VIDEO: Sida waxyaabaha qarxa loo saaray Diyaarada Dallo Airline oo la soo saaray & Shisheeye loo xiray
Ciidamada sirdoonka Dowladda Soomaaliya ee NISA ayaa soo saaray muuqaallo ku saabsan qaabkii loo fuliyay qarax lala eegtay diyaaraddii Daalo Airlines ee 2-dii bishaan dhexdeeda uu ka dhacay qarax qasaare geystay.
Xigasho:-somaliweyn.com
Waxaa sii kordhaya tirada dadka loo xirxiray kiiskaan, kuwaasi oo ay ku jiraan ajaanib, shaqaalaha shirkadda Daallo, shaqaalaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xubno kale, iyadoona iminka tiradoodu gaareyso ilaa 15-ruux.
Dowladda Federaalka Soomaaliya madaxdeeda sarsare ayaa shaaca ka qaaday inay weli socdaan baaritaano la xariira weerarkii lagu qaaday shirkadda Daallo, iyadoo ciidamada sirdoonka ee NISA ay soo bandhigeen muuqaallo laga qaaday Kaamarada qarsoon ee loo yaqaano CCTV-ga garoonka diyaaradaha.
Muuqaalkaan ayaa muujinaya laba qof oo gashan dareyska shaqaalaha garoonka oo Computer Laptop ah u dhiibaya ninka diyaaradda ka soo dhacay, kaasi oo ahaa shaqsigii fulinayay qaraxa.

0 