Nin Ciniin ah ayaa Naag kufsaday!!!.

0
Friday April 26, 2019 - 08:43:55 in Wararka by
  • Visits: 1023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Ciniin ah ayaa Naag kufsaday!!!.

    Nin Ciniin ah ayaa Naag Kufsaday, Mid kale oo Ciniin ah ayaa ka kacsaday, adiguna oowlaad ayaad ka sugee!!!!!. Shir ayaa Maamahaan ka socdo Nairobi, waxaa la yiri: Siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay, ma hubtaa in ey siyaasiyiin ahaayeen? Siyaasi macnahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Ciniin ah ayaa Naag Kufsaday, Mid kale oo Ciniin ah ayaa ka kacsaday, adiguna oowlaad ayaad ka sugee!!!!!. Shir ayaa Maamahaan ka socdo Nairobi, waxaa la yiri: Siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay, ma hubtaa in ey siyaasiyiin ahaayeen? Siyaasi macnahiisa ma taqaan? Waxa la yiri: Axsaab mucaarad ah, Beryahaan Xisbiyadii Badankoodo waxa ey noqdeen sida Tabakaayo hal Qof iska furtay, weli ma aragtay Barnaamij ey leeyihiin oo lagu raaco iyaguna ey fulin karaa?.

Shirka ma looga hadlay Arrimaha badda iyo Dhibaatada naga heeysato Deriska. Lagama hadal sidii xal looga gaari lahaa, Fargallinta khaliijka, Dekedaha dayacan, Damaca Itobiya, Duqeynta Dayaaradaha Drone-ka iyo goobaha shacabka, xalka Maamul Gobaleedyada iyo Dowladda, Colaadaha beelaha, Abaaraha, Heshiisyada Kaluumeysiga & Shidaalka, arrinta Somali land.



kuwa ey mucaaradeen shalay mucaarad ayey isla ahaayeen, berrina si kale ayeey isagu milmayaan, ujeedadu waa Anniguna aan markeeyga wax ka xaddo jeebka shacabka.
Shacabka ayaa la siriyaa, Adiga oo Afgoi jooga oo waddada marka cadeey ku sii socdo ayaa lagu leeyahay Hargeso ayey ku geeynee wadadanai, sahacbkuna sax weeyaan ayaa laga rabaa.
Ma jiro bananabax Xamar ey ka sameeyeen Mucaaradku ama ey ku Lug lahaayeen, shacab tiisa ka cabanayo ayeey kula daarteen, Muxaadafkiina waxa ey ku eedeeyeen Mucaarad aanba jirin, ma shacabka tiisa ka cabanayaa Mucaarad ah.
Reer Muxaafadna Laba sanno wax ey qaban waayeen ma laga sugaa?, dhagax weeyni haduu Buur figteed ka soo dhaco, oo bartamaha Buurta uu marayo, lagama yaabo in uu dib u noqdo, waxaad sugee waqtiga uu dhulka tagi doono, dhawaa iyo dheera ,waxa ey ku xiran tahay xoowliga uu ku soo dhacayo.
Sheeyga aad leedahay waa cad yahay ama waa madoowyahay, waxaa ka horeeyo in uu sheeyga aad sifeeynee uu jiro dhab ahaan, Horta Dalkaan maka jiraan Mucaarad iyo Mucaafad, sida Cilmi ahaan loo yaqaan?. Mise Danleey ayaa is daba ordee?
Iska sheego, Mucaarad , Muxaafad, Xisbi ama Siyaasi aan jirin, ogoow shacabku waa fahmeen ee beenta naga dhaafa, kooxaha Danleeydeey. Kuwaan Alla ha toosiyo ama Kuwa kale oo magacaa ka run sheegaa Allaah waa noo keeno, Ummaddu danleey ma wada ahan, Ciniinada is wada bedelaa Dalka Allaah haka badbaadiyo. Toowfiiqda Alla hana tuso.
FG:Arragtidaada xur ayaad u tahay, wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip