De Gea, Mahrez Iyo Firmino Oo Hogaaminaya Kooxdii Isbuucaan Ugu Fiicneyd Horyaalka Premier League.

0
Monday February 08, 2016 - 10:57:52 in Sports News by
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    De Gea, Mahrez Iyo Firmino Oo Hogaaminaya Kooxdii Isbuucaan Ugu Fiicneyd Horyaalka Premier League.

    Leicester City ayaa shan dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka horyaalka Premier League iyagoo 3-1 kaga badiyay kooxda Manchester City.Tottenham ayaa u soo dhaqaaqday kaalinta labaad ka dib markii ay 1-0 ku dardareen kooxda Watford, halka Arsenal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Leicester City ayaa shan dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka horyaalka Premier League iyagoo 3-1 kaga badiyay kooxda Manchester City.Tottenham ayaa u soo dhaqaaqday kaalinta labaad ka dib markii ay 1-0 ku dardareen kooxda Watford, halka Arsenal ay weli ku jirto tartanka horyaalka ka dib markii ay 2-0 ku dhaaftay kooxda Borunemouth.

Liverpool ayaa hogaan 2-0 ah iska qasaarisay islamarkaana barbaro 2-2 ah kala kulantay Sunderland, halka kulankii ugu weynaa shalayto ee Chelsea iyo Manchester United uu ku soo dhamaaday barbaro 1-1 ah. Laakiin ayay ahaayeen xiddigihii wacdaraha dhigay isbuucaan? Qabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo xushay shaxdii isbuucaan ugu fiicneyd horyaalka Premier League.

Dhanka goolka waxaa ku soo baxay isbuucaan David de Gea ka dib wacdarihii uu goolhayaha Manchester United shalayto ka dhigay garoonka Stamford Bridge, waxa uu fursado goolal loo fishay ka beeniyay Branislav Ivanovic, Cesc Fabregas iyo Deigo Costa.

_88152456_garthxi

 

Daafaca midig ee isbuucaan ugu fiicnaa horyaalka Premier League waxa uu ahaa Kieran Trippier kaasoo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Spurs ee kooxda Tottenham soo geliyay kaalinta labaad kulankii ay ka badiyeen Watford, waxaana uu xiddigaan xureystay garabka midig isagoo u muuqday garab weerar. Daafaca dhexe waxaa ka dhex muuqda Wes Morgan kaasoo ku guuleystay inuu inta badan aamusiyo weerarkii Man City kulankii ay guusha raacday kooxdiisa Leicester. Waxaa kula wehliya shaxda isbuuca saaxiibkiisa wadnaha daafaca Robert Huth kaasoo labo gool ka dhaliyay kooxda Manchester City kulankii ay Leicester ku badisay 3-1. Waxaana daafaca bidix ku soo baxay isbuucaanCameron Borthwick-Jackson kaasoo wacdarro u dhigay Man United, waxa uu kulankii Stoke soo dhigay karoos fiican oo uu Jesse Lingard shabaqa dhex dhigay, isla karooskaas oo kale iyo maxsuul la mid ah ayuuna sameeyay shalayto kulankii Chelsea.

Dhanka khadka dhexe waxaa ku jira kooxda isbuuca xiddiga kooxda Leicester City Danny DrinkWater kaasoo khadka dhexe ku jahwareeriyay kooxda Man City islamarkaana kooxdiisa ka caawiyay inay shan dhibcood ku qabato hogaanka horyaalka. Waxaa khadka dhexe kula wehliya xiddiga Arsenal Aaron Ramsey kaasoo Arsenal ka caawiyay guushii ay ka gaareen Bournemouth islamarkaana shaqo wacan ka qabtay khadka dhexe.

Jese Lingard ayaa isna ka soo muuqday shaxda isbuuca ee BBC Sport, da’ yarkaan ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay laakiin waxa loogu hadal-heynta badan yahay ayaa ah inuu gool qurux badan oo laab fiican ah ka dhaliyay koox u weyn sida Chelsea, waxaa sidoo kale kubadsameeyayaasha kooxda isbuuca ka mid ah Riyad Mahrez kaasoo gool qurux badan ku caawiyay kooxdiisa Leicester City ka dib markii uu lambarka ka qortay Demichelis ka hor inta uusan dabamarinin kubada Joe Hart, waxaana uu hanjabaad ku ahaa had iyo jeer daafaca jilicsan ee Man City. Xiddiga khadka dhexe ee Newcastle United Jonjo Shelvey ayaa isna isbuucaan ismuujiyay isagoo caawiye ka ahaa goolkii uu Mitrovic ka dhaliyay West Brom.

Weerarka waxaa hogaaminaya xiddiga reer Brazil ee kooxda Liverpool Firmino, xiddigaan ayaana ah kan kaliya ee garbaha ku sida haatan Liverpool iyadoo Benteke uu hoos u dhac soo wajahay islamarkaana Coutinho uu dhaawac ku maqan yahay. Firminho ayaa shabaqa soo taabtay islamarkaana caawiye ka noqday goolkii Lallana kulankii ay barbaraha 2-2 kala kulmeen kooxda Sunderland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip