Mareykanka, Qaramada Midoobey, Koofur Kuuriya iyo Japan ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada Waqooyiga Kuuriga mar kale ku riday gantaal.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan deg deg ah ka yeelanaya gelinka dambe ee maanta Gantaalka ay tijaabisay Waqooyiga Kuuriya.
Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in gantaalkan uu qeyb ka mid ah uu dul maray hawada Japan, gaar ahaan Jaziirad ku taala koofurta.
Mr Abe ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin tallaabooyinka ay qaadeyso Waqooyiga Kuuriya, taasoo bishii la soo dhaafay tijaabisay Gantaal bam Nukliyeer ahaa.
Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtay in gantaalkan uu yahay mid satelite ah, kaasoo mustaqbalka lagu horumarinayo Telefishinada dalkaas.
Bishan Febraayo 16-keeda ayaa lagu wadaa in Waqooyiga Kuuriya mar kale tijaabiso Gantaal kale, iyagoo ku soo beegeysa dhalashadii Hogaamiyihii kala taliska ahaa Kim Jong II.



0 



Waqooyiga Kuuriya oo riday Gantaal dheereeye oo gaari kara Mareykanka
Waqooyiga Kuuriya ayaa riday gantaal rida dheer, iyadoo durbaba la kulantay cambaareyn xoogan oo ku aadan inay ku xadgudubtay qaraarka Qaramada Midoobey.