Wasiirka, ayaa sidoo kale muujiyay in Dowladdu ay xaalad cakiran ku daawaneyso Magaalada Marka, bedelkii loo baahnaa inay mowqif adag ka qaadato, sidii Magaaladaasi loogu soo celin lahaa gacanta Maamulka Dowladnimo.
Wasiirka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA waxaa uu iftiimiyay in tiro yar oo ka tirsan dagaal-yahanada Al Shabaab, ay ku sugan yihiin Magaalada Marka, isla-markaana aanay lahayn awood badan oo ay ku sii jooggi karayaan.
Wasiir Geesey, ayaa tilmaamay Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed in shir deg deg ihi ka yeesheen qabsashada Al Shabaab ee Marka Cadey, inkastoo sida uu sheegay uu Maamulkoodu yahay mid curdun ah.
Geesey, ayaa carab dhabay in Dowladda Somaliya looga baahan yahay siyaasad cad oo ay ka qaadato Gobolka Shabellaha Hoose, haddii Maamulka Koonfur Galbeed uu yahay mid hadda uun socod barad ah.
Ururka Al Shabaab oo sanadkii 2012-ka si dhib badan looga saaray Magaalada Marka, ayaa saddex maalmood ka hor bilaa dagaal kula wareegay, markii Ciidanka Amisom ay isaga soo baxeen.
xigasho:-jowhar.com



0 



Maamulka Koonfur Galbeed oo Dowladda ku eedeeyay inay ka masuul tahay jahwareerka Magaalada Marka
Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeedka, ayaa Dowladda Somaliya ku eedeeyay mid ka masuul ah xaaladda adag ee ka jirta Magaalada Marka, tan iyo markii ay Al Shabaab la wareegtay Jimcihii.