Muxuu Luka Modric Ka Yiri Goolkii Gantaalka Ahaa Ee Uu Guusha Ugu Horseeday Real Madrid Xalayto?

0
Monday February 08, 2016 - 10:59:05 in Sports News by
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Luka Modric Ka Yiri Goolkii Gantaalka Ahaa Ee Uu Guusha Ugu Horseeday Real Madrid Xalayto?

    Geesiga Real Madrid ee kulankii Granada waxa uu ahaa Luka Modric kaasoo dhaliyay gool muhim ah oo uu ka soo toogtay meel 20 mitir u jirta goolka iyadoo ciyaarta ay ka harsan tahay shan daqiiqo, taasoo Madrid ku hogaamisay guul 2-1 ah, waxaana ciyaart

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesiga Real Madrid ee kulankii Granada waxa uu ahaa Luka Modric kaasoo dhaliyay gool muhim ah oo uu ka soo toogtay meel 20 mitir u jirta goolka iyadoo ciyaarta ay ka harsan tahay shan daqiiqo, taasoo Madrid ku hogaamisay guul 2-1 ah, waxaana ciyaarta ka dib uu ka hadlay sida caadiga aheydba goolka soo jiitay dad badan ee uu guusha ugu horseeday Los Blancos.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Croatia ayaa qirtay in Zidane iyo shaqaalihiisa tababarka inay ugu baaqayeen inuu darbooyin culus tuuro ka hor ciyaarta. "Waxa ay ii sheegeen inaan inta badan kubada darbeeyo, sidaasi darteed waxaan maanta isku dayay labo ama seddex jeer” ayuu yiri Modric.

Waana darbadiisii ugu danbeysay midii jabisay qalbiyada jamaahiirta Granada ka dib markii ay arkeen kooxdooda oo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah ka dib gool xilli hore ahaa oo uu dhaliyay Benzema.

1454886577_913926_1454886666_noticia_normal

Modric ayaa qirtay inay habeen adag u aheyd Real Madrid: "Ma filan karno inaan kulan walba ku badino 5-0 ama 6-0. Ma ahan wax sahlan in lagu ciyaaro garoon aad marti ka tahay laakiin maanta waxaan soo bandhigay tayo wanaagsan. Ma aanan dhalinin goolal badan laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaan guulaha sii wadno. Weerarkeena waa uu ka fiicnaan karaa sidaan, difaaceena isna waa la mid, laakiin waan ka fiicanahay sidii hore welina horumar ayaan sameyneynaa, waxaana si fiican u ciyaari doonaa kulanka soo socda” ayuu yiri.

Isagoo wax laga weydiiyay qaab ciyaareedkiisa fiican madaama uu xalayto ahaa xiddiga garoonka, Modric ayaa isku soo koobay inuu dareen fiican ku jiro ka dib amaradii Zidane. "Ma jecli inaan ka hadlo haddii kulankii uu ahaa midkii ugu fiicnaa waayaheyga ama haddii uusan aheyn.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip