Xukumada Pyongyang ayaa sheegtay in ay ridday gantaal si ay meeleyso satellite mid ka mid ah meerayaasha, laakin dadka arrintan cambaareeyey ayaa qaba in ujeedada dhabta ah ee ka danbeysaa ay tahay in ay tijaabiso gantaalada balaastikada ah.,
Tijaabadi gantaal ee Axadi ayaa imaanaya todobaadyo un kadib marki ay Kuuriyada Waqooyi markeedii afraad ay tijaabisay hubka Niyukleerka, ficilkaas oo xadgudub ku ah qaraaradaka Qaramada Midoobay.
Kuuriyada Waqooyi ayaa ah wadan uu hogaamiyo kaliiitaliyaha ugu da,da yar, waa Kim Jong-un. Dalkaan ayaa cadawtooyo waxa ay kala dhaxeysaa dhamaan dalalka Galbeedka iyo qaar ka mid ah kuwa gobolka.



0 



Golaha Ammaanka oo cunaqabateyn dheeraad ah saaray Kuuriyada Waqooyi
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midooobay ayaa si xoog leh u cambaareeyey tallaabadi ay Dowlada Kuuriyada Waqooyi ay ku tijaabisay gantaal nooca riddada dheer ah.