Booliska ayaa sheegay in kuwa la qabtay ay taageero dhinaca sahayda ah u fidiyeen kooxo argagixiso ah oo ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq. Waxa kale oo ay sheegeen in ninka madaxda u ah kooxda la qabtay ay Daacish weydiisatay inuu usoo diro haween dalalka ay maleeshiyaadkooda ka dagaalamaan.
Afar ka mid ah dadka la qabtay ayaa heysto dhalashada Spain hase yeeshee asal ahaan kasoo jeeda dalalka Urdun, Morocco iyo Suuriya. Halka abada kale ay yihiin muwaadiniin u kala dhashay Morocco iyo Suuriya.
Saraakiisha wax war ah kama aysan bixin qofka todobaad ee ka tirsan ragani la qabtay.
Baaritaankan oo wali socda ayaa waxaa la bilaabay sanadki 2014, waxaana booliska Spain ay qeexeen Naqshada dibadda Daacish ee dhulka Spain.



0 



Spain oo dhabarka ka jabisay koox lala xiriirinayo IS
Booliska dalka Spain ayaa xiray todoba ruux oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin Ururka Dacish iyo ururo kale oo ah kuwa jihaad doonka ah.