Manchester City Oo Qandraas Cusub U Diyaarineysa Sergio Aguero Xilli Lala Xiriirinayo Neymar Iyo Lewandowski.

0
Monday February 08, 2016 - 10:54:00 in Sports News by
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester City Oo Qandraas Cusub U Diyaarineysa Sergio Aguero Xilli Lala Xiriirinayo Neymar Iyo Lewandowski.

    Kooxda Manchester City ayaa dooneysa inay qandaraaska u kordhiyo weeraryahankeeda reer Argentina Sergio Aguero sida ay saaka qortay jariirada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingariiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Manchester City ayaa dooneysa inay qandaraaska u kordhiyo weeraryahankeeda reer Argentina Sergio Aguero sida ay saaka qortay jariirada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingariiska.

Xiddiga reer Argentina ayaa qandaraaskiisa haatan waxa uu dhacayaa sannadka 2019, laakiin waxa uu dhawaan sheegay in ka dib qandaraaskiisa Man City inuu doonayo inuu ka ciyaaro wadankiisa iyo kooxda Independiente.

Si kastaba, Man City ayaa dooneysa inay Aguero kala hadasho inuu ugu yaraan hal sanno kale la sii joogo kooxda.

01_07220423_35fa0b_2678075a

Waxa uu haatan mushahar ahaan u qaataa 150 kun ginni isbuucii taasoo ay u sii dheer tahay lacago dheeri ah oo abaalmarin ahaan ah.

Waxaana ka dhaadhicin karta inuu sii joogo Man City suurtogalinimada uu kula shaqeynayo tababaraha cusub Pep Guardiola.

Laakiin qandaraas kordhinta Aguero ee Manchester City ayaa ku soo aadeysa xilli ay kooxda dooneyso inay xiddigo waa weyn keenaan Etihad Stadium si ay u bilaabaan kacaan cusub oo uu hogaamiye tababare Pep Guardiola.

Xiddigaha ilaa iyo haatan lala xiriiriyay waxaa ka mid ah weeraryahanada Barcelona Neymar iyo Luis Suarez, halka sidoo kale lagu xamanayay inay xagaaga kula tartami doonaan Real Madrid saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Bayern Munich Robert Lewandowski.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip