Madaxa Juventus Oo U Sheegay Kooxda Dhibtooneysa Ee Chelsea: Ma Iibsan Kartaan Maxi Allegri.

0
Monday February 08, 2016 - 11:00:05 in Sports News by
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa Juventus Oo U Sheegay Kooxda Dhibtooneysa Ee Chelsea: Ma Iibsan Kartaan Maxi Allegri.

    Chelsea ma awoodi doonto inay qandaraas qaali ah ku iibsato tababare Maxi Allegri, sidaasi waxaa yiri madaxa kooxda Talyaaniga ee Juventus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ma awoodi doonto inay qandaraas qaali ah ku iibsato tababare Maxi Allegri, sidaasi waxaa yiri madaxa kooxda Talyaaniga ee Juventus.

Milkiilaha Blues Roman Abramovich ayaa raadinaya bedelka mudada dheer ee Jose Mourinho ka dib markii ninka reer Portugal la ceyriyay bishii December iyadoo kooxda halka bilyan ginni lagu maalgeliyay ay waqtigaas u dhawaatay boosaska looga haro horyaalka.

Guus Hiddink ayaa mar kale si ku meel gaar ah loogu dhiibay kooxda si uu u badbaadiyo laakiin shaqadiisa waxa ay ku egtahay dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo kooxda ay u isticmaaleyso si la mid ah sannadkii 2009.

Manchester City ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Pep Guardiola uu noqon doono tababarahooda cusub xagaaga heshiis 15 milyan ginni oo mushahar ah uu ku qaadanayo xilli ciyaareedkii.

comp3-managaer_2677850a

Kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa iyagana u yeeranaya taabarihii hore ee Chelsea Mourinho si uu u bedelo Louis van Gaal, sidaasi darteed kooxda haatan heysata horyaalka ee Chelsea ayaa u baahan inay iyadana ismuujiso oo ay la timaado tababare burhaan wata.

Magaca Allegri ayaanse marnaba muuqbeeli doonin isagoo heysta arji sharaxan ka dib markii uu soo maray kooxaha Cagliari iyo AC Milan. Waxa uu sidoo kale xiriir dhow la leeyahay xiddigaha Chelsea diirada u saaran ee Juventus Paul Pogba iyo Paulo Dybala.

Laakiin agaasimaha Juventus Beppe Marotta ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu tababarihiisa uw aayi karo kacaanka cusub ee Roman Abramovich ee ka dhalanaya Stamford Bridge, isagoo sheegay in jaceylka uu u qabo Turin inay kala weyn tahay lacagta Chelsea.

"Xiriir aad u weyn ayaan la leenahay Allegriā€ ayuu yiri Marotta. "Haatan waqtigii ugu muhimsanaa xilli ciyaareedka ayaa soo socda, sidaasi darteed waa inaan taas kaliya diirada saarno.

"Si kastaba, qandaraasyada muhim uma ahan sida isfahamka ka dhaxeeya dadka. Allegri waxa uu heystaa xaalad uu ku sii wadan karo howshiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip