Mashaqada Dhaawacyo Ee Man City Oo Ka Sii Dareysa Iyadoo David Silva Oo Uu Seegayo Kulanka Muhimka Ah Ee Tottenham.

0
Monday February 08, 2016 - 11:01:34 in Sports News by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashaqada Dhaawacyo Ee Man City Oo Ka Sii Dareysa Iyadoo David Silva Oo Uu Seegayo Kulanka Muhimka Ah Ee Tottenham.

    Manchester City ayaa waxaa soo wajahay dhaawac cusub iyadoo David Silva uu noqday ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee ku biira miiska daweynta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaa waxaa soo wajahay dhaawac cusub iyadoo David Silva uu noqday ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee ku biira miiska daweynta.

Silva ayaa isagoo lug jiidaya la arkayay ka dib dhibaato ka soo gaartay canqowga dhamaadkii kulankii ay City guuldarada ka soo gaartay kooxda ay tartanka horyaalka kula xafiiltamayaan ee Leicester.

Kubadsameeyaha ayaa ku biiraya kabtan Vincent Kompany, Kevin De Bruyne, Jesus Navas, Eliaquim Mangala, Samir Nasri iyo Wilfried Bony kuwaasoo ah liiska xiddigaha ka maqan Man City.

Tababaraha Man City Manuel Pellegrini ayaa awoodi waayay inuu sheego ilaa iyo inta uu maqnaanaya Silva laakiin 30 jirkaan ayaa seegi doona kulanka ay qasab ku tahay City inay badiyaan ee axada ee ay la ciyaarayaan kooxda kaalinta labaad ee Tottenham.

Manchester-City-v-Leicester-City-Premier-League

Pellegrini ayaa yiri: "Waxa uu ku ciyaarayaa xanuun badan oo ka soo wajahaya canqowga. Haatana waa ay ka soo dartay, sidaasi darteed waan arki doonaa waxa ku dhici doona isbuucaan.

"Aad ayay u adag tahay in la ogaado ilaa iyo inta uu maqnaanayo Silva waqti xaadirkaan.”

Pellegrini ayaa qirtay in kooxdiisa ay soo yaraaneyso iyadoo dhaawacyada jira ay ka dhigtay inuu heysto 14 xiddig waa weyn oo u shaxdiisa ka soo xulan karo.

"Waxaa haatan inaga dhaawacan todoba ciyaaryahan, gaar ahaan ciyaaryahano isku boos ah” ayuu yiri Pellegrini.

"Waxaa inaga maqan labo daafac dhexe Kompany iyo Mangala, dhanka weerarka waxaa inaga maqan De Bruyne, Navas, Bony, Nasri iyo haatan Silva. Taas ayaana xaalada sii adkeyneysa.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip