wasiiirka waxaa uu hoosta ka xariiqay in wax kastaa ay kala cadaan doonaan, marka ay laamaha ammaanku soo gaba gabeeyaan baaritaanada, ay weli gacanta ku hayaan, sida uu yiri.

Wasiirka oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa qiray in qaraxaasi uu saamayn ku yeeshay hawlihii shaqo ee ka jiray Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho.

Mr. Jangeli, ayaa ballanqaaday inay ka feejignaan doonaan mid lamid ah dhacdadii lagu qarxiyay diyaaradda Daallo, si ammaanka Garoonku uu u noqdo mid la’isku halleen karo.

Dhacdadan, ayaa waxaa u xiran in ka badan labaatan ruux. Dadka xiran waxay u badan yihiin xubnihii ka shaqaynaayay Garoonka Magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip