Warar dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanada Diyaaradii la qarxiyay ee Daallo (Sawirro)

0
Monday February 08, 2016 - 09:36:11 in Wararka by
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanada Diyaaradii la qarxiyay ee Daallo (Sawirro)

    Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan diyaaradii ka badbaaday qarax ka dhex dhacay toddobaadkii hore, waxayna shirkada Daallo ku eedeysay shirkada Turkish Airlines inay lahayd rakaabkii saarnaa diyaaradii Daallo ee qaraxu ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan diyaaradii ka badbaaday qarax ka dhex dhacay toddobaadkii hore, waxayna shirkada Daallo ku eedeysay shirkada Turkish Airlines inay lahayd rakaabkii saarnaa diyaaradii Daallo ee qaraxu ka dhacay.

Guud ahaan rakaabka 74-ka ruux ahaa ayaa markii hore waxaa baaritaanada ay u mareen shirkada Turkish Airlines taasoo toddobaadkiiba saddex jeer duulimaad ku timaada dalka Soomaaliya ayuu yiri Maxamed Ibrahin Yasin Colaad oo ah Madaxa shirkada Daallo.

"Ma aysan ahayn rakaabkeena dadkii saarnaa diyaaradii Daallo ee uu qaraxu ka dhacay hase yeeshee Shirkada Turkish Airlines ayaa baajisay duulimaad ay ku iman lahayd Muqdisho subaxnimadii Talaadada, sababo la xiriira dabaylo dhacayay sida ay sheegeen shirkadda Turkish Airlines,”ayuu yiri Colad.

Madaxa shirkada Daallo ayaa intaas ku sii daray in Turkish Airlines ay ka codsatay inay u soo qaadaan rakaabkaas oo ay Djibouti keenaan iyaguna halkaa ay ka sii qaadi doonaan.

"Turkish Airlines wax xiriir ah nalama soo sameyn tan iyo markii uu shilku dhacay. Wayna caddahay inay iska fogeynayaan shilkan.”ayuu yiri Colaad.Illaa iyo hadda ma jirto cid kamid ah shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines oo ka hadashay arrintan.

Hase yeeshee, Madaxa shirkadda Daallo ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu dhowrayo ammaanka taasna ay kala shaqeynayaan dowlada Soomaaliya.

Taleefishinka Qaranka ee ku hadla afka dowlada Soomaaliya ayaa sii daayay muuqaalada CCTV ee laga soo duubay garoonka diyaaradaha. Waxaana muuqaalada laga arki karay saddex nin oo isu dhiibaya wax u muuqday labtop meel lagu shaaho oo ku taal gudaha garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde.

Dowlada Soomaaliya ayaa magaciisa ku sheegtay Cabdullaahi Cabdisalam Boorle ninkii ka dhacay diyaaradii Daallo ee duulimaadkeedu ahaa 3159,waxana ninkan meydkiisa laga helay meel u jirta 30km magaalada Muqdisho. Labada nin ee ninka diyaarada la rumeysan yahay inuu isku qarxiyay u gudbiyay Laptop la soo geliyay walxaha qarxa ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu dilay saaxibkii jimcihii la soo dhaafay, markii uu gaariga qarax ugu xiray, si aan loo ogaan qorshahooda, isla markaana u baabi’iyo wax cadeymo ah.

Ninkan oo ku jira gacanta Hey’addaha ammaanka ayaa qiranaya inuu mas’uul ka ahaa waxyaabihii ka dhacay garoonka iyo diyaaradii la qarxiyay ee Daallo.

Laamaha ammaanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda soo bandhigaan cadeymo dheeraad ah iyo muuqaale kale.

Afhayeenka dowlada Soomaaliya Cabdisalan Caato ayaa sheegay in dad kabadan labaatan ruux oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen qaraxan la doonayay in lagu burburiyo diyaarada Daallo.Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada weerarkii la doonayay in lagu qarxiyo diyaarada Daallo.

Dhinaca kale duuliyihii diyaarada Daallo ee ka badbaaday qaraxa ayaa ku tilmaamay ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho mid liita.

Qaraxa oo dhacay 15 daqiiqo kadib markii ay diyaarada hawada gashay ayaa waxa ay ku duuleysay fogaan ah 11,000 feet.

"Haddii aan meel ka dheer fogaanta kuduulilahayn qaraxuna uu dhicilahaa dhamaan diyaarada waa ay kala go’ go’I lahayd,”ayuu yiri duuliye Vlatko Vodopivec.

Duuliyahan oo u dhashay dalka Serbia ayaa ku eedeeyay shilkan inuu ahaa midku yimid ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho oo aad u liita isagoo ku tilmaamay in garoonku uu yahay mid qasan oo jahwareer ah.

"Ammaanku waa eber, dad gaaraya 20 illaa 30 ruux ayaa yimaada halka ay diyaaradu ku soo degeyso,”ayuu u sheegay duuliye Vodopivec wakaalada wararka ee AP,

Duuliyahan oo marar badan duulimaadyo ku tegey Muqdisho ayaa intaa ku daray "Ma jirto cid xiran calaamad ama funaanadaha hurdiga ee lagu yaqaan shaqaalaha, dad ayaa iska soo gala gudaha diyaarada iskana daga marka ay doonaan, dadkaas waxbay gelinkaraan gudaha diyaarada marka ay rakaabka dagaan.”

Si kasta ha ahaatee dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay adkeyn doonto ammaanka garoonka diyaaradaha ee Aden Adde International Airport.

cctv4cctv3cctv2cctv1cctv

daalo 2

xigasho;-jowhar.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip