Louis van Gaal Oo Ka Hadlay Waxa Ka Jira In Manchester United Ay Wadahadalo Kula Jirto Tababare Jose Mourinho.

0
Sunday February 07, 2016 - 12:27:40 in Sports News by
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Louis van Gaal Oo Ka Hadlay Waxa Ka Jira In Manchester United Ay Wadahadalo Kula Jirto Tababare Jose Mourinho.

    Louis van Gaal ayaa sheegay inuu aaminayo Manchester United markii ay u sheegeen inaysan wadahadalo kula jirin tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho, iyadoo mar kale uu cadaadiska ku kordhayo tababaraha reer Holland oo shaki la gelinayo mustaqbal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa sheegay inuu aaminayo Manchester United markii ay u sheegeen inaysan wadahadalo kula jirin tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho, iyadoo mar kale uu cadaadiska ku kordhayo tababaraha reer Holland oo shaki la gelinayo mustaqbalkiisa Old Trafford.

Van Gaal oo booqanaya maanta Stamford Bridge iyadoo kooxdiisa aan laga badinin sideed kulan ayaa sheegay inuusanaa aamini karin in Mourinho uu yahay bedelkiisa Old Trafford.

Wakiilka Mourinho ninka reer Portugal Jorge Mendes ayaa la fahamsan yahay inuu wadahadalo kula jiro United, laakiin waxa uu si joogta ah u la hadlaa dhowr kooxood oo Premier League ah mana jiraan heshiis la gaaray.

Louis van Gaal and Jose Mourinho File Photo

Van Gaal oo cadaadis xoogan ku jiray ka dib natiijooyin xun xun iyo qaab ciyaareedyo xun oo sii raacay ayaa weerar ahaa isbuucyadii ugu danbeysay isagoo si xoogan u beeniyay inuu soo bandhigay inuu iscasilo ama in lagu qasbay inuu waardiyayaal ka sameysto jamaahiirta Red Devils.

Macalinkii hore ee Holland oo 18 bilood ay kaga harsan tahay qandaraaskiisa United ayaa yiri: "Marka aan ogahay in waxyaabo aan jirin laga iga abuuray aniga, markaas ma aamini karo inuu jiro xiriir u dhaxeeya Jose Mourinho iyo Manchester United.”

Waxa uu sheegay wararka laga sameynayo mustaqbalkiisa inay ku adag tahay isaga, xaaskiisa, caruurtiisa iyo caruurta uu awoowaha u yahay, laakiin waxa uu sheegay inuu cadaadiskaan ku soo maareeyay Spain iyo Germany. Van Gaal oo aaminsan in United ay soo tiigsan karto kaalinta 3aad xilli ciyaareedkan ayaa yiri: "Hadalka kubada cagta ayaa sidaan iska noqday beryahan. Waa wax laga xumaado laakiin waa sidaas xaalada.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip