Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, AMISOM iyo Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Marka

0
Sunday February 07, 2016 - 20:16:13 in Wararka by
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, AMISOM iyo Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Marka

    Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo ay wehliyaan Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab uu maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Buufow-Bacaad oo illaa 3-KM dhanka waqooyi ka xigta magaalada Marka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo ay wehliyaan Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab uu maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Buufow-Bacaad oo illaa 3-KM dhanka waqooyi ka xigta magaalada Marka.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ahaayeen Ciidamo Milateri ah oo saaka ka baxay magaalada Muqdisho, waxaana ay weeraro kala kulmeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ay la wareegeen deegaanka Buufow oo ka timaada wadada labaad ee gasha magaalada Marka ee dhinaca Bacaadka ah.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii maanta duhurkii ka dhacay deegaankaas.

Guddoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la wareegeen Buufow, isla markaana ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Marka ayaa ku adkeysanaya inay gacanta ku hayaan magaalada Marka, hase ahaatee Al-Shabaab ayaa wali magaalada ku sugan.

Gacan ku heynta magaalada Marka ayaa labadii maalmood is bedeshay, iyadoo Al-Shabaab dib mar kale u qabsadeen shalay duhurkii, markii ciidamo deegaanka ah iyo AMISOM weerar ku soo qaadeen.

Xaalada magaalada ayaa iminka ah mid degan, iyadoo dadka ay tan iyo saaka taxadar ku jireen, maadaama ay wali jirto cabsi laga qabo in dagaal uu dhaco.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip