DAAWO MUUQAAL: Louis van Gaal Oo U Sheegay Joornaaliiste "Waxaa Lagu Ceyrin Doonaa Berri" Isagoo Ka Xanaaqay Su'aal Laga Weydiiyay Mustaqbalkiisa Man United.

0
Monday February 08, 2016 - 10:56:21 in Sports News by
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO MUUQAAL: Louis van Gaal Oo U Sheegay Joornaaliiste "Waxaa Lagu Ceyrin Doonaa Berri" Isagoo Ka Xanaaqay Su'aal Laga Weydiiyay Mustaqbalkiisa Man United.

    Louis van Gaal ayaa furka ku tuuray joornaaliiste intii uu socday shirkii jaraa'id ee ka danbeeyay kulankii ay Man United barbaraha 1-1 kala kulantay Chelsea ee shalayto ka dhacay Stamford Bridge.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa furka ku tuuray joornaaliiste intii uu socday shirkii jaraa'id ee ka danbeeyay kulankii ay Man United barbaraha 1-1 kala kulantay Chelsea ee shalayto ka dhacay Stamford Bridge.

Diego Costa ayaa waqtigii dhimashada dhaliyay goolka barbaraha iyadoo Jesse Lingard uu hogaanka u dhiibay bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta.

Inkastoo aysan guul ka soo laabanin, Van Gaal ayaa ku tilmaamay qaab ciyaareedka kooxdiisa mid cajiib ahaa, iyagoo sii wato qaab ciyaareedkooda fiican.

Ninka reer Holland ayaa la weydiiyay haddii uu u maleynayo in qaab ciyaareedka horumarsan ee kooxdiisa inay muhim u tahay inuu ka dhaadhiciyo milkiiliyaasha inuu howshaan qaban karo halka ay iyaguna isku dayayaan inay bedelaan isaga.

Van Gaal2

Van Gaal ayaan hadalkaas si fudud u qaadanin.

"Ma waxaad la hadashay Ed Woodward?” ayuu weydiiyay Van Gaal wariyaha.

"Waa maxay sababta ay kooxda ugu qasban tahay inay beeniso? Adiga ayaa abuuraya sheekooyinkaan. Lama aadan hadlin Ed Woodward ama qoyska Glazers, waxaadna abuureysaa sheekadaan. Ka dibna aniga ayaa ku qasban inaan ka jawaabo su’aashaada.

"Kama jawaabayo su’aashaan, kumana soo celcelinayo jawaabteeda isbuuc walba.

"Waa inaan iraahdo adigaa lagu ceyrinayaa berrito. Magacaaga ii sheeg? Markaas waxaan xitaa ku dhawaaqi karaa magacaaga iyo in berri shaqada laga ceyrin doono.



"Aan aragno sida xaaskaaga, caruurtaada iyo dadka aad qoyska tihiin ay noqon doonaan.”

Halkaan laacibtv.net ka daawo muuqaalka uu Van Gaal ku xanaaqay wariyihii su’aasha ka weydiiyay mustaqbalkiisa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip