Ciidamada dowladda oo mar kale dib ula wareegay Magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose.
Wararka saakay ka imaanaya Magaalada Marka ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay la Wareegeen Gacan ku haynta Magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose.
Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo wata Gaadiid Dagaal ayaa dagaal la’aan ku qabsaday Magaalada Marka,waxaana sidoo kale la sheegay in Al-Shabaab ay iskaga baxeen magaaladaasi.
Wararku waxay sheegayaan in degmada Marka oo mudo saddex cisho ah gacanta ugu jirtay Al-Shabaab ayaa xaalada degmadaasi ay ahayd mid waqti kasta isbadalaysay, waxayna dadka magaaladaasi ahaayeen kuwo aan seexan muddo dheer, iyagoo ka baqanaaya in korkooda lagu dagaalamo.
Dhanka kale saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee la wareegay Magaalada Marka wali kama hadlin qabsashada Degmada Marka, waxaana la soo sheegayaa inay degan tahay xaaladda degmadaasi.

0 