
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 29-KA ABRIL 2019-KA
MAAMULKA K/GALBEED OO QAADAY TALLAABO CUSUB, KADIB GO’DOONKA SAARAN MARKA..
AlShabaab ayaa dhawaan go’doon saarey degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ataasi walaac xoogan ka muujiyey Shacabka Magalada Marka, iyada oo culeys dhinaca nolosha ah la dareemay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in Maamulkooda uu qaaday tallaabo culeyska iyo dhibaatooyinka looga yareyn karo Shacabka Magalada Marka oo ay AlShabaab Go’doomiyeen.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxaad Maxamed ayaa sheegay in ay Magalada Marka iyo deegaanka Ceel Jaale ka hirgeliyeen dekado macmal ah taas oo Shacabka looga soo dejinayo waxyaabaha muhiimka u ah Magalada Marka.
Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay inay siwadajir uga qyeb qaateen fudueynta in markab iyo doomo yar yar ay deegaanka ceel Jaale kasoo dejiyaan waxyaabaha Ganacsi ahaan loo keeno Magalada.
Sidoo kale Wareysi uu siiyey Idaacadda Risaala Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed ayuu kaga hadlay xaalada amni ee Magalada Marka iyo qorsha xiga ee Maamulka Koonfur Galbeed maadaama ay Magalada Go’doon tahay
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 29-KA ABRIL 2019-KA
HAWEENEY DISHAY NINKEEDA OO KA SOO ILLAABAY INUU U SOO IIBIYO LUGAHA DIGAAGA OO SHIILAN Dhacdo Layaab abuurtay ayaa wax ay bishan 13dii ka dhacday Bariga dalka Shiinaha, kadib, markii haweeney tooreey la dhacday saygeeda ilaa uu ka geeriyo odo. Ha