Hordhac: Chelsea v Man United – LVG Ma Soo Gabagabeyn Doonaa Rikoorka Xun Ee United Ee Stamford Bridge? Blues-se Guushii 50aad Maka Gaari Doontaa Red Devils?

0
Sunday February 07, 2016 - 12:32:20 in Sports News by
  • Visits: 692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea v Man United – LVG Ma Soo Gabagabeyn Doonaa Rikoorka Xun Ee United Ee Stamford Bridge? Blues-se Guushii 50aad Maka Gaari Doontaa Red Devils?

    Kulanka: Chelsea v Manchester United Garoonka: Stamford Bridge Waqtiga: 7:00pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: M.Oliver

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Chelsea v Manchester United Garoonka: Stamford Bridge Waqtiga: 7:00pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: M.Oliver

Dad tiro yar ayaa laga yabaa inay saadaaliyeen bishii August in kulankaan uu noqon doono mid u dhaxeyn doonta iyadoo kooxaha ay ku kala jiraan kaalimaha 13aad iyo kaalinta shanaad, laakiin taasi meesha kama saareyso muhiimada kulankaan uu leeyahay.

Guushii ay habeenkii talaadada ka gaareen Stoke City ayaa aheyd mid jihada u saxday Man United waxa ay soo bandhigeen kubad weerar ah oo aheyd tii looga bartay sannado hore. Laakiin miyay joogteyn karaan qaab ciyaareedkaan marka ay maanta booqanayaan Stamford Bridge halkaasoo ay ku badiyeen kaliya hal kulan oo Premier League ah tan iyo 2002?

Chelsea ayaa aheyd mid adag balse aan wacdarro dhigeynin tan iyo markii uu Guus Hiddink yimid. Inkastoo ay si xarago leh ku dhaafeen MK Dons kulankii FA Cup, laakiin Hiddink waxaa hareeyay barbarooyin badan inkastoo aan weli laga badinin.

Waxa ay si aayar ah kor u soo karayaan miiska kala sareynta laakiin waxa ay u baahan yihiin guulo haddii ay doonayaan inay ka fogaadaan rikoor aysan rabin oo ah inay noqdaan kooxdii ugu horeysay ee iyadoo difaacaneysa horyaalka Premier League ku dhameysato meel ka hooseysa kaalinta 7aad xilli ciyaareedka.

Chelsea-vs-Man-United

MAXAA KA CUSUB?

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Chelsea Eden Hazard ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulankaan ka dib markii uu kursiga keydka ku soo bilowday kulankii Watford.

Pedro ayaa shaki uu ku jiraa isagoo dhaawac yar ka qaba gumaarka, halka Loic Remy iyo Radamel Falcao ay weli dhaawacyo yihiin, saxiixyada cusub Alexandre Pato iyo Matt Miazga ayaan taam buuxda u aheyn inay ciyaaraan.

Manchester United ayaa magacaabi karta shax la mid ah tii ay ku soo bilaabeen kulankii ay ka badiyeen isbuucii hore kooxda Stoke City.

Kooxda Red Devils ayaa waxaa weli ka maqan Marcos Rojo, Bastian Schweinesteiger, Antonio Valencia, Phil Jones iyo Luke Shaw.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea (4-2-3-1):Courtois; Ivanovic, Zouma, Terry, Azpilicueta; Mikel, Fabregas; Willian, Oscar, Hazard; Costa.

Man United (4-2-3-1):De Gea; Borthwick-Jackson, Blind, Smalling, Darmian; Carrick, Fellaini; Martial, Mata, Lingard; Rooney.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip