Guardiola Aabihiis Oo Ku Tilmaamay Kubada Ingariiska Mid Lagu Caajiso Xilli Wiilkiisa Isku Diyaarinayo Inuu Qabto Man City Xilli Ciyaareedka Danbe.

0
Sunday February 07, 2016 - 12:25:38 in Sports News by
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guardiola Aabihiis Oo Ku Tilmaamay Kubada Ingariiska Mid Lagu Caajiso Xilli Wiilkiisa Isku Diyaarinayo Inuu Qabto Man City Xilli Ciyaareedka Danbe.

    Kaliya maalmo ka dib markii la xaqiijiyay in Pep Guardiola uu u soo wareegayo Premier League, aabihiis ayaa kubada cagta Ingariiska ku tilmaamay mid lagu caajiso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaliya maalmo ka dib markii la xaqiijiyay in Pep Guardiola uu u soo wareegayo Premier League, aabihiis ayaa kubada cagta Ingariiska ku tilmaamay mid lagu caajiso.

Valenti Guardiola oo ah 84 sanno jir ah ayaa sheegay in kubada Ingariiska ay tahay kaliya kubada dhaadheer oo la soo tuuro iyo orod.

Waxa uu soo jeediyay in wiilkiisa Pep oo 45 sanno jir ah islamarkaana qaban doona Manchester City dhamaadka xilli ciyaareedkan inuu horyaalka ku soo kordhin doono kubad qurxoon oo indhaha u roon.

PAY-Valenti-Guardiola-father-of-Bayern-Munich-FC-manager-Pep-Guardiola

Valenti ayaa yiri: "Waa inaan qirto kubada cagta Ingariiska xiiso iguma heyso. Waa kubado dhaadheer oo badan iyo orod.

"Waxaan ka jeclahay kubada uu wiilkeyga jecel yahay inuu dhaqangeliyo – baasas badan ka dibna weerar lama filaan ah marka fursad ay ku furanto.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip